ARINTA DADKA LA YIRI KELIYAHA AYAA LAGALA BAXAY EE MASAR MAXAA KA JIRA? SOLA INVESTIGATES!
On 4/8/2016 (IST)
Arin Somalida dalka iyo dibada ku kala nool ay aad uga xumaadeen oo naxdin badan ku abuurtay ayaa waxaa lagu arkay barta FACEBOOK,iyadoo la yiri dalka MASAR waxaa hooyo iyo caruurteed lagala baxay keliyaha ka dib markii ay bada soo TUFTAY,iyadoo shaqsi ku nool wadanka MASAR oo Somali ah eed dusha laga saaray isagoo la yiri waa dilaalka xubnaha muhiimka ah ee bani'aadimka ka shaqeysta,arintaa ayaa noqotay mid warbaahinta Somalida ay ka hadlaan,iyadoo lagu arkay FACEBOOK sawirro aad u foolxun oo naxdin leh, kuwaasoo ay soo geliyeen qaar ka mid ah dadka bulshada Somalida magac iyo sharaf ku leh.
Shabakada SOLAPORTAL ayaa baaritaan dheer ka dib waxay aqristayaasha u soo bandhigeysaa sida ay wax u jiraan iyo yaa ka dambeeya in arimahan ay gaaraan dowlada MASAR oo dhib aad u weyn u keeni doonta Somalida ku nool wadankaas.
Arintan qaabka ay u dhacday waxaa laga yaabaa dad badan in aan ka warqabin,ugu horeyn shabakada SOLAPORTAL lagama yaabo in ay soo geliso sawirro dad dhintay oo qaliinka baaritaanka ee AUTOPSY lagu sameeyay,sababtuna waa iyadoon faa'iido haba yaraatee aan laga helayn,dadka arimahaa ku kacayna ay ka waantoobaan.
Gabadha dhimatay ee sawirkeeda la so geliyay FACEBOOK waxaa la yiraahdaa NAFISO oo loo yaqaano ANFAC waa reer DIRA DHABE,ilmaha ku ag dhintay iyada ma dhalin,labada caruur waxaa dhalay gabar la yiraahdo CADAR oo SOUTH SUDAN ka soo gashay MASAR ilaa iyo hadana la ogayn in ay nooshahay ama dhimatay,waxay tahriib u aaday YURUB iyadoo uu weheliyo wiil yar ay dhashay oo lagu magacaabo AYUUB oo ilmahan dhintay aan isku aabo ahayn.
Arimaha ka dhacay wadanka MASAR waxaa soo gudbiyay wariye BOOCAME oo uga soo tebiyay KALSAN TV,runtii sawirrada la soo geliyay TVga wuxuu ahaa mid aad u fool xun oo warbaahinta aduunka ay qarin lahaayeen hadii ay qasab ku noqoto in la soo daayo,masiibadan ka dhacday wadanka MASAR ee laga soo daayay KALSAN TV waxaa arkay Gudoomiyaha xafiiska Egyptian Somali For Development Mr AHMED YUSSUF HASSAN oo aad uga xumaaday been abuurka la yiri waxaa dad Somali ah oo dhintay keliyaha loogala baxay wadanka MASAR.
Sawirka Gudoomiye AHMED YUSSUF
Gudooomiye Ahmed Yussuf markii uu qoraal ku hoos qoray warkii uu BOOCAME tabiyay waxaa bilowday dagaal faraha looga gubtay,eeg sawirrka hoose:
Sida qoraalka dusha aan ku aragno gabadha iyo caruurta dhimatay waxaa soo TUFTAY badda magaalada KAFR EL SHEIKH oo 135 KM dhanka Waqooyi ka xigta caasimada MASAR ee Qaahira.
Gudoomiye Ahmed oo wadanka MASAR looga yaqaano DR SAABIR ayaa waxaa lagu soo qaaday weerar meelo kala duwan ka yimid oo hormuud uu u yahay shaqsi shabakada SOLAPORTAL aad looga yaqaano oo la yiraahdo ABDIHAKIM OSMAN NUUR, ahaana qofkii yiri AXMED KALAAY milkiilaha DAYNIILE.COM wuxuu kufsaday gabardhiisa:AQRI QORAALKA
ABDIHAKIM OSMAN NUUR
Qoraalka been abuurka ah ee uu ka soo geliyay FACEBOOK DR SAABIR hoos ka eeg:
Ka dib waxaa ku soo biiray Wariye BOOCAME oo weeraro aan kala harin ku qaaday DR SAAABIR eeg sawirrada hoose:
Iminka si fiican u eeg sawirrada QALFOOFKA ah ee dadka keliyaha lagala baxay oo kuwa DR SAABIR si PHOTOSHOP ah loogu dhejiyay!sawiradda kore waa dad ka soo jeeda EAST AFRIKA oo SOMALI ahayn, waxaa sanadkii 2014 keliyaha ay kala baxeen qabaa'ilaadka CARABTA ee degan SIINAAY,iyadoo wiilashan iyo kuwa kale ay rabeen in ISRAA'IIL qaxootinimo ay ku galaan.
Iminka eeg qoraalka shabakada MUCAARADAKA ERITERIA ay 10 NOFEMBER 2014 ka diyaarisay wiilashan keliyaha lagala baxay: LINKIGAN RIIX - SAWIRKA HOOSENA EEG:
Waxaa la rabay in laysku dabaqo arimihii ku dhacay gabadha Somaliyeed iyo caruurta bada ku geeriyootay, tan sawirka dusha iyo DR SAABIR oo la doonayay in la yiraahdo wuxuu ka ganacsadaa KELIYAHA iyo xubnaha dadka masaakiinta ah ee MASAR tahriibka ku soo mara!.
Shaqsigii BEENTA faafiyay oo ahaa ABDIHAKIM OSMAN NUUR,markii uu ogaaday in xaalka ku xunyahay,wuxuu RAALI GELIN u soo diray DR SAABIR,isagoo codsaday in SOLAPORTAL qoraalka laga saaro,markii loo jawaabi waayey - eeg sawirka hoose bootada uu u soo qoray DR SAABIR.
Shaqsigaan ABDIHAKIM OSMAN NUUR oo ku nool Minnesota shaqadiisa waa in FACEBOOK ISBAARA ah uu sameystay,taasoo uu BEEN abuur iyo CAAY ka qora qof walba oo QURAAFAADKA uu sheego banaanka soo dhiga,eeg sawirrada hoose:
Hadii aan ku soo laabano CARUURTA iyo GABADHA la yiri waxaa lagala baxay xubno ka mid ah jirkooda ma dhab baa?ugu horeyn waxaa soo TUFTAY bada iyagoo u dhintay DROWNING ama BADAA LAQDAY,qof walba oo ku dhinta wadanka MASAR ama wadamada kale ee aan la ogayn sababta uu u dhintay baaritaan ayaa lagu sameeyaa,kaasoo la yiraahdo AUTOPSY,sawirka hoose eeg:
Jirka meesha laga jeeexay oo dhexda ah si fiican u eeg,ka dibna qaabka loo tolay!,tabcan ma isticmaali karin sawirkii caruurta iyo gabadha geeriyootay.
Iminka aan isla eegno DAD KELI ama KELIYO lagala baxay iyo sida jirkooda loo qalay.
Jirka banii'aadamka meesha ay kaga yaalaan KELIYAHA,eeg sawirka hoose:
Xubnaha JIRKA ee la XADI karo isla markaana lakala iibsan karo,eeg sawirka hoose:
Qofka biyaha ku dhinta oo waqti badan ka dib la helo,waxa ugu horeeya oo aan la isticmaali karin waa SAMBABADA oo biyaha cusbada ah ay ku buuxsamaan,dhanka KELIYAHA dhaqaatiirta waxay leeyihiin wey adag tahay in la ogaado,waayo qofka caafimaadkiisa,inta saac ee biyaha cusbada ah uu ku jiray iyo waxyaabo kale oo fara badan.
Iyadoo weli la aasin dadkan MASAR tii ALLE ugu timid,waxaa xafiiska xeer ilaaliyaha magaalada meydka uu yaalo si sharci ah loo weydiin karaan,BAARITAAN LABAAD oo madax banaan,kaasoo la yiraahdo SECOND INDEPENDENT AUTOPSY.
Intaa wixii ka horeeya waxaa loo baahan yahay dadka SEEF la boodka ah ee raba dad dhintay in ay magac ku sameystaan ILAAH KA BAQA,runta yaa laga fogaan,umadda yaa la fidnayn,SAWIRRADA aad FACEBOOK soo gelinaysaan ka joojiya si qoyska ay dadkaan ka dhasheen qalbigooda uu u dego
DR SAABIR waa shaqsi dalka MASAR aad looga yaqaano isla markaana looga tixgeliyo,hadii wax cadayn ah lagu hayo banaanka soo dhiga,laakiin in qoraalo iyo sawirro been abuur ah PHOTOSHOP lagu sameeyo yaan dembi laga gelin,XUSUUSO WAAD DHIMAN.
F.G: Qalliinka waxaa lagu sameeyay isbitaalka مستشفى كفرالشيخ العام, waxayna ahaayeen 11 qof inta hadda meydkooda la helay, waxaana laga soo helay tuulo xeebta saaran loona yaqaano “قرية مسطروه” waxaana la qallibmay doon ay ku tahriibayeen.
Waxaa intaa sii dheer dad ehel isku sheegay oo isbtaalka tagay ayaa looo ogolaaday inay sawir ka qaataan, kadib ayay baraha bulshada ku faafiyeen iyagoo eheladii saxda ahaa la xiriirin.!!!!
Eheladu waxay codsanayaan in sawirada laga saaro Facebook iyo meelaha kalaba.
Xigasho: Dr Mahdi Abdulahi (Somalidoc.com)
Investigative journalist
La xiriir: info@solaportal.com