Information for Community and Investigation

ABDRIZAK KAMPALA OO GABDHAHA SOMALIDA ONLINE KU FADEEXEYN JIRAY WUXUU IMINKA FURTAY SHABAKO KA SII DARAN "SAWIRRO"

On 2/8/2016 (IST)

Aqristayaasha shabakada SOLAPORTAL  waxay si fiican u xusuustaan ABDIRIZAK YUSUF ABDALLA oo ku magac dheer "ABDIRIZAK KAMPALA"
Wuxuu ku noolyahay magaalada CAPE TOWN ee wadanka SOUTH AFRICA,waa shaqsi ku shaqeysta shabakadaha lagu fadeexeeyo gabdhaha Somaliyeed,isagoo ka xada sawirrada ay soo geliyaan baraha SOCIAL MEDIA,wuxuu iminka mas'uul ka yahay shabakadaha ugu badan ee Somalida kuwooda lagu soo bandhigo sawirrada been abuurka ah ee dumarka qaawan iyo ka sheekeeynta waxyaabo dhaqanka Somalida iyo kan diinta islaamka ka fog.

Markii SOLAPORTAL ay baartaan dheer ku sameysay wuxuu isku dayey in uu ka bedelo magacyada ay shabakadihiisa ku diiwaan gashan yihiin si uu u jahwareeriyo dadka daba socda,gabdho badan ayaa EMAILO kala duwan u soo diray SOLAPORTAL,iyagoo sheegay in sawirkoodii PHOTOSHOP inta lagu farsameeyay ka dibna INTERNETKA si foolxun loo soo geliyay.

Shabakadaha uu leeyahay awal waxay ahaayeen kuwa sawirka hoose ka muuqda:

 

Tan ugu foosha xun ee GABDHAHA Somaliyeed uu ku dhibaateeyo waa SIRHUFAN.COM, oo sida aad hoos ku aragtaan uu yahay milkiilaha magaciisa uu ku diiwaan gashan yahay,laakiin dhamaadkii bishan waxaa dhacday in uu magacii diiwaan gelinta ka bedelay ka dib markii CADAADIS xoog leh uu kaga yimid WIILAL la dhashay gabdhaha uu ku xumeeyay shabakadan: eeg sawirka hoose:

 

 

 

 

Sida aad ku aragtaan sawirrada iyo qoraalada dusha,runtii waa waxyaabo yaab iyo amakaag ku abuuray qof walba oo arka,iyadoo sawir aan shaqo ku lahayn uu u isticmaalay qoraalo aad u fool xun.

Xiligii uu bedelay magaca ku diiwaan gashan iyo Emailka,wuxuu ilaaway wixii ugu muhiimsanaa oo ah shirkada bixisa KEYDINTA ama HOST,eeg sawirka hoose:

 

Iminka waxaa ka sii daran isagoo furay shabakad la yiraahdo  BARAARAHA.COM, taasoo ka sii daran kuwii hore ee lacagaha GOOGLE uu ku raadin jiray!,aan isla eegno sawirrada iyo qoraalada uu isticmaalo oo runtii aad u foolxun.

 

 ABDRIZAK KAMPALA wuxuu isku dayay in uu qaldo dadka,laakiin isu eeg meesha laga wada leeyahay SIRHUFAN.COM iyo BARAARAHA.COM

 

 

Si aan u xusuusino aqristayaasha SOLAPORTAL,waa ayo ABDIRIZAK KAMPALA?

Qoraalada iyo sawirrada uu soo geliyo FACEBOOK iminka wuxuu u isticmaalaa magaca iyo sawirka GABAR Somali ah oo aan ka warqabin!.

 

 

Shabakada SOLAPORTAL waxay horay baaritaamo ugu sameysay shaqsigan oo aan weli ka waantoobin arimaha uu gacmaha kula jiro!

 

SABABTA ABDIRIZAK KAMPALA UU GABDHAHA SOMALIYEED SAWIRADOODA U XADO UNA ISTICMAALO OO LA SOO OGAADAY UPDATED 24.12.2015

 

SHAQSIGA GABDHAHA SOOMAALIYEED SAWIRADOODA SHABAKADO U SAMEYSTAY KUNA FADEEXEEYA "SPECIAL REPORTS"

 

Hadii sawirkaaga ama qof aad taqaanid aad ku aragtid shabakadaha ABDIRIZAK KAMPALA, la xiriir telefoonka iyo Emailka hoose:

 

 

 

 

Qore: Abdinasir Ismail "SOLA"

 Investigative Journalist

La xiriir: info@solaportal.com