Information for Community and Investigation

BOOCAME, WARIYAHA CAALAMIGA AH INTA AANU FALIN BUU KA FIIRSADAA,RUNTANA KAMA FOGAADO!

On 4/9/2016 (IST)

Sanadkii 2005 ta waxaan course waxbarasho ah ka sameeyay London School of Journalism oo ah macad aad u weyn oo lagu barto caluumaadka warbaahinta iyo sidii aad u noqon lahayd Professional Journalist,waxbarashada waxay socotay dhowr bilood,iyadoo imtaaxaanaad iyo tijaabooyin ka dib lagu gudoonsiiyo shahaado rasmi ah oo aad uga shaqeyn kartid meel walba oo luuqada Ingiriiska looga hadlo,waxyaabaha ugu muhuumsan ee aan ka bartay waxay ahayd in shaqsiga warbaahinta ka shaqeeya ee weriyaha ah in aanu lahayn RA'YI isaga u gooni ah waqtiga uu qorayo,hadlayo ama tebinayo barnaamij noocee doonaba ha ahaadee,mar walba waa in uu dhex-dhexaad ahaadaa,isagoo xushmeynaya sharafta warbaahinta.

Burburkii ka dib warbaahinta afka Somalida si aad u weyn ayay isu bedeshay,waxaa la arkay Telefishino,Radio,shabakado iyo baraha Social mediyaha oo noqday meel qof waba wuxuu doono uu sheegi karo,waxaa la arkay dad aan tababar wariyenimo aan soo qaadan oo maalin shaashad hadii ay ka soo baxaan ama codekooda laga maqlo Radio isla markiiba loogu yeero Wariye HEBEL iyo Wariye HEBLAAYO,taasoo qof walba wixii ra'yigiisa ah ama reerkuu ka dhashay ah la soo goob taga.

Dhanka kale anshaxa warbaahinta waxaa ka mid ah in gebi ahaan aan la isticmaali karin WEJIYO la garan karo oo dad dhintay,iyadoo ay ka sii xun tahay hadii CARUUR ay yihiin,warbaahinta caalamiga ah ee aduunka si fiican u eeg,iyagoo wejigii ama jirkii qarinaya ayaa weli inta aan lagu tusin DIGNIIN ay ka soo hormareysaa.

Telefishinada Somalida waxaa maalin walba lagu arkaa WARIYE hebel,kuwaasoo qaabka ay u hadlayaan ama wax u soo gudbiyaan uu yahay,sida maqaayadaha lagu shaahoo oo kale.

Sida aad kala socotaan shabakada SOLAPORTAL waxaa arin aad u foolxun ka dhacday wadanka MASAR,iyadoo la yiri waxaa KELIYAHA iyo xubno kale lagala baxay qoys Somali ah oo u tahriibayay YURUB.

Warkii ugu horeeyay waxaa si toos ah u soo gudbiyay shaqsi la yiraahdo MOHAMUD BOOCAME oo u shaqeeya KALSAN TV oo ka hawlgala magaalada London.

Mr BOOCAME aniga shaqsiyan aqoon dhaafsan salaamu calaykum wacaleykumu salaam isuma lihin,hadii si toos ah aan wax uga sheegana qalad bay igu tahay.

Laakiin shabakada SOLAPORTAL waxaa lagu yaqaan mar walba in qoraalada ay soo raaciso sawir ama video  ah qaabka warbaahinta rasmiga ah u shaqeyso.

Ugu horeyn Mr BOOCAME wuxuu KALSAN TV ka soo daayay sawirro uu FACEBOOK ka soo qaaday kuwaasoo ah dad SOMALIYEED oo ku dhintay magaalada KAFR EL SHEIKH oo 135 KM dhanka Waqooyi ka xigta caasimada MASAR ee Qaahir,sawirradan ma ahan kuwa aan u isticmaali karno SOLAPORTAL,saa awgeed waxaan eegtaan sawirka hoose oo ah qaabkii Mr BOOCAME u soo tabiyay iyo comment uu FACEBOOK soo geliyay Gudoomiyaha xafiiska Egyptian Somali For Development Mr AHMED YUSSUF HASSAN "Dr SAABIR,taasoo wariyaha KALSAN TV u arkay mid warkiisa lagu beenaynayo!.

 Shabakada SOLAPORTAL qoraalkii ay xiligaa ka diyaarisay wuxuu ahaa mid XAQ ah oo aan cidna ku xadgudbin,HALKAN KA AQRI

Ka dib Mr BOOCAME wuxuu ku kacay arin warbaahinta ka baxsan isla markaana RUNTA aad ugu fog,isagoo ku eeday Gudoomiye Ahmed Yusuf oo loo yaqaan "DR SAABIR" in uu yahay shaqsi ka ganacsada xubnaha jirka Somalida qaxootiga ku ah MASAR,eeg sawirrada hoose:

Iminka si fiican u eeg sawirrada QALFOOFKA ah ee dadka keliyaha lagala baxay oo kuwa DR SAABIR si PHOTOSHOP ah loogu dhejiyay.

Sawiradda kore waa dad ka soo jeeda EAST AFRICA oo SOMALI ahayn, waxaa sanadkii 2014 keliyaha kala baxay qabaa'ilaadka CARABTA ee degan saxaraha SIINAAY,iyadoo wiilashan iyo kuwa kale ay rabeen in ISRAA'IIL qaxootinimo ay ku galaan.

Iminka eeg qoraalka shabakada MUCAARADAKA ERITERIA ay 10 kii NOFEMBAR 2014 ka diyaarisay wiilashan keliyaha lagala baxay: LINKIGAN RIIX - SAWIRKA HOOSENA EEG:

 Arintii markii ay fashilantay Mr BOOCAME wuxuu bartiisa FACEBOOK  soo geliyay sawirka hoose iyo qoraalka la socda,isagoo eed dusha ka saaray ABDINASIR ISMAIL oo uu yiri LAALUUSH ayuu qaatay,Mr Boocame waxaa lagaa rabaa CADAYN ama EVIDENCE!.

Waxaa isla markiiba u soo jawaabay asxaabta uu ku leeyahay barta FACEBOOK ee si fiican u aqri!

 Shaqsiga warbaahinta yaqaanaa lagama yaabo in uu isticmaalo qoraalka hoose,kaasoo Mr BOOCAME uu ka dhigay in uu yahay 100%,waa eed maxkamad lagu saari karo wariye, waayo waa defamation ama fadeexayn magac.

 

 

Mr BOOCAME wariyaha markii uu diyaarinayo war muhiim ah waa in uu xaqiijiyaa waxa uu umadda u gudbinayo,waa in waqtiga la soo tebinayo ay ahaataa xili dadka daawada ay yihiin kuwa sawirrada ama video qaar u adkeysan kara!,warkaa aad is lahayd waa BREAKING NEWS waxaan filayaa in uu kugi noqday BREAKING CAREER,qof MUSLIM ah ayaad ku eeday in uu jirka SOMALIDA ee MEYDKA ka ganacsado waa BEEN,waxaa tiri xeebta ALEXSARDARIYA waa BEEN,waxaad tiri HOOYO iyo caruurteed waa BEEN,Dr SAABIR aqoon hore uma aadan lahayn,sababta keliya ee aad ula qaaday waa isagoo kuu sheegay in aad saxdid warka arimaha MASAR ee sida qaladka ah aad u soo gudbisay, eeg hoos ku sawiran.

 

 

 

Arimihii dadka KELIYAHA lagala baxay markii ay socon waayeen Mr BOOCAME wuxuu mar kale soo alifay in dhalinyaradii ku geeriyootay badda u dhexeysa MASAR iyo LIIBIYA ay dalka MASAR ku soo galeen VISO uu si muqalasnimo ah ugu dhameeyay DR SAABIR,taasoo wax cadeyn ah aanu soo raacin.

 Hadii aad ogtahay arimaha iibsiga KELIYAHA fadlan soo gudbi si wixii dhacan oo dhan RAALI GELIN lagaaga siiyo,hadii aad qaldan tahay fadlan RAALI GELIN sii dadka aad magacooda sida anshax xumadaha ah ugu faafisay INTERNETKA,hadii labada arimood aad ka aamusitid,hadee MAALINTA qiyaamo kama aamusi kartid hana iloowin DEMBI aad banii'aadam aad ka gashay waxaa kaa cafin kara oo keliya qofkii aad ka gashay.

 

 Qore: Abdinasir Ismail "SOLA"

Investigative Journalist

La xiriir: info@solaportal.com