Information for Community and Investigation

MAXAA KA JIRA TELEFOONKA WHATSAPPKA EE DHIIGA KAA DHUUQAYA KA DIBNA KU DILAYA? "SOLA INVESTIGATES" UPDATE 9.10.2016

On 10/5/2016 (IST)

 

ABDI TAHLIIL oo ah shaqsigii ka dambeeyay WHATSAPPKA dadka dila oo wareysi dheer siiyay VOA SOMALI "DHEGEYSO"

Wareysi aad u xiiso badan ayaa laga dhegeystay idaacada afka Somaliga ku hadasha ee VOA,taasoo ay si wadajir ah uga qeyb galeen shaqsigii ka dambeeyay abuurista iyo faafinta WHATSPPKII la yiri qofkii qabta SHAYDAAN baa dhiiga ka dhuuqaya isla markaana dilaya.Wareysiga oo uu daadihinayey wariyaha VOA Somali Ismail Farajar waxaa kale oo ka qeyb qaatay Abdinasir Ismail "SOLA" oo ah wariye iyo qabiir dhanka cilmiga Tiknooliga isla markaana aad uga hadlay arintan oo SOCIAL MEDIYAHA dhowr asbuuc laysla dhex marayey.Waxaa kale oo ka qeyb gashay Hibaaq Gamuute oo ah Agaasimada Xarunta Daraasaadka Siyaasiga ah ee CPA,wareysiga wuxuu ahaa mid meelo kala duwan taabtay oo ABDI TAHLIIL uu kaga waramay sida ay ku bilaabatay iyo qaabka ay arinta gacanta uga baxday


RIIX LINKIGA HOOSE:

 

Bishii SEPTEMBER 2015 Blog aan ka aqriyo Internetka oo la yiraahdo HOAX SLAYER oo micnihiisa yahay BEEN GAWRACE ayaa waxaan ku arkay qoraal noocan ah "Satanic Agents Looking for Blood ‘ WhatsApp Warning Hoax" Shaqaalaha Shaydaanka oo doonaya dhiig,kaasoo ahaa arimo ka soo bilowday India ka dibna ku faafay qaarada AFRIKA,arimaha noocan ah mar walba INTERNETKA waa lagu arkaa,laakiin waa sheekooyin mala awaal ah oo dad qaarkood ay u isticmaal dana iyaga u gooni ah ama doonaya in ay lacag si qarsoodi ah uga sameeyaan.

Arimahan ma aha kuwa hada bilowday,bishii Abriil 2007 wadanka PAKISTAAN waxaa laga soo alifay arin tan iminka INTERNETKA AFRIKA qabsatay la mid ah,iyadoo la yiri sida aad ku aragtaan qoraalka hoose: "waa muhiim nambaradan hadii ay ku soo wacaan haka qaban"

 Wadanka SOMALIYA arimahan waxaa ka bilaabay dhalinyaro asxaab ah oo u arkay HAASAAWE,laakiin markii dambe arinta meel xun ay la gaartay,si ay u jahawareeriyaan umadda waxay isku diyaariyeen VIDEO BEEN ABUUR ah si loo rumeysto,iyadoo fikradaha noocan ah ka helay FILM Mareykan ah oo la oran jiray MURDER BY PHONE oo soo baxay sanadkii 1982,iminka daawada VIDEO ay dhalinyarada BEEN ABUURKA ah soo diyaariyeen iyo Filimka ay fikrada ka heleen!.

 

Waqtigii qoraalkan aan soo geliyay SOLAPORTAL.COM waxaa ila soo xiriiray dad aad u farabadan,shaqsigii iga yaabiyay wuxuu ahaa qofka ii soo diray FARIINTA FACEBOOK ee hoose.

 Waxaa kale oo arinta noocan ah ay ka dhacday wadanka MASAR sanadkii 2009,taasoo dhalinyaro  INTERNETKA MASAR ay soo geliyeen qofkii TEXT MESSAGE ama FARIIN looga soo diray nambarada noocaa ah fura, uu DHIIG MATAGAYO! isla markiina NAFTA ay ka baxeyso,markii ugu dambeysay dhalinyaradii arimahan faafisay waa la qabtay iyadoo xabsi aad u dheer loo taxaabay eeg "sawirka hoose"

Isla arimahan aan dusha kaga hadalnay waxay ka socotay dhamaan FACEBOOK AFRIKA sanadkii 2015,sida aad ku aragtaan sawirka hoose.

 

Arimaha noocan ah marwalba way dhacaan,waxba kama jiraan,tabcan telefoonka gacanta qof waa lagu DILI karaa,waxaa inta badan isticmaala ciidamada SIRTA ee wadamada reer galbeedka iyo ruushka.

Tusaale ahaan bishii JANAAYO 1996 ciidamada sirta ee ISRAA'IIL waxay isticmaaleen telefoonka gacanta uu watay YAXYA AYYAASH oo ahaa dagaal yahan FALASTIIN ah,laakiin qaabka ay ugu dileen wuxuu ahaa in dad ay qaraabo yihiin oo dukaan MOBILE lagu sameeyo uu u geeyay si ay u hagaajiyaan,ka dibna ciidanka YAHUUDA ay lacag farabadan siiyeen ina adeerkii oo dukaanka lahaa si CHIP waxyaabaha qarxa ay u geliyeen,dhowr maalmood ka dib isagoo ku hadlya telefoonka gacanta ayaa meel fog SIGNAL QARAX ah looga soo diray,isla markiina hore ayuu ka dhintay.

Arimaha noocan ah waxay inta badan dhacaan xiliga kuleelaha uu dhamaado ee lagu jiro bisha SEPTEMPER,taasoo ay ogyihiin in aqristayaasha INTERNETKA waqti hore ay guryahooda ku soo xaroodaan,waxaa sheekada BEEN ABUURKA ah ee iminka socota ka hadlay markii ugu horeysay BLOG la yiraahdo THATSNONSENSE oo macnaheeda yahay WAX KAMA JIRAAN.iyagoo dadka qaarkood ku eeday in maskaxdooda ay DOOLI ama JIIRKA ay ka yartahay hadii ay aaminaan waxyaabaha qaarkood.

Kuwan waxay la mid yihiin dadka FACEBOOK soo geliya hebel baa XANUUNSAN iyo heblaa CANCER ku dhacay ee AAMIIN ku qor hoos,waxay doonayaan in FACEBOOK oo DYNAMIC ah uu sawirkooda caan ka noqdo.

 2013 gobolka COLORADO ee wadanka Mareykanka waxaa ka dhacay qiso noocaan oo kale ah,gabar ilmo NAAS nuujineysa ayaa waxaa la sheegay in telefoonka gacanta dhowr jeer MESSAGE ama FARIIN uu uga soo diray SHAYDAAN isagoo isticmaalaya NAMABRKA 666,taasoo markii dambe la ogaaday in BEEN ABUUR ay ahayd.

Baraha SOCIAL MEDIA labadii maalmood ee la soo dhaafay waxaan ku aragnay sawiro kala duwan oo la yiri waxaa soo diraya SHAYDAAN DHIIG doonaya,hadii aad qabatid waad dhimaneysaa,asxaab aad u farabadan ayaa su'aalo iga soo weydiiyay,jawaabteyda waxay ahayd sawirka hoose:

 

 

Qoraalka waxaan ku soo af-jarayaa in waxyaabahan aan ka hadalnay ay 100% yihiin BEEN ABUUR ay ka dambeeyeen dad  CLICK in ay helaan doonaya ama magac ku raadinaya baraha SOCIAL MEDIYAHA si shabakadahooda ama boggaga ay leeyihiin meesha ugu sareysa ee GOOGLE ay gaaran ama RANKING fiican sameeyaan.

 

Qore: Abdinasir Ismail "SOLA"

Investigative Journalist

La xiriir: info@solaportal.