Information for Community and Investigation

VISAHA MAREYKANKA IYO KANADA AY KU GALAAN DADKA WATA BAASBOORADA YURUB OO SOMALIYA,YEMEN IYO LIIBIYA U DHASHAY OO SHARCI CUSUB KA SOO BAXAY "UPDATED 18.2.2016!!

On 12/1/2015 (IST)

usavis2

Wadanka Mareykanka ayaa ku tala jira in uu isbedel aad u weyn ku sameyn doono VISAHA loo yaqaan WEAVER,kaaso 38 wadan ay ku galaan wadanka Mareykanka VISA la'aan,iyadoo looga baahan yahay oo keliya buuxinta form Internet ku jira oo waqti aad u yar kuu ogolaanaya VISA aad ugu safri kartid wadanka Mareykanka oo aan dhicin 2 sano,isbedelkan oo lagu dhawaaqay maalintii Isniinta 30.11.2015,wuxuu si rasmi ah u hirgeli doonaa dhamaadka sanadka 2015.

 

UPDATED: 18.2.2016

Kongareeska mareykanka ayaa ku dhawaaqay 8.12.2015,in ay sharci ka soo saareen  dadka wata BAASBOORADA 38 wadan ee isticmaala VISA WEAVER ee wixii ka dambeeyay MAARSO 2011 booqday wadamada  SYRIA - SOMALIYA - CIRAAQ -YEMEN - LIIBIYA SUDAN iyo IIRAAN ay u baahan yihiin VISA ay MAREYKANKA ku oo galaan.

 "Somaliya - liibiya iyo Yemen" waxaa go,aan laga gaaray 18.2.2016

 

Dhegeyso wareysigii Abdinasir Ismail uu siiyay idaacada VOA SOMALI ee arimaha sharciga cusub ee Visaha USA iyo CANADA.

 

Kongareeska Mareykanka iyo guriga cad ee wadanka looga taliyo ayaa go'aan buuxda ka gaaray ka dib markii ay dhaceen shilalkii argagixismada ee caasimada wadanka Faransiiska magaalada PARIS oo ay ku naf waayeen dad ra'yid ah oo aad u tira badan.

Isbedelada ay ku dhawaaqday dowlada Mareykanka waxaa ka mid ah, laga bilaabo 30.11.2015 in baartiaan aad u weyn lagu sameyn doono dadka u kala dhashay 38 wadan ee ku soo gala wadanka USA visa la'aan isla markaana joogi kara mudo 3 bilood ah.

Dad lagu qiyaasay 20 malyuun ayaa sanad walba u safra wadanka Mareykanka iyagoo isticmaala VISA nooca "VISA WEAVER PROGRAM - WMP" ah,taaso loo ogolyahay oo keliya DALXIIS,GANACSI iyo SII GUDUB oo ah TRANSIT VISA oo wadan kale looga sii gudbayo.

38 wadan ee loo ogolyahay in ay ku galaan wadanka Mareykanka VISA WEAVER PROGRAM - waxaad kala yihiin "eeg sawirka hoose:

 

Isbedelada kale ee lagu talo jiro waxaa ka mid ah in hay'ada u qaabilsan dhanka nabadda ee Department of Homeland Security ay uruurin doonto macluumaadyo ay ka mid yihiin shaqsiga wata baasboorka VISA la,aanta ah,in uu hore ugu socdlaay wadamo Mareykanku uu u arko in ay tahay meel argagixisada ay ku badan tahay.

Waxaa kale oo ay ku talo jiraan in laga qaado FARO,DNA iyo sawirka INDHAHA ee loo yaqaan BIOMETRICS,waxaa kale oo ay ku tali jiraan in ay dulsaaraan GANAAX aad u weyn shirkadaha diyaaradaha ee fulin waaya codsiga hubinta BAASBOORADA iyo wixii kale ee macluumaad ah oo ay dowlada Mareykanka u baahan tahay.

Wadamada 38 ah waxaa lagu qasbay in ay bixiyaan BAASBOORKA loo yaqaan ELECTRONIC iyo dhamaan rakaabka oo la diwwan geliyo BAASBOORKII luma ama la xado oo DATABASE ay dowlada Mareykana eegi karto lagu keydiyo.

 

Sawirka hoose waxaan ku aragnaa BAASBOORKA nooca loo yaqaan ELECTRONIC

 

Sida loo dalbado VISAHA MAREYKANKA ah laga sameeyo INTERNETKA iyo waxyaabaha loo baahan yahay RIIX LINKIGAN

Dowlada Mareykanka waxay welwel aad u weyn ka qabtaa,dadka asal ahaan ka soo jeeda BARIGGA DHEXE,WAQOOYIGA iyo BARIGGA AFRIKA oo ku dhashay YURUB ama wwata BAASBOOR YURUB ah oo si fudud ku soo geli kara wadanka USA,iyagoo ka baqaya in weeraro noocii PARIS oo kale ay ka dhacaan wadanka Mareykanka.

Dalabka VISAHA Mareykanka ah ee ONLINE wuxuu qaataa 2 daqiiqo - hadii aan laguu ogolaan waxaa qasab kuga ah in aad balan ka dhigatid SAFAARADA MAREYKANKA ee kuugu dhow,iyadoo DUKUMINTI buuxa ay safaarada kaa dooneyso.

 

 

Wadanka KANADA oo SOMALI aad u farabadan ay ku nool yihiin isla markaana ay u safraan ayaa waxay bedeleen qaabka wadankooda VISA la'aanta loogu soo galo,laga bilaabo MAARSO 15 2016 - muwaadan kasta oo raba in uu u safro wadanka KANADA "hadii laga reebo dadka u dhashay USA" waxaa looga baahan yahay in uu buuxiyo FOOM INTERNKA ku jira oo kuu ogolaanaya GELIDA wadanka KANADA.

Qaabka loo dalban karo iyo waxyaabaha aad u baahan tahay RIIX HALKAN

Si aad u dalbatid VISAHA KANADA waa in aad leedahay BAASBOOR iyo VISA CARD .

looma ogola dadka wata Refugee Travel Document, Emergency Travel Document, Organization of American States (OAS) Travel Document or a UN Laissez-Passer.

Hadii aad ku nooshahay wadanka Mareykanka isla markaana aad sharci ku leedahay waad dalban kartaa adigoo haysta -

  • a valid U.S. Refugee Travel Document (I-571)
  • a valid Permit to Re-Enter the United States (I-327)
  • a valid machine-readable immigrant visa (I-551), endorsed with a valid U.S. Admission Stamp

 

Sida aan kor ku soo xusnay sharciga cusub ee VISAHA KANADA wuxuu dhaqan geli doonaa MAARSO 15 2016,laakiin hay'ada socdaalka ee wadanka KANADA waxay ku booriyeen dadka u socdaalka wadankooda in ay xiligan codsan karaan dal-ku galka cusub,iyadoo lacagta VISAHA ay tahay 7 dollar oo KANADA ah,waqtiga ogolaanshaha wuxuu u dhexeeyaa 4 daqiiqo ama 72 saac oo ah 3 maalmood oo aan ku jirin SABTIDA iyo AXADAHA.

 

Ugu horeyn waxaa EMAILKA aad ku codsatay VISAHA ku soo dhacaya qoraalka hoose:

 

Inta badan hadii wax walba ay SAX yihiin 4 daqiiqo ilaa 5 saac ka dib - xafiiska socdaalka KANADA wuxuu kuu soo dirayaa EMAIL ay ku aqbalayaan VISAHA 5 ta sano ah.

 

 

Isbedeladan ku soo kordhay NORTH AMERICA waxay saameyn wayn ku yeelan doonaan MUSLIMIINTA ku kala nool aduunweynaha oo safar DALXIIS,WAXBARASHO,SHAQO,DEGENAANSHO AMA DHAQTAR ugu socdaalaya wadamada MAREYKANKA ama KANADA,iyadoo xiligii lagu dhawaaqay VISAHA ONLINE ee wadanka Mareykanka oo ahayd JANAAYO 12 2009.

 

Qore: ABDINASIR ISMAIL "SOLA"
 
Investigative journalist
 
La xiriir: info@solaportal.com