Information for Community and Investigation

TAHRIIBKA IYO MUQALASIINTA SOMALIDA EE MASAR! SOLA INVESTIGATES

On 4/20/2016 (IST)

Dhowr bilood ka hor shabakadan SOLAPORTAL.COM waxay qoraal aad u dheer ku soo bandhigtay dhibaatada ay leedahay safarada TAHRIIBKA ee dhowrkii sano ee ugu dambeeyay ku soo batay wadamada Afrika iyo Carabta,qoraalkaa wuxuu ahaa DHIBAATOOYINKA AY LA KULMAAN SOMALIDA LIIBIYA IYO YURUB U TAHRIIBTA "DAAWO" arimaha aan shabakada kaga hadalnay waxay soo jireen waqti dheer waxaana ka ganacsada dad Somali ah oo aan dan ka lahayn hadii  badda ama saxaaraha ay ku halaagmaan dhalinyaradan Somaliyeed ee doonaya in noloshooda ay wax ka bedelaan.

Sida aan warbaahinta iyo Social Media ku aragnay waxaa badda u dhexeysa MASAR,LIIBIYA iyo TALYAANIGA ku naf waayay dhalinyaro Somaliyeed oo sida la sheegay ku dhow ama gaaraya 500,taasoo argagax ku abuurtay dhamaan bulshada Somaliyeed iyo qoysaqskii ay ka kala dhasheen dhalinyarada la sheegay in kan ugu wayn da'diisa/da'deeda ay tahay 40.

Dhalinyarada intooda badan waxay ka soo galaan MASAR dhulka saxaaraha ah ee xuduudka SUUDAAN,iyadoo ay ku qaadato waqti aad u dheer iyo halis ay la kulmaan,MASAR markii ay soo gaaraan waxay durbadiiba gacanta u galaan dad isugu jira SOMALI iyo MASAARI oo ka ganacsada dhoofinta tahriibka oo inta badan bilowda bilaha bada MIDITEREENIYANKA ay degan tahay oo ka bilowda ABRIIL ilaa AGOOSTO.

Dadka tahriiba inta badan waxay ka safraan magaalooyinka dekadaha leh ee ka fog caasimada QAAHIRA,waxay DOOMO qadiim ah oo lagu bad mari karin ku aadaan magaalada TOBRUK ee wadanka LIIBIYA,waxay 670KM u jirtaa magaalada ALEXANDRIA ee wadanka MASAR oo ah meesha ugu badan ee laga TAHRIIBO.

 

Ka dib waxay u sii gudbaan wadanka TALYAANIGA oo meesha ugu horeysa ay tahay jasiirada LAMPEDUSA oo TOBRUK u jirta in ka badan 15000 KM,sida warbaahinta aduunka ay soo tabiyaan 500 ee ka ambabaxay MASAR waxaa ka badbaaday 41 qof oo markab xamuul ah uu ka dhex helay bada.

 

 

Shabakada SOLAPORTAL waxay si GOONI ah u heshay COD TELEFOON lagula hadlay qaar ka mid ah dhalinyaradii ka badbaaday masiibada ka dhacday bada oo saarnaa MARKAB xamuul ah oo u gurmaday,hoos ka dhegeyso codka telefoonka oo ah MARQATIGA keliya ee iminka la hayo.


 

Iminka daawo VIDEO laga soo duubay QOYSASKII ay ka geeriyoodeen dhalinyaradan tahriibka galay!

Eeda ugu weyn waxaa dusha laga saaray MUQALISIINTA isugu jira SOMALI iyo MASAARI,kuwaa oo ogaa halista DOOMAHA la saaray dhalinyarada isugu jiray RAG IYO DUMAR,dhalinyaradan waxay intooda badan ku nool yihiin wadanka MASAR,iyagoo isugu jira dad TAHRIIB sugaya iyo kuwa wax ka barta isla wadankaa,shabakada SOLAPORTAL waxaa si hoos ah u soo gaarsiiyay dad QAAHIRA ku sugan oo arintan si fiican ula socda,waxaan isku daynay in aan la xiriirno qaar ka mid ah dhalinyarada EEDA AAN LA HUBIN lagu soo oogay,laakiin weli wax jawaab ah haba yaraatee kama helin.

 

Arimaha TAHRIIBTA waxaa hogaanka u haya DILAALO Masaari ah oo hadii qof Somali ah oo Muqalas ah la xiro hore ka soo daaya,waxay ogaadeen in marwalba Somalida ku soo qulquleysa Masar ay diyaar u yihiin bixinta lacag aad u farabadan si YURUB ay nolol fiican ugu sameystaan.

Dhalinyarada kor ku xusan oo dad badan ay MASAR ku magac hayaan,waxaa muhiim ah in magacooda ay ka nadiifiyaan arimaha lagu soo eeday oo ah sababta dhimashada dad ku dhow 500,qof walba oo Masar ku nool wuu garanayaa,hadii ay arintan ku cadaato waa in maxkamad la keenaa si arimahan oo kale mar kale u dhicin.

 

Qofkii dhintay ALLA YAA RAXMA,soo laaban mayo,waxaa muhiim ah HOOYO Somaliyeed mar kale aan dareemin xanuunka noocan ah oo aan ku aragnay dusha,500 dhalinyaro ah oo 40 sano ka yar hadii YURUB ama AMERIKA ay ka dhiman lahaayeen waxay ahaan lahayd arin tan iminka ka duwan,laakiin wiilka ama gabadha Somalida ah waxba kama duwana dhalinyarada kale ee aduunweynaha ku kala nool.

 

In la yiraahdo dowlada ayaa shaqo siin kari weyday waa wax aad u fudud,wax walba ALLA agtiisa ayay ka qoran yihiin,laakiin dadkii mas’uulka ka ahaa waa in cadaalada la horkeenaa.

 

 

Qore: Abdinasir Ismail "SOLA"

 Investigative Journalist

 La xiriir: info@solaportal.com