Information for Community and Investigation

TAHRIIBKA IYO MUQALASIINTA SOMALIDA EE MASAR! SOLA INVESTIGATES

On 4/20/2016

9281 Views

 

Dhowr bilood ka hor shabakadan SOLAPORTAL.COM waxay qoraal aad u dheer ku soo bandhigtay dhibaatada ay leedahay safarada TAHRIIBKA ee dhowrkii sano ee ugu dambeeyay ku soo batay wadamada Afrika iyo Carabta,qoraalkaa wuxuu ahaa DHIBAATOOYINKA AY LA KULMAAN SOMALIDA LIIBIYA IYO YURUB U TAHRIIBTA "DAAWO" arimaha aan shabakada kaga hadalnay waxay soo jireen waqti dheer waxaana ka ganacsada dad Somali ah oo aan dan ka lahayn hadii  badda ama saxaaraha ay ku halaagmaan dhalinyaradan Somaliyeed ee doonaya in noloshooda ay wax ka bedelaan.

Aqri qoraalka »

BOOCAME, WARIYAHA CAALAMIGA AH INTA AANU FALIN BUU KA FIIRSADAA,RUNTANA KAMA FOGAADO!

On 4/9/2016

4865 Views

Sanadkii 2005 ta waxaan course waxbarasho ka sameeyay London School of Journalism oo ah macad aad u weyn oo lagu barto caluumaadka warbaahinta iyo sidii aad u noqon lahayd Professional Journalist,waxbarashada waxay socotay dhowr bilood,iyadoo imtaaxaanaad iyo tijaabooyin ka dib lagu gudoonsiiyo shahaado rasmi ah oo aad uga shaqeyn kartid meel walba oo luuqada Ingiriiska looga hadlo,waxyaabaha ugu muhuumsan ee aan ka bartay waxay ahayd in shaqsiga warbaahinta ka shaqeeya ee wariyaha ah aanu lahayn RA'YI isaga u gooni ah waqtiga uu qorayo,hadlayo ama tebinayo barnaamij noocee doonaba ha ahaadee,mar walba waa in uu dhex-dhexaad ahaadaa,isagoo xushmeynaya sharafta warbaahinta.

Aqri qoraalka »

ARINTA DADKA LA YIRI KELIYAHA AYAA LAGALA BAXAY EE MASAR MAXAA KA JIRA? SOLA INVESTIGATES!

On 4/8/2016

9333 Views

Arin Somalida dalka iyo dibada ku kala nool ay aad uga xumaadeen oo naxdin badan ku abuurtay ayaa waxaa lagu arkay barta FACEBOOK,iyadoo la yiri dalka MASAR waxaa hooyo iyo caruurteed lagala baxay keliyaha ka dib markii ay bada soo TUFTAY,iyadoo shaqsi ku nool wadanka MASAR oo Somali ah eed dusha laga saaray isagoo la yiri waa dilaalka xubnaha muhiimka ah ee bani'aadimka ka shaqeysta,arintaa ayaa noqotay mid warbaahinta Somalida ay ka hadlaan,iyadoo lagu arkay FACEBOOK sawirro aad u foolxun oo naxdin leh, kuwaasoo ay soo geliyeen qaar ka mid ah dadka bulshada Somalida magac iyo sharaf  ku leh.

Aqri qoraalka »

SHAQSIYADA U OLOLEYNAYA XASUUQA DADKA KA SOO JEEDA GOBOLADA KOONFUR GALBEED SOMALIYA EE KU NOOL PUNTLAND?

On 4/3/2016

5645 Views

Dagaalkii 1994 ee dhexmaray qowmiyadaha HUTU iyo TUTSI ee wadanka Rwanda oo ay ku naf waayeen dad shacab ah oo an waxba galabsan wuxuu ka bilowday dhiira gelin laga maqlay dhanka warbaahinta oo ay ka dambeeyeen shaqsiyo ka soo kala jeeda dadka ku wada nool isla wadankaa Rwanda,markii dagaalkii la soo af jaray waxaa ku naf waayey 800,000 kun oo intooda badan ay ahaayeen dad aan ka qeyb gelin dagaalka oo sababta ay u dhinteen ay ahayd QABIILKA ama reerka ay ka soo jeedaan,BBC warbixin ay arintaa ka diyaarisay waxay ku tilmaamtay "The most prominent hate media outlet was the private radio station, Radio Television Libre des Mille Collines.

 

 

Aqri qoraalka »

WAA KUMA SHAQSIGAN MIKAEL TORSTENSSON EE SOMALILAND AY U MAGACAWDAY SAFIIR SHARAFEEDKA YURUB? UPDATED JANUARY 2018

On 3/29/2016

8234 Views

Shaqsigan u dhashay wadanka Sweden ee lagu magacaabo Mikael Torstensson waa qof runtii aad u taageera Somaliland,isagoo inta badan ka hadla warbaahinta Yurub iyo kuwa Somalidu ay leedahay,wuxuu ka qeyb galaa shirarka muhiimka ah ee Somaliland ku dooneyso in ay ku hesho madaxbanaani,Mikael Torstensson taageeradiisa waa mid dhanka cayaaraha,horumarinta iyo wax walba oo Somaliland quseeya,go'aankiisana waa in lagu xaq dhowraa,wararka ka soo baxaya dowlada Somaliland waxay sheegayaan in Mr Mikael Torstensson loo doortay SAFIIR sharafeedka Sweden iyo YURUB ee Somaliland,taasoo si rasmi ah ay u xaqiijiyeen maamulka sare ee Somaliland.

 

 

Aqri qoraalka »

UNIVERSAL TV IYO FURSAD FUND MAXAA ISU KEENAY OO KA DHAXEEYA?

On 3/6/2016

6232 Views

 

Telefishinka Unviversal ee afka Somaliga ku baxa waa kii ugu horeeyay ee laga hirgeliyo Somaliya iyo qurbaha ka dib markii Telefishinkii qaranka Somaliya uu la burburay waagii dagaalada sokeeya ay bilowdeen,waxaa si wadajir ah u aas-aasay ganacsato ku kala nool wadamada Somaliya iyo Norway,iyadoo markii dambe ay la wareegeen dad ku nool wadanka UK oo ilaa iminka ay dacwado u socdaan milkiilayaasha iyo dadka sheegtay in ay si rasmi ah u leeyihiin.

Aqri qoraalka »

VISAHA MAREYKANKA IYO KANADA AY KU GALAAN DADKA WATA BAASBOORADA YURUB OO SOMALIYA,YEMEN IYO LIIBIYA U DHASHAY OO SHARCI CUSUB KA SOO BAXAY "UPDATED 18.2.2016!!

On 12/1/2015

11585 Views

usavis2

Wadanka Mareykanka ayaa ku tala jira in uu isbedel aad u weyn ku sameyn doono VISAHA loo yaqaan WEAVER,kaaso 38 wadan ay ku galaan wadanka Mareykanka VISA la'aan,iyadoo looga baahan yahay oo keliya buuxinta form Internet ku jira oo waqti aad u yar kuu ogolaanaya VISA aad ugu safri kartid wadanka Mareykanka oo aan dhicin 2 sano,isbedelkan oo lagu dhawaaqay maalintii Isniinta 30.11.2015,wuxuu si rasmi ah u hirgeli doonaa dhamaadka sanadka 2015.

Aqri qoraalka »

MAXAA KA JIRA WARAAQDA LA YIRI WAXAY KA SOO BAXDAY SAFAARADA SOMALIYA EE ANKARA OO LOO QORAY SHAQSIGII ISKU QARXIYAY DAALLO AIRLINE? "SOLA INVESTIGATES"

On 2/10/2016

4798 Views

 

Taariikhda markay ahayd Feberaayo 2-2016 waxaa diyaarad ay leedahay shirkada DAALLO isku dhex qarxiyay sida la sheegay shaqsi curiyaan ah oo LAPTOPKA uu watay waxyaabaha qarxiya loo geliyay,ka dibna qaar ka mid ah shaqaalaha gegida diyaaradaha ee Muqdisho markii uu soo dhaafay dhanka SECURITIGA si hoos ah ugu dhiibay LAPTOPKA,arintan waxaa si aad ah uga hadlay dhamaan warbaahinta aduunka,iyadoo shaqsiga keliya ee ku naf waayey uu ahaa qofkii la yiri wuu is qarxiyay,diyaarada ayaa ku soo laabatay garoonka ay ka duushay muddo aad u yar ka dib,iyadoo dhamaan rakaabkii saarnaa ay ka badbaadeen,baaritaan dheer oo ay sameeyeen waaxda nabad sugida Somaliya ee NISA,waxay xaqiijiyeen in shaqsiga is qarxiyay isla markaana diyaarada ka dhacay uu ahaa ABDULLAHI ABDISALAAM BORLEH oo ku sii socday wadanka Turkiga isagoo markii hore qorshihiisa ahaa in uu raaco TURKISH AIRLINE,laakiin arimo la xiriira isbedelka hawada ama cabsi ay maqleen aawgeed aan ka soo degin XAMAR.

Aqri qoraalka »

ABDRIZAK KAMPALA OO GABDHAHA SOMALIDA ONLINE KU FADEEXEYN JIRAY WUXUU IMINKA FURTAY SHABAKO KA SII DARAN "SAWIRRO"

On 2/8/2016

10096 Views

 Aqristayaasha shabakada SOLAPORTAL  waxay si fiican u xusuustaan ABDIRIZAK YUSUF ABDALLA oo ku magac dheer "ABDIRIZAK KAMPALA"
Wuxuu ku noolyahay magaalada CAPE TOWN ee wadanka SOUTH AFRICA,waa shaqsi ku shaqeysta shabakadaha lagu fadeexeeyo gabdhaha Somaliyeed,isagoo ka xada sawirrada ay soo geliyaan baraha SOCIAL MEDIA,wuxuu iminka mas'uul ka yahay shabakadaha ugu badan ee Somalida kuwooda lagu soo bandhigo sawirrada been abuurka ah ee dumarka qaawan iyo ka sheekeeynta waxyaabo dhaqanka Somalida iyo kan diinta islaamka ka fog.

Aqri qoraalka »

WARAAQDA WARAN-CADE U DIRAY GENERAL GAAFOW EE BAASABOORADA MAXAA KA JIRA? "SPECIAL INVESTIGATION"

On 2/1/2016

14672 Views

Waxaa dhowrkii maalmood ee la soo dhaafey laysla dhexmarayey warbaahinta Somaliya iyo Somaliland arin ku saabsan codsi uu dhamaadkii sanadkii hore u diray wasiirka arrimaha gudaha ee Somaliland Mr Ali Mohamed Waran-Cade,isagoo ka codsadey taliyaha socdaalka iyo jinsiyadaha Somaliya General Abdullahi Gaafow in uu ka aqbalo furitaanka xafiis Baasboorada oo laga hirgeliyo Somaliland,si ay ugu fududaato qaadashada Baasboorka Somaliya oo wadamada qaarkood si xor ah loogu safri karo.

Aqri qoraalka »