Information for Community and Investigation

SHAQSIYADA U OLOLEYNAYA XASUUQA DADKA KA SOO JEEDA GOBOLADA KOONFUR GALBEED SOMALIYA EE KU NOOL PUNTLAND?

On 4/3/2016 (IST)

Dagaalkii 1994 ee dhexmaray qowmiyadaha HUTU iyo TUTSI ee wadanka Rwanda oo ay ku naf waayeen dad shacab ah oo an waxba galabsan wuxuu ka bilowday dhiira gelin laga maqlay dhanka warbaahinta oo ay ka dambeeyeen shaqsiyo ka soo kala jeeda dadka ku wada nool isla wadankaa Rwanda,markii dagaalkii la soo af jaray waxaa ku naf waayey 800,000 kun oo intooda badan ay ahaayeen dad aan ka qeyb gelin dagaalka oo sababta ay u dhinteen ay ahayd QABIILKA ama reerka ay ka soo jeedaan,BBC warbixin ay arintaa ka diyaarisay waxay ku tilmaamtay "The most prominent hate media outlet was the private radio station, Radio Television Libre des Mille Collines.

 Waxaa laga yaabaa aqristayaasha SOLAPORTAL in ay is yiraahdaan maxaa isu keenay wixii RWANDA ka dhacay 1994 iyo arimaha SOMALIYA ee 2016? Tabcan meel aad muhiim u ah ayay isaga mid yihiin,taasoo ah in dad ka soo jeeda PUNTLAND ay u ololeeyaan sidii dad kale oo Somali ah wadankooda looga tarxiili lahaa,xoolahooda loo dhici lahaa isla markaana loo cirib tiri lahaa.

Arintan aan ka hadalnay dowlada PUNTLAND iyo shacabkeeda raali maka yihiin? jawaabta waa MAYA,laakiin shacabka PUNTLAND waxaa maanta ka af dheer oo magacoodii isticmaalay dhalinyaro ka soo jeeda dhulka Somaliyeed ee la doonayo in Somali kale lagu dhibaateeyo.

Dhalinyaradan waxay baraha SOCIAL MEDIYAHA ku baahiyaan NACAYB aan hore loogu arag dhulka iyo dhaqanka Somalida,kaasoo ay ku dhiira gelinayaan xubnaha bartooda FACEBOOK memberka ka ah in dadka ay ku tilmaameen REER KOOFUR,HAWIYE,EELAAY iyo JAREER gebi ahaan laga saaro dhulkan ay ku dhasheen ee Somaliya,waxaa ka sii murugo badan in fikradahan waxashnimada ah ay ku taageeraan dad ku kala nool dalka iyo dibada oo MAAN-GAAB ah.

Arimahan waxay si aad ah u soo shaac baxeen bishii Maarso 2016,xiligii ay socdeen dagaaladii u dhaxeeyay ciidanka Somalida iyo maleeshiyada Al-shabaab ee ka kala dhacay dhulka xeebaha iyo buuraleyda ah ee PUNTLAND,taasoo dhamaan umadda Somaliyeed ee nabadda jecel HIIL IYO HOOBA u yabooheen ciidanka Somaliya.

Hadalkii ugu amkaaga badnaa wuxuu ka soo yeeray Mr Axmed Muuse Nuur oo ah Gudoomiye ku xigeenka labaad ee gobolka Mudug oo yiri "ruuxii isku qarxiyay Magaalada Gaalkacyo wuxuu ahaa qof ka soo jeeda Koonfurta Somaliya".

Qofka mujrimka ah ee is qarxiyay waa SOMALI,dadk uu xaqdarada ku laayay waa SOMALI,micne yeelan meyso in shaqsi mas'uul ah uu yiraahdo wuxuu ka soo jeedaa KOOFUR ama GALBEED,argagixisadu xuduud ma leh,waxay mar walba ku dadaalaan siday isaga horkeeni lahaayeen umadda Somaliyeed ee walaalaha ah.

Hadii aan ku soo laabano wiilashan sameystay barta FACEBOOK ee lagu magacaabo SHACABKA PUNTLAND oo MEMBER ay ka yihiin dad ku dhow 100,000 oo reer Facebook ah,dhalintaan maran habaabsan mas'uul kama aha dowlada iyo reer Puntland,waa wax maskaxdooda yar ay ka soo alifeen,waxay is leeyihiin wanaag ayaad dhulka Somaliyeed ee Puntland u qabaneysaan,laakiin arimaha ay ku dhaqaaqeen waa FIDNO tan ugu weyn oo dembi ku ah FACEBOOK iyo wadanka ay ku nool yihiin ee JARMALKA.

Ugu horeyn shabakada SOLAPORTAL waxay dacwad u gudbisay Federal Office for the Protection of the Constitution " Bundesamt für Verfassungsschutz (BfV)"oo ah xafiiska xeer ilaaliyaha dastuurka federaalka Jarmalka oo gebi ahaan wadankaa ka mamnuucay in dhiira gelin loo sameeyo XASUUQ qowmiyad iyadoo la isticmaalayo warbaahinta kaasoo ah "Incitement to Genocide",wiilasha arimahan ka dambeeya waxay QAXOOTI ku yihiin wadanka Jarmalka,kaasoo sharciga ay ku jebiyeen waxyaabaha FACEBOOK soo geliyaan iyagoo isticmaalaya SHACABKA PUNTLAND FACEBOOK.

Dacwada labaad waa tan FACEBOOK oo gebi ahaan mamnuucay in arimaha aan kor ku soo xusnay loo isticmaalo,taasoo hadii ay ku cadaato MAMNUUC looga dhigi doono isticmaalka FACEBOOK,aqri qoraalkan

Qoraalo aad u foolxun ayaa lagu soo qoray Shacabka Puntland,taasoo dad badan ay jawaabo taageero ah siiyay,kuwa kalena ka hor yimaadeen.

Waxyaabihii ugu foosha xumaa ee lagu arko Shacabka Puntland Facbook si fiican u eeg sawirrada hoose:

 Qoraalka dusha markii aanka hadlay dhowr saac ka dib waa laga saaray,laakiin nasiib wanaag sawirkan ayaan ka qaadnay.

 

Waxyaabaha cajiibka ah ee lagu arkay wiilasha FIDNADA ka wada FACEBOOK, waxaa ka mid ah iyagoo isku dayay in ay tusaale ka dhigtaan MUXAMMED BIN CABDULLAHI "SCW",dhaqankii QEYRU QALQILAAH u tahay mid ay aaminsan yihiin,eeg sawirka hoose oo ay soo geliyeen bartooda FACEBOOK iyo jawaabta ugu horeysa oo qof wanaagsan uu soo siiyay.

 

Yaa ka dambeeya bogga FACEBOOK ee Shacabka Puntland?  wiilashan isu kaashaday in umadda Somaliyeed FIDNADA dhex dhigaan dhamaan waa qurba joog ku nool JARMALKA,waxaa hormuud u ah MAXAMED ALLOORE oo degan magaalada dekada ah ee Cuxhaven GERMANY oo 215 KM dhanka waqooyi galbeed kaga aadan HAMBURG,MAXAMED ALLOORE oo u dhexeeya wadamada TALYAANIGA iyo JARMALKA waa shaqsi naceeybka dadka ka soo jeeda koofurta Somaliya oo inta badan uu ugu yeero HAWIYE,EELAAY iyo JAREER shaqo ka dhigtay,eeg sawirkiisa:

 

Waxaa ku weheliya oo aan ka yaraysan shaqsi kale oo dhalinyara ah, magaciisa waa ABSHIR BUSHO FARAH wuxuu ku noolyahay magaalada Gießen-Wieseck oo FRANKFURT u jirta 70KM,eeg sawirkiisa.

 

Sawirkan waa Maxamed Allore iyo Abshir Busho Farah oo isla fadhiya.

 

Shaqsiga seddexaad oo ah kan ugu CUNSURIYADA badan isla markaana wada FIDNADA Shacabka Puntland Facebook ka waa Amir Geyre 

Wuxuu ku noolyahay tuulo u dhow magaalada Munich ee dalka Jarmalka,naceybka uu u qabo Somalida kale ma ahan wax qarsoon,eeg sawirradiisa.

 

Sawirka hoos waxaa isla fadhiya Maxamed Allore iyo Amir Geyre oo ku kulmay magaalada MUNCHEN.

 

FIDNADA ay wadaan dhalinyaradaan waxaa gacan ku siiya AXMED ALI KILWA oo ka diiwaan gashan isla markaana maamula shabakada PUNTLANDONE.COM iyo RADIO GAALKACYO,waxay gacan xoog leh siiyaan sidii wararkooda CUNSURIGA ah uu SOMALIYA ugu faafi lahaa.

Eray Ingiriis ah oo aad muhiim u ah ayaa jira,waxaa la yiraahdaa "IRONY",wiilashan cunsuriyiinta ah waxay QAXOOTI ku yihiin JARMALKA,waxayna u ololeynayaan in dad Somali ah dhulkooda laga musaafuriyo! taariikhda Somalida baal madoow baad ka gasheen,wejigeena la iloowi maayo,inta aanu waqtigiina la gaarin raali gelin weydiista rabigii idin uumay,FIDNADANA gacmaha kala baxa.

 Ugu dambeyn waxaan sugnaa waa dacwadaha aan u kala dirnay XAFIISKA ILAALIYA DASTUURKA FEDERAALKA JARMALKA,oo hadii ay eegaan sawirrada aan u dirnay maxkamad la kori doona,iyadoo dhanka kale FACEBOOK COMMUNITY STANDARDS uu iminka indhaha ku hayo sharcigan ay jebiyeen wiilashan is yiri QURBAHA ayaad ku nooshihiin, COMPUTER ayaad ka DURBAAN tumi kartaan si QOWMIYADO Somaliyeed loogu xasuuqo dhul Somaliyeed.

 

Qore: ABDINASIR ISMAIL "SOLA"

  Investigative journalist

 La xiriir: info@solaportal.com