YAA LUNSADAY LACAGIHII LAGU DAAWAYN LAHAA MAXAMED SOMALI? "SPECIAL INVESTIGATION"
On 1/1/2016
5518 Views
Maxamed Axmed Jeylaani waa wiil 10 jir ah oo ku noolaan jiray caasimada wadanka Somalia ee Muqdisho,waxaa lugta midig ka soo gaaray dhaawac halis ah,ka dib markii uu gaari ku jiiray isagoo ka yimid dugsi quraan,qoyska uu Maxamed ka dhashay waa dad sabool ah oo quutal yoonka maalinlaha ah aan heli karin,sidaa awgeed ayaa qaar ka mid ah warbaahinta Somaliya ay faafiyeen xaaladiisa liitada,iyagoo ka codsaday qurba joogta in ay usoo gurmadaan Maxamed Yare oo markii dambe loo bixiyay Maxamed Somali.
MAXAA KA JIRA AXMED KALAAY OO LA YIRI GABADHIISA AYUU KUFSADAY? "SPECIAL INVESTIGATION"
On 1/3/2016
10795 Views
Dhowrkii sanno ee ugu dambeysay waxaa baraha internetka ku soo batay shabakado,baraha Social media ee Facebook,whatiapp iyo youtube,iyadoo inta badan loo isticmaalo wanaag iyo horumar,laakiin ay jiraan dad aad u tira yar oo lagu tilmaami karo in ay yihiin mooriyaantii isbaarada u taalay Somalia oo iminka u soo wareegay ISBAARO ELECTRONIC,maalin walba waxaa la arkaa waxyaabo dhaqanka suuban ee Islaamka iyo anshaxa Somalida ka fog oo intii xishoodkii laga tegay loo laabtay waxyaabo dhaqanka Somalida aan lagu aqoon ah in Hooyo,walaalo iyo dumar lagu fadeexeeyo Internetka,si dagaal aar gudsi ah loo sameeyo.
SOLAPORTAL OO SOO OGAATEY SHAQSIGII FACEBUUGA BUGTA AH KA SAMEYSTAY MUKHTAAR CUTI ISLA MARKAANA KA XIRTAY "SPECIAL INVESTIGATION"
On 1/13/2016
4825 Views
Shabakada SOLAPORTAL ayaa waxay baaritaan waqti dheer qaatey ku sameysay FACEBOOK si been abuur ah loogu sameystay magaca LEGEND MUKHTAAR MAXAMED AXMED "MUKHTAR CUTI" kaasoo shaqsi sameystay uu iska dhigay isla markaana isticmaaley magaca MUKHTAR CUTI.
Shaqsigaan oo shabakada SOLAPORTAL ay soo ogaatey magaciisa iyo meesha uu ku noolyahay, iyadoo adeegsaneysa qubaro dhanka cilmiga computerada ku taqsusay, ayaa isla markiiba gebi ahaan ka xiray BOGGA FACEBOOK ee shaqsigan TUUGA ah uu ku leeyahay.
NATIIJADA BAARISTA SOCIAL MEDIAHA EE SHABAKADA SOLAPORTAL!
On 1/11/2016
7802 Views
Waxaa laga yaabaa aqristayaasha qaarkood in ay is yiraahdaan qoraalka iyo baarista shabakada SOLAPORTAL waan aragnay,laakiin waa maxay ujeedada ka dambeysa iyo wixii ka soo baxay?runtii waa su'aal muhiim ah oo qof walba uu is weydiin karo,ugu horeyn shabakada waa mid baaris dhanka INTERNETKA ah,kaasoo ay iska kaashadeen dad cilmiga warbaahinta iyo tiknoolijiyada si fiican u yaqaan,lagama yaabo in shabakada qof lagula dagaalo ama been abuur aan raad lahayn lagu soo bandhigo,mar walba oo aan soo qorno baaritaan waxaan soo raacinaa sawirro,Video ama waxyaabo xaqiiqo ah oo qofkii laga qoray uu ku qanci karo,tabcan qalad waa dhici karaa,hadii aan arago raali gelin ayaab ka bixinaa inagoo isla markaa ka saarna laga soo sheegtay.
BAARLAMAANKA SOMALIYA OO MAMNUUCAY IN DHULKA EX BAARLAMAANKA LAGA IIBIYO UNIVERSAL TV "SPECIAL REPORT"
On 12/25/2015
3395 Views
Bilowgii bisha Diseembar ee 2015 ayaa warbaahinta afka Somaliga ku hadasha waxaa lagu arkay in baarlaamnkii hore ee Somalia oo ku yaal faras magaalaha caasimada Somalia laga iibiyay AXMED ABUUBAKAR oo ah ganacsade qurba joog ah isla markaana ah milkiilaha telefishinka Universal oo xaruntiisa ay tahay magaalada London,iibka oo uu ka dambeeyay duqa cusub ee magaalada Muqdisho YUUSUF XUSEEN JIMCAALE oo dhowr bil ka hor lagu bedelay MUUNGAAB oo ahaa shaqsi shaqsigii bilaabay in hantida qaranka laga iibiyo dad ganacsato ah.
TELEFISHINADA SOMALIDA LACAGAHA AY U URURIYAAN MASAAJIDYADA IYO MASAAKIINTA YAA KULA XISAABTAMA? SPECIAL REPORT!
On 12/1/2015
3839 Views
SOMALIDU waa dad deeqsi ah naxariis badan mar walbana gacan qabta dadka liita ee dagaalada sokeeye uu saameynta weyn ku yeeshay nolashooda daruuriga ah,waxaa jira dad is kaashaday oo har iyo habeen u taagn sidii loo gacan qaban lahaa maatada aan wax galabsan ee halaagan rubuc qarniga ka abuurnaa Somalia uu saameyn ku yeeshay.
SABABTA ABDIRIZAK KAMPALA UU GABDHAHA SOMALIYEED SAWIRADOODA U XADO UNA ISTICMAALO OO LA SOO OGAADAY UPDATED 24.12.2015
On 12/1/2015
5324 Views
ABDIRIZAK YUSUF ABDALLA oo ku magac dheer "ABDIRIZAK KAMPALA" u lacag uga helo wuxuu ku nool yahay magaalada CAPE TOWN ee cariga SOUTH AFRICA,isagoo sidaan hore u sheegnay shaqo ka dhigtay in uu XADO sawiradda gabdhaha SOMALIYEED ee FACEBOOK iyo INTERNETKA,taasoo uu u isticmaalo shabakooyin aad u fara badan ee uu ka sameystay INTERNETKA,sababtuna waa in uu lacag uu ku noolaado kaga sameeyo shirkada GOOGLE ee hadii sawirka la riixo shilimaad u soo dirta.
DHIBAATOOYINKA AY LA KULMAAN SOMALIDA LIIBIYA IYO YURUB U TAHRIIBTA "DAAWO"
On 12/1/2015
9943 Views
Dhalinyaro isugu jirta wiilal iyo gabdho Somali ah ayaa mar walba isku daya in ay u TAHRIIBAAN wadamada YURUB,iyagoo socdaalkan dheer ee rafaadka uu wato ku maraya SAXAARAHA iyo wadamo nabad geliyadooda ay aad halis u tahay,tusaale ahaan TAHRIIBAYAASHA ka socdaala magaalooyinka SOMALIA waxay sii maraan ITOOBIYA - SUDAAN,iyagoo wadanka LIIBIYA ka gala XUDUUDKA SAXARA ah ee labada wadan u dhexeeya,kaasoo hadii loo eego baaxada labada wadan ah mid aad u yar oo 383 KM ah.
DIYAARADAHA ADUUNKA UGU HALISTA BADAN EE LAGU SAFRO "SAWIRRO"
On 12/1/2015
7312 Views
Waxaa batay 30kii sano ee ugu dambeysay safarada diyaaradaha aduunka loogu kala socdaalo,iyadoo ay jiraan kumanaan shirkado oo ka ganacsada sidii dadka iyo xamuulka ay ugu kala qaadi lahaayeen qaaradaha aduunka,sida ugu fudud isla markaana ah amaanka ugu wanaagsan ee lagu safro,culimada sayniska waxay sheegeen in 200 boqol sano isku xigta hadii maalin walba aad diyaarad ku safartid,waxay ka amaan fiican tahay adigoo 1 bil gaari ku safra,sidaa awgeed waxaa la yiraahdaa "Flying Still One of Safest Ways to Travel".
CARUURTA SOMALIDA EE QURBAHA KU NOOL SIDAY GANGESTAR KU NOQDAAN?
On 12/1/2015
12823 Views
Caruurta SOMALIDA ah ee qurbaha ku dhashay ama ku koray ayaa sanadadii ugu dambeysay waxaa soo food saaray arimo dhaliyey DIL iyo DHAAWACYO halis ah,taasoo ay saameeyn ku yeelatay dhamaan jaalliyadaha qurba joogta ee wadamada YURUB iyo WAQOOYIGA AMERIKA,caruurtan oo da'doodu u dhexeyso 12 ilaa 24 jir ayaa waxaa la ogaadey in arimahan ku cusub qurba joogta ay isaga mid ka yihiin: