Information for Community and Investigation

QAABKEE LOO OGAADAY CAYAARYAHANKII SOMALIYEED EE ASTON VILLA XILIGII UU KU BIIRI LAHAA ISIS?

On 10/14/2016

3709 Views

 Cayaaryahankii u taba barnaa in uu ku biiro kooxdii heerka koowaad ee ASTON VILLA oo iminka ku jirta Seria B ayaa waxaa maxkamad ku taala wadanka Ingiriiska ay ku xukuntay xabsi aad u dheer,ANAD ABDOW ABDULLAHI oo la tababartay kooxda ka dhisan magaalada Birmingham ee wadanka UK waxaa lagu waday in uu si buuxda u noqdo cayaaryahan ka dheeli kara kooxaha ka dhisan horyaalka wadanka Ingiriiska,Anas shaqadiisa caadiga ah waxay ahayd dhanka iyo computerka,isagoo waqti dheer ka shaqeeyay dukaanka wayn ee Selfbridges oo ku yaala caasimada labaad ee UK BIRMINGHAM.

Aqri qoraalka »

MAXAA KA JIRA TELEFOONKA WHATSAPPKA EE DHIIGA KAA DHUUQAYA KA DIBNA KU DILAYA? "SOLA INVESTIGATES" UPDATE 9.10.2016

On 10/5/2016

24415 Views

 Bishii SEPTEMBER 2015 Blog aan ka aqriyo Internetka oo la yiraahdo HOAX SLAYER oo micnihiisa yahay BEEN GAWRACE ayaa waxaan ku arkay qoraal noocan ah "Satanic Agents Looking for Blood ‘ WhatsApp Warning Hoax" Shaqaalaha Shaydaanka oo doonaya dhiig,kaasoo ahaa arimo ka soo bilowday India ka dibna ku faafay qaarada AFRIKA,arimaha noocan ah mar walba INTERNETKA waa lagu arkaa,laakiin waa sheekooyin mala awaal ah oo dad qaarkood ay u isticmaal dana iyaga u gooni ah ama doonaya in ay lacag si qarsoodi ah uga sameeyaan.

 

 

Aqri qoraalka »

ANN COULTER ARIMAHA AY KA QORTAY SOMALIDA MINNESOTA MAXAA KA JIRA?

On 10/8/2016

3280 Views

ANN COUKTER waa 54 jir Mareykan ah oo inta badan lagu eedo in ay tahay CUNSURIYAD ka soo horjeeda Muslimka,ajaaniibta ku nool Mareykanka iyo qof walba oo aan ahayn CADAAN iyo MASIIXI,waxaa inta badan lagu arkaa telefishinada garabka midig ee wadanka USA,waa qoraa daabacday buugaag aad u tira badan oo inta badan lagu eedo in ay yihiin kuwa jinsi naceeyb xambaarsan,waxaa lagu arkaa TVga FOX NEWS oo ah kan ugu codka iyo daawashada badan ee Ameerika,buugii ugu dambeeyay ee ay qortay waxay aad uga hadashay Somalida ku nool USA qaas ahaan gobolka ay aadka u degan yihiin ee MINNESOTA,ma aha markii ugu horeysay ee Somalida lagu war hayo arimaha gobolkaas,DONALD TRUMP oo ah musharaxa madaxweynaha Mareykana ayaa dhowr bil ka hor wuxuu yiri SOMALIDA ku nool MINNESOTA waxay gacan siiyaan ISIS,buuga ay ANN COULTER qortay waxaa la yiraahdaa ADIOS AMERICA ama NABADEEY AMERIKA,runtii wuxuu taabanayaa qowmiyadaha kala duwan ee ku nool USA,laakiin arinta Somaliya ayay aad ugu dheeraatay,iyadoo qaar ka mid qoraaladeeda ku tilmaamtay Somalidu in ay yiihiin dad PRIMITIVE ah ama HEER HOOSE!,shabakada SOLAPORTAL.COM waxay soo xushay qaar ka mid qoraalada buuga ANN COULTER.

Aqri qoraalka »

DOWLADDA UK OO KU DHAWAAQEYSA SHARCIYO CUSUB OO LA XIRIIRA BREXIT UPDATED 15.10.2016!

On 6/24/2016

8799 Views

Dhamaadka sanadkan 2016 dowladda UK waxay ku dhawaaqeysaa sharciyo la xiriira AJAANIIBTA u dhalatay wadamada EU ee doonaya in ay ku noolaadan,ka shaqeeyaan ama wax ka bartaan,waxaa lagu wadaa in dadka ka yimaada wadamada xubinta buuxda ka ah YURUB loo kala saari doono seddex qeyb.

ARDEYDA,DALXIISAYAASHA SI XOR AH AYAY U IMAAN KARAAN WADANKA UK,hadii aad XIRFAD ama SKILLS leedahay waxaad dalbaneysaa VISA iyo WARAAQ SHAQO "WORK PERMIT" oo si fudud aad ku heli kartid,hadii aadan lahayn XIRFAD "UNSKILLED",laguu ogolaan maayo in aad UK ku noolaatid ama aad timaadid.

Dowlada UK ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in ARTICLE 50 ee heshiiska LISBON si rasmi ah u hawl geli doono dhamaadka bisha Maarso 2017,iyadoo isla xiligaa ay ku dhawaaqi doonaan isbedelka sharciyada YURUB ee la xiriira GANACSIGA,AJAANIIBTA,DEGAANKA,VISAHA iyo sharciyo kale oo dhowr boqol ah ee u kala dhexeeyay UK iyo YURUB,isbedelka dhacaya hadii dowlada UK ay si rasmi ah u hirgeliso waa iyadoo dhamaan sharciyadii YURUB ay ku heshiiyeen 1972 aanu saameyn ku yeelan doonin wadanka UK,ARTICLE 50 markii lagu dhawaaqo oo la saxiixo wuxuu soo af-jarmayaa dhamaadka 2019,taasoo gebi ahaan xiriirka UK iyo YURUB isbedel aad u weyn uu ku dhacayo

Sida aan la socono waxaa AFTI laga qaaday dadka ku nool wadanka Ingiriiska 23.6.2016,kaasoo la yiri kala doorta in UK ay xubin ka ahaato Yururb iyo inkale,boqolkiiba 52 waxay codka ugu shubeen in ay doonayaan ka bixida ama BREXIT ee wadanka Britian,arintaa ayaa si aad ah u saameysay suuqa lacagaha ee aduunka,iyadoo waxyaabo badan ay isbedeli doonaan labada sano ee soo socota.

Ugu horeyn Ra'iisal wasaaraha Britian Mr David Cameron ayaa wuxuu iska casilay shaqadii,iyadoo ay uga dhiman tahay dhowr sano,wuxuu go,aansaday xiliga laga soo laabto fasaxa kuleelaha in uu shaqada si rasmi ah u wareejin doono.

Aqri qoraalka »

KITAABKA QURAANKA LA YIRI WAXAA LAGA HELAY MAKTABAD KU TAALA MAGAALADA BIRMINGHAM - WAA MARIN HABAABIN ISLAAMKA LAGULA DAGAALAMAYO "SPECIAL REPORT"

On 12/1/2015

5132 Views

koran1Jaraa'idyada ka soo kala baxa wadamada UK iyo USA oo inta badan ah kuwa garabka midig ayaa waxay aad uga faaloodeen KITAAB la yiri waxaa laga helay maktabad ku taala caasimada labaad ee wadanka boqortooyada UK magaalada BIRMINGHAM,taasoo sida ay ku qoreen shabakadaha iyo jaraa'idka la daabaco ay ku sheegeen in kitaabkan la qoray inta u dhexeysa sanadadii 568 AD iyo 654 AD,taasoo ay leeyihiin waxay ka horeysaa waqtigii RASUULKA "SCW" Quraanka lagu soo dejiyay oo ahayd inta u dhexeysa 609 AD iyo 632AD oo ah 23 sano.

Aqri qoraalka »

BADDA KENYA IYO SOMALIYA AY ISKU HEYSTAAN "SOLA EXPLAINES"

On 9/20/2016

3732 Views

 

Waxaa maxkamada caalamiga ah ee ICJ "International Court of Justice oo xarunteeda ay tahay magaalada HAGUE ee wadanka Netherlands ka socda maxkamad ay Somaliya ku soo oogtay wadanka Kenya oo quseysa arimaha xuduuda badweynta Hindiya ee u dhaxeysa labada wadan ee deriska ah,arimahan waxay ahaayeen kuwa socday dhowr sano,iyadoo xuduuda laysku haysto ay ku hoos aasan yihiin qayraad aad u tira badan oo dowladaha Faransiiska,Norway iyo Imaaraadka ay heshiis hoosaad la galeen dowlada Kenya.

Aqri qoraalka »

DAAHIR CALLASOW IYO ABUUKAR CAWAALE HALKAY ISKALA QAADEEN? VIDEOS!UPDATED 9.9.2016

On 6/9/2016

8658 Views

Dhowr maalmood ka hor waxaan barta FACEBOOK ku arkay Video Youtube la soo geliyay oo Daahir Callasow uu kaga hadlayo Abuukar Cawaale oo loo yaqaan QAAD DIID,waxyaabo aad u farabadan ayuu kaga hadlay muuqaalka uu soo dhigay Youtube,wuxuu ku bilaabay eedo uu dusha ka saaray Mr Awale oo iminka ku sugan wadanka Somaliya oo sida la sheegay u tagay arimaha ka hortaga qaadka iyo wacyi gelinta dhalinyarada Somaliyeed ,runtii waa arin aad u wanaagsan oo Mr Abukar Awale in marwalba lagu dhiiri geliyo isla markaana lagu gacan qabto ay banaan tahay,tabcan Daahir Callasow waxa uu qoray xor ayuu u yahay,laakiin sheekada hadii ay ahaan lahayd waxaan SHAQSIYAD ahaan uga soo horjeedaa Abukar Awale cidna kama yeeli lahayn, anagana 100% waxaan taageeri lahayn QAAD DIID,laakiin sida aan ka daawanay Youtube sheekada way ka weyn tahay QAAD iyo ka hortagiisa.

Aqri qoraalka »

ARIMIHII ILHAN OMAR MAXAA CUSUB OO SOO KORDHAY? SOLA INVESTIGATES!

On 8/23/2016

5975 Views

Arimihii lagu eeday ILHAN OMAR oo ah gabadhii ugu horeysay oo MUSLIN AFRIKAN ah ee ku guuleysata kursiga aqalka sharciyada gobolka MINNESOTA ayaa waxaa ku soo kordhaya waxyaabo aad u farabadan,ugu horeyn dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay shabakada SOLAPORTAL.COM waxaa wadanka Mareykanka kala soo xiriiray dad isugu jira ajaaniib iyo Somali oo doonaya arimaha ILHAN OMAR iyo shaqsiga la yiri waa walaalked oo la yiraahdo AHMED NUUR ELMI oo iminka ku nool wadanka UK,ugu horeyn sidaan hore u sheegnay ILHAN OMAR gebi ahaan way beeneysay arimaha lagu eeday,iyadoo sheegtay in AHMED NUUR ELMI uu ahaa shaqsi ay is guursadeen isla markaana kala tageen,waxaan u arkaa ayay tiri arimta AHMED ELMI ee la yiri waa walaalkeed FADEEXAYN iyo BEEN ABUUR.

Aqri qoraalka »

MA RUN BAA ARIMAHA LAGU EEDAY ILHAN OMAR EE GUURKA WALAALKEED IYO KURSIGA AY KU GUULEYSATAY? SOLA INVESTIGATES!

On 8/17/2016

4900 Views

ILHAN OMAR waa gabar Somali ah oo ku guuleysatay tartankii golaha wakiilada ee Minnesota,iyadoo noqotay shaqsigii ugu horeeyay SOMALI-AMERICAN ah oo xafiis noocan ah loo doorto,Ilhan waxay tartan kula jirtay Phyllis Kahn and Mohamud Noor oo bishan Agoosto 9 ay kaga guuleysatay,guusha ay gaartay waxaa u riyaaqay dhamaan Somalida ku kala nool dalka iyo dibada,waxaan fariin hambalyo ah u soo diray Ra'iisal wasaaraha Somaliya iyo mas'uuliyiin ka tirsan xisbiga talada wadanka Mareykanka haya ee Dimoqoradiga.

Runtii si sharci ah oo taageeryaal badan ay u codeeyeen ayay Ilhan ku heshay kursigan muhiimka ah,dhowr maalmood ka dib waxaa warbaahinta Mareykanka ay  ka qoreen iyagoo aqbaar ka helay shaqsi Somali ah oo la yiraahdo ABDI JOHNSON oo ku nool NORTH AMERICA isla markaana TAFATIRE ka ah shabakada SOMALISPOT.COM arimo ILHAM OMAR ku saabsan oo sida warbaahinta GARABKA MIDIG ay qoreen lagu eeday waxyaabo kala duwan.

 

Aqri qoraalka »

MAXAA KU QASBAY ABDULLAHI XIIREY IN UU DURAN FARAH BEEN ABUUR KAGA SAMEEYO FACEBOOK MESSAGE ?"SOLA INVESTIGATES"

On 8/4/2016

6242 Views

 

Ugu horeyn waxaa laga yaabaa in aqristayaasha shabakada SOLAPORTAL aan aqoon u lahayn labadan shaqsi ee la kala yiraahdo ABDULLAHI XIIREY iyo DURAN FARAH,waa laba qof oo SOMALIYA ku wada nool isla markaana ka shaqeeya dhanka cayaaraha iyo dhalinyarada,Mr Duran Farah waa xoghayaha Olimbikada Somaliya,iyadoo bahweynta isboortiga ay aad u yaqaanaan isla markaana  xilal kala duwan ka soo kala qabtay GOS "Guddiga Olimbikada Somaliya",Mr Abdullahi Xiirey waa agaasimaha waaxda dhalinyarada ee wasaarada dhalinyarada iyo isboortiga,waxaa is weydiin leh halkay iskala qaadeen maxaase isu keenay?

Aqri qoraalka »