Information for Community and Investigation

WARAAQDA WARAN-CADE U DIRAY GENERAL GAAFOW EE BAASABOORADA MAXAA KA JIRA? "SPECIAL INVESTIGATION"

On 2/1/2016 (IST)

Waxaa dhowrkii maalmood ee la soo dhaafey laysla dhexmarayey warbaahinta Somaliya iyo Somaliland arin ku saabsan codsi uu uu dhamaadkii sanadkii hore u diray wasiirka arimaha gudaha ee Somaliland Mr Ali Mohamed Waran-Cade,isagoo ka codsadey taliyaha socdaalka ee Somaliya General Abdullahi Gaafow in uu ka aqbalo furitaanka xafiis Baasboorada oo laga hirgeliyo Somaliland,si ay ugu fududaato qaadashada Baasboorka Somaliya oo wadamada qaarkood si xor ah loogu safri karo.

Waraaqdan la yiri waxaa soo qoray Mr Waran-cade taariikhda ku qoran waa 25.10.2015 oo iminka ay ka soo wareegtay laba bil iyo bar,waa maxay sababta keentay in xiligan la soo badhigo?yaa ka dambeeyay? ma SAX baa mise waa BEEN ABUUR ama FAKE?

Shabakada SOLAPORTAL.COM ayaa baaritaan dheer ku sameysay waraaqahan la yiri waxaa isu qoray labada mas'uul ee GAAFOW iyo WARAN-CADE.

Ugu horeyn aan eegno waraaqda la yiri,waxaa soo qoray wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Mr Waran-cade. Eeg sawirka hoose:

 

 

Iminka aan isla eegno meelaha aan isleenahay waa muhiin in ay arkaan aqristayaasha shabakada. Eeg sawirka hoose:

 

 

 1- Waraaqda waxaa la socda REF la yiri waa kan Wasaarada arimaha gudaha,kaasoo ah, TIX/WAG/SL11708/2015,kaaso wata ereyga Taariikhda 21.10.2015,waxaa kale oo aan aragnaa in waraaqda ay tahay KOOBI(COPY) oo laga soo saaray birta keyda faalasha eeg falaaraha CAS EE bidixda,waxaan kale oo aan aragnaa in HINGAADA "JANSIYADAHA" uu yahay mid qalad ah,hoos eeg iminka magaca,saxiixa iyo STMAPKA la socda waa 90 degree oo ma ahan mid toosan.

Waxaa kale oo aan ku aragnaa dusha in sawirka laga dhigay mid lagu SCANN gareeyay xafiiska SAFARI TRAVEl,iyadoo la ilooway in laga masaxo "safari travel HD.jpg" oo ah qaabka ama FORMATKA sawirka,maxaa isu keenay goob ganacsi SCANNER laga isticmaalo iyo waraaq SIR ah oo ka soo baxday wasaarada arimaha gudaha ee Somaliland?

Magaca koowaad waa ENGLISH  ALI kan labaad waa ENGLISH MOHAMED, kan seddexaad waa SOMALI Waran Cade,laakii waxaa ka maqan hakadka u dhexeeya Waran iyo Cade oo ah sidan Waran-Cade,saxiixa iyo tiimbaraha ama Stampka dusha si fiican u eeg.

 

Iminka aan isla eegno sawir kale oo ah waraaq rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Mr Waran-Cade. Eeg sawirka hoose:

 

 

 

2-Waraaqda dusha ee ka soo baxday xafiiska wasiirka arimaha gudaha waxaa la socda REF:WAG/XW/237/44/2015,taariikhdu waa 12.5.2015,si fiican u eeg qoraal TAARIIKHDA lama socoto,

Waraaqda la yiri waxaa loo diray GENERAL GAAFOW,haba yaraatee lama socdaan habka waraaq qorida rasmiga ah ee  KU iyo OG.

Iminka aan eegno Magaca,Saxiixa iyo Timbaraha wasaarada arimaha gudaha ee Somaliland.

Sawirka hoose waxaan ku aragnaa labada waraaq iyo qaabka loo saxiixay.

 

 

Shaqsiga soo qoray waraaqda la yiri waxay ka timid Mr Waran-Cade wuxuu sameeyay qaladaad aad u fara badan,tusaale ahaan wuxuu ku qoray "Wasiirka Arimaha Gudaha JSL",laakiin kan rasmiga ah waa "Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha",iyadoo hingaada Arrimaha  loo qoray qaab qalad ah, "Arimaha" oo laga tegay "R",dhanka kale qoraalka runta ah waa SHAQAL DHEERE oo ah,WASIIRKA WASAARADA ARRIMAHA GUDAHA,iyadoo kan kale uu yahay Wasiirka Arimaha Gudaha JSL.

Si aan u xaqiijino waraaqaha rasmiga ah ee ku saxiixan magaca Mr Waran-cade,shabakada SOLAPORTAL waxay idin soo bandhigeysaa kuwa kale oo ka soo baxay xafiiska wasiirka arrimaha gudaha. Eeg sawirka hoose:

 

 

Baaritaan dheer ka dib waxaa cad in waraaqda la yiri waxaa soo qoray Mr Waran-Cade aan waxba ka jirin oo ay tahay FAKE,taasoo qaabka loo sameeyay ahaa mid "amateurish" ah oo aan aqoon qaabka loo sameyn karo WARAAQ BEEN AH - LAAKIIN RUNTA U YARA DHOW!

Dhanka siyaasada hadii la eego labada mas'uul waxay jebiyeen dhowr BOROTOKOOL,ugu horeyn hadii aan daawano VIDEO laga soo duubay GENERAL GAAFOW,wuxuu soo bandhigay hadii ay aahaan lahayd mid run ah oo jirta, SIR laba hay'adood ay si qarsoodi ah  isugu direen,taasoo ka basxan sharciga wada shaqeynta "hadiiba ay jirto" Daawo Videowga hoose:

 

 

Dhanka kale Mr Waran-Cade wuxuu ka baxay arimaha waraaqda FORGERIGA ah ee la yiri wuxuu ka soo baxay xafiiskiisa,isagoo madaxweynaha Somaliya ku eeday in uu u SAJUUDAY,meydka askartii KENYAATIGA ee lagu laayey Gobolka GEDO,isla markaana yiri wuxuu ku qoslay dadkii lagu xasuuqay xeebta LIIDO,waxaa kale oo uu ka dhawaajiyay in GENERAL GAAFOOW uu  u talin jiray waagii berisamaadka,taana runtii waa wax aan shaqo ku lahayn waraaqahan been abuurka ah ee la yiri waxaa qoray Mr Waran-Cade, Daawo Videowga hoose:

 

Tabcan shabakadan uma furna in ay ka hadasho siyaasada qalifan ee u dhexeysa Somaliya iyo Somaliland,laakiin marwalba waxaan soo bandhignaa wixii aan u aragno in ay been abuur yihiin.

 

Qore: Abdinasir Ismail "SOLA"

 Investigative Journalist

La xiriir: info@solaportal.com