Information for Community and Investigation

DHIBAATOOYINKA AY LA KULMAAN SOMALIDA LIIBIYA IYO YURUB U TAHRIIBTA "DAAWO"

On 12/1/2015 (IST)

mainDhalinyaro isugu jirta wiilal iyo gabdho Somali ah ayaa mar walba isku daya in ay u TAHRIIBAAN wadamada YURUB,iyagoo socdaalkan dheer ee rafaadka uu wato ku maraya SAXAARAHA iyo wadamo nabad geliyadooda ay aad  halis u tahay,tusaale ahaan TAHRIIBAYAASHA ka socdaala magaalooyinka SOMALIA waxay sii maraan ITOOBIYA - SUDAAN,iyagoo wadanka LIIBIYA ka gala XUDUUDKA SAXARA ah ee labada wadan u dhexeeya,kaasoo hadii loo eego baaxada labada wadan ah mid aad u yar oo 383 KM ah.

Dhibaatooyinka ugu badan ee dadka TAHRIIBKA gala ay la kulmaan waxaa ka mid ah, iyagoo wixii lacag ah ay wataan laga boobo,kufisaga dumarka iyo meelo qaarkood kan raga,iyagoo inta af duub lagu sameeyo ka dibna lagu qasbo in ay reerahooda lacag ay soo diraan si loo madax furto,waxyaabaha ugu daran waa iyagoo la baxa qaar ka mid ah xubnaha jira - sida KELIYAHA,INDHAHA iwn.

Dadka TAHRIIBKA u socdaala aad ayay ugu adag tahay in ay ogaadaan masaafada u dhexeysa SOMALIA iyo LIIBYA,tusaale ahaan - MUQDISHO iyo TRIPOLI oo ah caasimada LIIBIYA waxay isu jiraan - 4800 KM oo ah wadada diyaaradaha oo loo yaqaan "CROW FILES",hadii lagu safro wado caadi ah waa 9200 KM,taasoo sida aan ku aragno ah in ku dhow laba jibaar.

 

 

Dadka TAHRIIBKA ah markii ay ka socdaalaan SOMALIA ilaa ay ka gaaraan magaalada xuduudka ah ee Metama/Gallabrat oo ku taala qadka u dhexeeya SUDAN iyo ITOOBIYA,wax dhibaato ah lama kulmaan,inkastoo mararka qaarkood dadka dilaalka ah ay lacagaha kala dhuuntaan

Markii aad ka gudubtid xuduudka u dhexeeya ITOOBIYA iyo SUDAN magaalada ugu horeysa waa Al Qadarif oo xuduudka u jirta masaafaha 160 KM - ka dibna safarka dheer ee caasimada SUDAN - KHAARTUUM oo ah 418 KM.

Waxaa jira MUHAAJIRIIN ka soo gala dhanka ERITIREEYA oo ka soo talaaba magaalada xuduudka ah ee KASSAALA,Tahriibayaasha SOMALIDA ah inta badan ma soo maraan dhanka xuduudkan.


Safarka ugu dhibka badan, waa kan ka bilowda Magaalada KHARTUUM ee wadanka SUUDAAN ilaa iyo caasimada LIIBIYA ee TRIPOLI oo ah 6500 KM oo dhex mara wadamada AFRIKA ugu halista ah ee dagaalada sokeeye ay ka socdaan - kuwaasoo ah - CHAD -NIGER iyo ALJEERIYA,mararka qaarkood waxaa dhacda in si TOOS ah ay isugu dayaan in ay ka talaabaan xuduudka u dhexeeya SUDAN iyo LIBYA oo ah dhul saxara ah isla markaana BUURO aan laga gudbi karin ay ku yaalaan,waa meelaha ugu badan ee SOMALIDU ay ku dhintaan xiliga ay ku jiraan safaradan dheer.

 

 

Dhibaatooyinka ugu daran ee soo gaara dadka TAHRIIBKA ku mara SAXAARAHA - waa iyagoo haraad iyo gaajo ugu dhinta dhulka baaxada weyn ee aan lahayn BIYO iyo GEED la harsado - DAAWO VIDEOGA HOOSE:

 

 

Barnaamij aad u xiisa badan oo ay diyaariyeen VICE NEWS ayaa waxaad ku arki doontaan,dhibaatooyinka ay la kulmaan SOMALIDA u TAHRIIBTA Liibiya iyo nolosha ay ku nool yihiin:

 

Rajada dadka TAHRIIBKA soo gala, waa iyagoo doonaya in ay u safraan wadamada YURUB,safark uga halista ah waa kan bada MIDITEREENIYANKA oo sida aan ognahay sanadkan 2015 keliya ay ku naf waayeen dad ka badan 10.000.

 

 

Wadanka TALYAANIGA ka dib - dadka TAHRIIBKA ah waxay u sii socdaalaan WAQOOYIGA YURUB

 

Nolosha ay la kulmaan markii ay soo gaaraan YURUB - hoos ka daawo!

 

Qore: ABDINASIR ISMAIL "SOLA"
 
Professor of Electrical Engineering and Computer Science
 
La xiriir: info@solaportal.com