DOWLADDA UK OO KU DHAWAAQEYSA SHARCIYO CUSUB OO LA XIRIIRA BREXIT UPDATED 15.10.2016!
On 6/24/2016 (IST)
Dhamaadka sanadkan 2016 dowladda UK waxay ku dhawaaqeysaa sharciyo la xiriira AJAANIIBTA u dhalatay wadamada EU ee doonaya in ay ku noolaadan,ka shaqeeyaan ama wax ka bartaan,waxaa lagu wadaa in dadka ka yimaada wadamada xubinta buuxda ka ah YURUB loo kala saari doono seddex qeyb.
ARDEYDA,DALXIISAYAASHA SI XOR AH AYAY U IMAAN KARAAN WADANKA UK,hadii aad XIRFAD ama SKILLS leedahay waxaad dalbaneysaa VISA iyo WARAAQ SHAQO "WORK PERMIT" oo si fudud aad ku heli kartid,hadii aadan lahayn XIRFAD "UNSKILLED",laguu ogolaan maayo in aad UK ku noolaatid ama aad timaadid.
Dowlada UK ayaa si rasmi ah ugu dhawqqaday in ARTICLE 50 ee heshiiska LISBON si rasmi ah u hawl geli doono dhamaadka bisha Maarso 2017,iyadoo isla xiligaa ay ku dhawaaqi doonaan isbedelka sharciyada YURUB ee la xiriira GANACSIGA,AJAANIIBTA,DEGAANKA,VISAHA iyo sharciyo kale oo dhowr boqol ah ee u kala dhexeeyay UK iyo YURUB,isbedelka dhacaya hadii dowlada UK ay si rasmi ah u hirgeliso waa iyadoo dhamaan sharciyadii YURUB ay ku heshiiyeen 1972 aanu saameyn ku yeelan doonin wadanka UK,ARTICLE 50 markii lagu dhawaaqo oo la saxiixo wuxuu soo af-jarmayaa dhamaadka 2019,taasoo gebi ahaan xiriirka UK iyo YURUB isbedel aad u weyn uu ku dhacayo.
Sida aan la socono waxaa AFTI laga qaaday dadka ku nool wadanka Ingiriiska 23.6.2016,kaasoo la yiri kala doorta in UK xubin ka sii ahaato EU iyo inkale,boqolkiiba 52 waxay codka ugu shubeen in ay doonayaan ka bixida ama BREXIT ee wadanka Britian,arintaa ayaa si aad ah u saameysay suuqa lacagaha ee aduunka,iyadoo waxyaabo badan ay isbedeli doonaan labada sano ee soo socota.
Ugu horeyn Ra'iisal wasaaraha Britian Mr David Cameron ayaa wuxuu iska casilay shaqadii,iyadoo ay uga dhiman tahay dhowr sano,wuxuu go,aansaday xiliga laga soo laabto fasaxa kuleelaha in uu shaqada si rasmi ah u wareejin doono.
Ugu horeyn DAAWO VIDEO aan ka diyaarinay waxyaabaha isbedeli doona xiliga KALA GUURKA ee UK iyo EU.
Su'aasha ugu horeysa waa maxaa keenay in UK ay noqoto wadankii ugu horeeyay ee ka baxa barwaaqo sooranka Yurub tan iyo intii la aas'asay oo ah mudo aad u fog?arimahan waxay bilowdeen sanadkii 2004 markii wadamo aad u farabadan oo sabool ah ay kaga soo biireen Yurub dhanka bariga,isla xiligaas waxaa ku soo qulqulayay muhaajiriin u kala dhashay POLAND,SLOVAKIA,LITHUNIA,LATVIA,ESTONIA,HUNGRY,SLOVENIA,CZECH REPUBLIC,CYPRUS iyo MALTA.
Wadanka POLAND keliya waxaa ka soo haajiray dad kudhow 1 milyan oo gebi ahaan bedelay noloshii iyo qaab dhaqameedkii magaalooyinka wadanka UK.
ROMANIA iyo BULGARIA markii loo ogolaaday in ay ka mid noqdaan EU,waxaa wadooyinka magaalooyinka waaweyn ee adanka Ingiriiska lagu arkay dad la yiri waa YURUB,hadana TUUGSANAYA,GAWAARIDA DHAQAYA ama WAX XADAYA,waxaa kale oo siyaasiyinta garabka midig ay ka dhaadhiciyeen dadka aan wax baran ee loo yaqaan WORKING CLASS in sanadada soo socda TURKIDA ay soo geli doonaa EU oo la arki doono 80 malyuun TURKI MUSLIM ah oo UK u soo guura.
Waxyaabaha kale ee dadka Ingiriiska ay ka caroodeen waxaa ka mid ah in dugsiyadii,dhaqaatiirtii iyo shaqooyinkii ay aaad u yaraadeen,iyadoo wadankii ay ku soo uruureen dad lacag yar ku shaqeeya oo dhalinyaradii wadanka u dhalatay u horseeday shaqo la'aan.arimahaa iyo kuwa kale ayaa saameyn ku yeeshay in ay ka baxaan QARAMADA YURUB
Hadaba waa maxay saameynta ay ku yeelan doonto SOMALIDA ku dhaqan UK ee ka soo haajirtay wadamada YURUB ee weli aan bedelin dhalashadooda ama BAASBOORKOODA?
Tan iyo xiligii UK ay ku dhawaaqday AFTIDA YURUB ee xubinta ay ka yihiin,waxaa aad u batay dad badan oo wata BAASBOORADA YURUB in ay dalbadaan UK CITIZEN,eeg sawirka hoose:
Waxaa xusuus mudan in UK aan xubin ka ahayn wadamada SCHENGEN ee VISA la,aanta lagu galo,iyadoo xuduudka UK ee YURUB uu ku yaalo magalada CALAIS oo 33 KM oo bad ah dhanka galbeed ka xigta dekada DOVER ee wadanka Ingiriiska.
Qaxootiga xeryaha ka sameystay magaalada CALAIS ee JUNGLE ayaa dadka codka dhiibtay ee BREXIT ay ahayd waxyaabihii ugu muhiimsanaa oo ay u doorbideen in ay YURUB ka goa,aan.
Sharciga ka bixida UK ee YURUB wuxuu dhaqan geleyaa 2 sano oo laga bilaabo 24.6.2016, hadii dowlada Britian ay saxiixdo ARTICLE 50 oo ka mid ahaa heshiiskii LISBON TREATY ee 13 DECEMBER 2017,qoraalkan ARTICLE 50 wuxuu u ogolaanayaa in wadankii saxiixa uu si fudud uga bixi karo barwaaqo sooranka YURUB.
Hadii dowlada UK ay qalinka ku dhufato ARTICLE 50 LISBON TREATY,waxaa isla markiiba hawada ka baxaya dhamaan sharciyadii iyo heshiisyadii YURUB iyo UK,kuwaa oo ay ka mid yihiin,IMMIGRATION,FISHING,CRIME,FREE MOVEMENT iwm.
Isbedelka saameynta ku yeelan doona Somalida ku nool UK ee haysata dhalashada YURUB waxay la mid tahay qof walba oo BAASBOOR YURUB haysta,AFTIDAN ay UK kaga baxday YURUB ka hor sharciga wuxuu ahaa sida aad ku aragtaan sawirka hoose.
Somalida ku nool UK ee wadata BAASBOORADA YURUB ma ahan in ay ka welwelaan QAFAAL ama in wadankan Ingiriiska VISA ay ku soo geli doonaan,laakiin waqti aan sidaa u fogeyn waxaa imanaya in la is weydiin doono WARAAQAHA SHAQADA iyo DEGENAANSHO,taasoo dhib weyn u keeni karta qof walba oo aan isu diyaarin arimaha BREXIT.
Isbedelada laga filayo in dowlada UK ay ku dhawaaqdo waxaa ka mid ah in dadka wata BAASBOORADA YURUB looga baahan yahay DEGNAANSHO 2 sano ah oo ay ku xiran tahay shaqo iyo guri,waxaa kale oo la hadal hayaa qaabka AUSTRALIA oo ah POINT SYSTEM sida waxbrashada,dhaqaalaha IWM.
Waxay kaloo ku tala jiraa in gebi ahaan ay joojiyaan GUNOOYINKII "CAYRTA" oo sida fudud ku qadaan jireen dadka YURUB ka soo haajira ee dhowr bilood ka dib dalbada GURYAHA iyo CAYRTA CARUURTA"CHILD BENEFIT"
Qorshaha kale ee la soo wado waxaa ka mid ah in ay sameyn doonaan 2 TIER SYSTEM oo ah in dadka wata BAASBOORADA YURUB ee sida JARMALKA,SWEDEN,DENMARK,AUSTRIA iyo FINLAND oo ah wadamada qaniga ah ee YURUB isla markaana wata waxbrasho heer jaamacdeed ah lagu soo dhoweyn doono UK,halka dadka ka yimaada wadamada saboolka ah ee YURUB sida ROMAINA,BULGARIA,GREECE,MALTA iyo POLAND aad loogu adkeyn doono in ay si rasmi ah u degaan wadanka UK.
Arinta ugu weyn ee saameyn doonta Somalida waa sharcigii XORIYADA SAFARADA "FREEDOM OF MOVEMENT" oo gebi ahaan UK ay daaqa ka tuuri doonta,taasoo keeni doonta in ay u ogolaadaan cida ay doonaan,waayo ma jiri doono sharci YURUB ah oo qaban doona.
Waxaa kale oo xusuus mudan in 1.2 malyuun BRITISH ah ay ku noolyihiin wadamada YURUB,saa awgeed waa adagtahay in la yiraahdo dhamaan dadka wata jinsiyada YURUB haka baxaan UK,ma jirto iminka QAFAAL ama wadanka ka bax,laakiin hadii dhanka dhaqaalaha,waxbarashada iyo caafimaadka laguugu adkeeyo waxaa qasab kugu noqoneysa in aad wadanka si dhaqsi ah aad uga dhooftid.
Somalida ku nool UK ee wadata jinsiyadaha YURUB waa in ay sida ugu dhaqsiyaha badan isu diiwaan geliyaan oo isla markaa ay qataan waraaqada DEGENAANSHAHA UK,qaabka ugu fudud ee loo dalban karo RIIX HALKAN - qaabka ugu fudud ee loo dalban karo dhalashada UK RIIX HALKAN
Ugu dabeyn hadii aa tahay shaqsi aqrin kara luqada Ingiriiska,waxaa soo baxay maanta 24.6.2016,qoraal kaa caawin doona arimaha DEGENAANSHAHA UK iyo dadka AJINEBIGA ah ee ku nool,eeg sawirada hoose:
Qeybta ugu dambeysa ee qoraalka waxaan ku soo afjari doonaa SU'AALO iyo JAWAAB dadka haysta dhalashada UK ay soo weydiiyeen.
Su'aal:Baasboor cusub ma u baahanahay?
Jawaab:Ilaa heshiiska Yurub iyo UK uu dhamaado baasboorkaaga waxba iska bedeli maayo,waad ku safri kartaa,heshiiska markii uu dhamaado waxaa soo baxaya Baasboor cusub oo aan ku qornayn magaca EUROPEAN UNION.
Su'aal:Waraaqda EUROPEAN HEALTH INSURANCE CARD "EHIC" ma shaqeyn doonaa?
Jawaab:Waraaqdan caymiska ah ee la siiyo dadka haysta dhalashooyinka EU,waxau kaa caawineysaa hadii arimo deg-deg ah oo dhanka caafimaadka ah ay kugu dhacaan hadii aad ku sugan tahay wadamada 28da ee Yurub, Switzerland iyo wadamada loo yaqaan EUROPEAN ECONOMIC AREA (EEA) waa Norway,Liechtenstein iyo Iceland,si caadi ah ayuu u shaqeynayaa ilaa la saxiixo ARTICLE 50 oo kor aan ku soo xusnay.
Xiligaa ka dub waxaa laga yaabaa in wadanka UK uu saxiixo sida kuwa wadamada EEA,waxaa kale oo dhici karta in wadanka Britian uu heshiis nooca loo yaqaan reciprocal deals with a number of countries, uu si fudud u sameyn karo,kuwaa oo ay xubin ka yihiin wadamo aad u farabadan oo AUSTRALIA iyo NEW ZEALAND ay ka mid yihiin
Su'aal: VISA ma u baahanahay hadiiaan u safro wadamada EU?
Jawaab: ARTICLE 50 hadii aan la saxiixin wax isbedel ah dhici maayo,saa awgeed jawaabtu waa MAYA,hadii ARTICLE 50 la saxiixo waxaa laga yaabaa in EU iyo UK ay ku heshiiyaan in dadka u kala dhashay wadamadooda aan 90 maalmood VISO looga baahnayan sida wadamo qaarkood iminka ay sameeyaan,waxaa kale oo jira dhanka DALXIISKA oo ah mid wadamada EU ay ganacsi wayn ka sameeyaan,saa awgeed aad ayay u adag tahay in dadka u dhashay UK lagu xujeyn karo DAL KU GAL ama VISA.
Su'aal:Ruqsada gaariga lagu wado maxaa iska bedelaya?
Jawaab: Sida aan ku aragno sawirka dusha DRIVING LICENCE UK waxaa dusha bidix kaga yaala calanka YURUB,macluumaadka ku jira wuxuu ka dhexeeyaa dhamaan wadamada xubnaha ka ah EU,sidii Baasboorka oo kale wax isbedel ah lagama yaabo in ay dhacaan ilaa ARTICLE 50 laga saxiixo,hadii heshiiska la galo waxaa hubaal ah in la bedeli doono qaabka iyo sida YURUB looga isticmaali doono.
Qore: Abdinasir Ismail "SOLA"
Investigative Journalist
La xiriir: info@solaportal.