Information for Community and Investigation

UNIVERSAL TV IYO FURSAD FUND MAXAA ISU KEENAY OO KA DHAXEEYA?

On 06/03/2016 (IST)

Telefishinka Unviversal ee afka Somaliga ku baxa waa kii ugu horeeyay ee laga hirgeliyo Somaliya iyo qurbaha ka dib markii Telefishinkii qaranka Somaliya uu la burburay waagii dagaalada sokeeya ay bilowdeen,waxaa si wadajir ah u aas-aasay ganacsato ku kala nool wadamada Somaliya iyo Norway,iyadoo markii dambe ay la wareegeen dad ku nool wadanka UK oo ilaa iminka ay dacwado u socdaan milkiilayaasha iyo dadka sheegtay in ay si rasmi ah u leeyihiin.

Universal TV wuxuu ahaa mid aad loogu riyaaqay oo dad aad u tira badan ay daawan jireen habeen walba,iyadoo markii ugu horeysay lagu arko qurbaha TV af-Somali ku hadla oo qaaradaha aduunka si rasmi ah looga daawado,tabcan waxaa jira kuwa wadanka Mareykana iyo Yurub ka dhisan laakiin waxay ahaayeen kuwa LOCAL ah oo laga daawado magaalooyin fara ku tiris ah.

Waxaa la dhihi karaa oo marqaati laga ahaa in waxyaabo aad u farabadan uu umadda Somaliyeed u qabtay hadii ay ahaan lahayd dhanka wararka iyo wax walba oo ka dhaca Somaliya oo isla markiiba hore laga daawado.

UNIVERSAL TV waxay dhowr sano ka hor bilaabeen in lacago loo uruuriyo dhisamaha masaajidyo aad u tira badan oo laga hirgeliyay dalka iyo dibada,iyadoo mararka qaarkood loo arkay in si xad dhaaf ah dhisamayaasha u socdeen,iyadoo ay jirtay dad aad ugu tabaaleysan dagaaladii sokeeyay ee ka dhacay Somaliya,barakacii iyo abaarihii lixaadka lahaa ee wadanka saameynta xooga leh ku yeeshay.

Xiligaa UNIVERSAL TV waxaa gacanta u soo gashay lacago ka badan 1 MALYUUN oo dollar oo ay soo yabooheen jaaliyaddaha Somalida ee qurba joogta,iyadoo TVga isticmaalay Sawiro iyo Video ay daawadayaasha aad uga naxeen oo isla markii lacago iyo dahab aad u tira badan soo diray si wadanka loo gaarsiiyo.

Tabcan waxaan wararka TVga ka daawanay dad lacago iyo raashiin la gaarsiiyay,waxaa kale oo jirta in UNIVERSAL TV uu ahaa kii ugu horeeyay ee lacag u uruuriyo masaajidyada dhismaha uu ku socday,iyadoo mar walba wixii dhankooda ah ee shaqada iyo shaqaalaha ah ay kala hari jireen,taasina runtii waa wax la dhihi karo xaq bay u leeyihiin.

Laakiin aaway lacagihii kale ee aan la xisaabin? shabakada SOLAPORTAL.COM waxaa gacanta u soo gashay lacagihii lagu soo kala diray xawaaladaha Somalida ay leeyihiin iyo EMAILO ay is weydaarsadeen maamulka sare,wariyaasha iyo dad kale oo arimaha lacagaha shaqo ku leh.

Shaqsiyan aniga waxaan UNIVERSAL TV si iskaa wax u qabso ah ula soo shaqeeyay habeenkii uu hawada soo galay ilaa 2014,waxaan gacan ka siin jiray dhanka TIKNOOLIJIYADA,waxaana ahaa shaqsiga keliya ee 1 DOLLAR aan ka qaadan mudo 7 sano ah,saa awgeed dhanka lacagaha NADIIF baan ka ahay.

UNIVERSAL TV iyo aniga wax dhib oo naga dhexeeya haba yaraatee ma jirto,hadii ay jiri lahayd ma sugi lahayn mudo 2 sano ku dhow in wax qoraal ah aan ka diyaariyo anigoo awood u leh ogna waxyaabo aad u fara badan.

Laakiin waxaan arkay dhaqan runtii aad u yaab badan oo maamulka iyo qaar ka mid ah weriyaasha quutul yoonkooda uu TV ku xiran yahay ay ku dhaqmaan,taasoo ah hadii BARNAAMIJ ama arimo ay Somalidu xiiseeyaan aan iyaga soo marin isla markiiba dagaal qaboow ku qaada.

Dagaalka kama dhigaan mid RASMI ah ee waxay isticmaalaan dhanka iyo maaweelada sida barnaamijka AAJAKIS oo sidaan xusuusano markii dowlada SOMALILAND ay TVga UNIVERSAL ay albaabada u laabtay ay Madaxweyne SIILAANYO iyo qoyskiisa loo isticmaalay AAJAKIS in uu si maaweelo ah u af-lagaadeeyo,taasoo dad badan oo warbaahinta ka shaqeeya ay aad ula yaabeen.

Daawo VIDEO UNIVERSAL TV ay ka sameysay Madaxweyne Siilaanyo

Markii dambe waa tii agaasimaha lagu qasbay in uu raali gelin TVga ka bixiyo mar dambena aan madaxda Somaliland iyo qoysaskooda wax laga sheegin,Daawo Videowga hoose:

 

 Ilaa iyo iminka UNIVERSAL TV waxaa ka baxa barnaamijyo tabruucaad ah oo iyaga si gooni ah ay ugu daneystaan,waayo UNIVERSAL TV wax aan dantooda goonida ah ku jiran dheg jalaq uma siiyaan,waxaana xusuus mudan in kirada iyo lacagaha TVga lagu maamulo ay tahay muhiimada ugu weyn.

Waxaa kale oo hawada soo galay Telefishino kale oo dadkii tirada badnaa ee daawan jiray kala wareegay,iyadoo lagu kor bilaabay lacag uruurinta UNIVERSAL laga bartay.

Qoraalkan waxaa igu qasbay in aan diyaariyo ka dib markii UNIVERSAL TV ay sii daysay barnaamijka AAJAKIS ee faaliyaha qaranka oo hajuumaad ku sameeyay FURSAD FUND oo Somaliya laga hirgeliyay looguna tala galay in umadda tabaaleysan 1 doolar qof walb uu ku yabooho maalintii.

UNIVERSAL TV waxay isticmaashay isla taatikadii SIILAANYO iyo qoyskiisa,waayo AAJAKIS waa iska COMEDY oo qof u arkaya ma leh qaab qaldan.

Daawo Vidiyowga hoose iyo dagaalka ay UNIVERSAL TV ku bilowday FURSAD FUND:

 

Arimahan waxay ka bilowdeen xurguf u dhexeysay maamulka sare ee Universal TV iyo  Wasiirka wasaaradda qorshaynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Cali (Caynte),kaasoo Universal TV markii ay arkeen in uu lug ku leeyahay arimaha FURSAD FUND isku dayeen in ay carqaladeeyaan,laakiin hadii dagaal sokeeya oo Wasiirka iyo maamulka telefishinka uu jiro ma saxbaa dadka kale ee shaqadan wax ka dhisay oo Somalida ay aad u qadariyaan in magacooda sidaa loo bah dilo?.

Dadka uu UNIVERSAL TV ku tilmaamay FUUQSI FUND bal aan eegno magacyada ay wataan iyo qiimaha ay u leeyihiin umadda Somaliyeed  - RIIX HALKAN

Hadii UNIVERSAL TV iyo maamulkiisa sare ay ku faraxsan yihiin sidii loo baab'in lahaa gacan qabadka iyo yabooha maatada Somaliyeed arintaa waxay u eg tahay dagaal danyarta Somaliya lagu qaaday,tan kale adigoo "SAR WADA MURAAYAD AH DEGAN,DHAGAX TUURIS HA BILAABIN",Universal TV waxa laga haayaa RECORD lacagihii ay uruurin jireen iyo meelihii ay ku kala baxeen,kuwaasoo ah EMAILO,RISIIT XAWAALO iyo inta lacag ee timid iyo sida ay ku baxday ama loogu takri falay,SOLAPORTAL.COM waxaa ka go'an in ay soo bandhigto hadii ay ka waantoobi waayaan dagaalkan been abuurka ah ee ay kula jiraan FURSAD FUND.

Muwaadin walba oo wax garad ah isla markaana awoodi kara waxaa la gudboon in uu gacan xoog leh uu siiyo FURSAD FUND si sadaqada aad la baxday ay u gaarto dadkii loogu tala galay.

Ugu dambeyntii sheekada ah in maamulka UNIVERSAL TV ee London aan ka warqabin arinta AJAAKIS waa mid aan la liqi karin oo runta ka fog,wax aan London laga amrin ma socdaan.

Aniga iyo qoyskeyga oo ka kooban 5 waxaan balan qaadnay 150 DOLLAR bishii in aan ku yaboohno FURSAD FUND,taasoo ah 1 DOLLAR maalintii.

 

FACEBOOK PAGE FURSAD FUND

 

Shabakada FURSAD FUND

 

 

 

Qore: ABDINASIR ISMAIL "SOLA"

 

 Investigative journalist
 
La xiriir: info@solaportal.com