Information for Community and Investigation

DAAHIR CALLASOW IYO ABUUKAR CAWAALE HALKAY ISKALA QAADEEN? VIDEOS!UPDATED 9.9.2016

On 6/9/2016 (IST)

Dhowr maalmood ka hor waxaan barta FACEBOOK ku arkay Video Youtube la soo geliyay oo Daahir Callasow uu kaga hadlayo Abuukar Cawaale oo loo yaqaan QAAD DIID,waxyaabo aad u farabadan ayuu kaga hadlay muuqaalka uu soo dhigay Youtube,wuxuu ku bilaabay eedo uu dusha ka saaray Mr Awale oo iminka ku sugan wadanka Somaliya oo sida la sheegay u tagay arimaha ka hortaga qaadka iyo wacyi gelinta dhalinyarada Somaliyeed ,runtii waa arin aad u wanaagsan oo Mr Abukar Awale in marwalba lagu dhiiri geliyo isla markaana lagu gacan qabto ay banaan tahay,tabcan Daahir Callasow waxa uu qoray xor ayuu u yahay,laakiin sheekada hadii ay ahaan lahayd waxaan SHAQSIYAD ahaan uga soo horjeedaa Abukar Awale cidna kama yeeli lahayn, anagana 100% waxaan taageeri lahayn QAAD DIID,laakiin sida aan ka daawanay Youtube sheekada way ka weyn tahay QAAD iyo ka hortagiisa.

 Ugu horeyn aan isla daawano VIDEO uu Daahir Callasow soo dhigay barta Youtube,taasoo eedo kala duwan uu dusha ka saaray Mr Awale.

Daahir Callasow waxyaabaha uu ku eeday Abukar Awale waxaa ka mid ah in gabdhaha reer Muqdisho hadii 5 Dollar la siiyo wixii la rabo laga duubi karo,isagoo ku adkeeyay ereyga GABHAHA HAWIYE,runtii Dahir Callasow wax xaqiijinaya ma soo bandhigin hadii ay ahaan lahayd COD ama VIDEO,laakiin waxaa hubaal ah in Mr AWALE dhanka QABIILKA uu mararka qaarkood uu isticmaalo.

Abukar Awale mararba buu iloowaa MUGIIISA iyo magaca uu ku leeyahay bulshada Somaliyeed,taasoo uu kaga duwan yahay dadka caadiga ah ee aan la aqoon,waxaa muhiim ah in uu marwalba xusuusto in hadaladiisa iyo ficilkiisa meel dheer gaaro.

Mr Awale waxaan aqaanaa waqti aad u dheer ma ahan shaqsi xun ama dhib badan,arimaha qaadkana waa mid uu geliyay waqtigiisa iyo maalkiisa,runtiina dad badan oo aniga aan ka mid ahay ayaa ku taageersan.

Abukar waxaa lagu tilmaami karaa "Loose Cannon" oo micnaheedu yahay "an unpredictable or uncontrolled person who is liable to cause unintentional damage" qof aan laysku halayn karin,aan is maamuli karin,mar walbana waxyaabaha uu ku dhaqaaqo dhibaata keena isagoon ugu tala gelin"

Mr Awale aad baan u taageeraa ilaa iyo hada,waxaa jirta VIDEO aan ka sameeyay waqti hore,anigoo ku amaanay in uu yahay,"HERO OF MANY" ama "GEESI DAD BADAN" hoos ka daawo.

Ugu horeyn Mr Awale QAAD kama joojin wadanka boqortooyada UK!,hadii uu yiraahdo waan ka joojiyay ha soo badhigo qaabka uu u joojiyay,wadanka Ingiriiska muqaadaraadka looma joojiyo qof ayaa mudaaharaad sameeyay ee waa wax waqti dheer la baaro isla markaana la ogaado dhibaatooyinka uu bulshada,ka dib barlamaanka ayaa ka dooda oo sharci ka soo saara.

Arimaha la dagaalanka Qaadka waxay bilowdeen waqti aad u fog,xiligaa Abukar Awale wadanka Ingiriiska kuma noolayn,waxaa arimahaa waqti ku dhow 20 sano daba socday Mr Mohammed Dualeh oo ka bilaabay Somali Youth Association  Butetown, magaalada Cardiff ee wadanka Wales,RIIX HALKAN:

Arimahan waxaa si wadajir ah u bilaabay jaaliyaddaha YEMEN iyo SOMALIDA ku nool CARDIFF,sidaa awgeed hadii Mr Awale uu yiraahdo aniga ayaa bilaabay isla markaana mamnuucay QAADKA,taa runta way ka fogaaneysaa.

 

Abukar Awale waxaa lagu xiray JABUUTI iyo SOMALILAND,isagoo isla waqtigaa laga joojiyay in uu ka qeyb galo shirarka qaad joojinta,hoos ka dhegeyso isagoo xabsiga ku OOYAYA.

Waxyaabaha kale ee ABUKAR AWALE lagu arkay waa isagoo ADKEYSIGUUSU aad u yaryahay oo qofkii ra'yi ka duwan u soo bandhiga uu hore BLOCK FACEBOOK saaro,eeg sawirada hoose:

 

Waqtiyadan dambe Abukar Awale waxaa lagu arkay isagoo ka baxay arimaha ololaha qaad joojinta,taasoo taageerayaashiisa ay u arkeen in uu yahay shaqsi aan xamili karin magaca uu bulshada Somaliyeed ku leeyahay,tusaale ahaan bilowgii sanadkan xili ay socdeen dagaaladii PUNTLAND iyo AL-SHABAAB,qoraalo uu FACEBOOK soo dhigay Mr Awale, runtii dad badan oo aniga aan ka mid ahay ayaa arimaha uu ku dhaqaaqay u cuntami weyday,eeg sawirad hoose:

 

Abukar Awale waa INTERNATIONAL Somali ah,laakiin hadii LOCAL QABIIL uu u laabto,in arimaha Daahir Allasow ka hadlay wax ka jiraan waa la rumeysan karaa,marwalba hadii aad tahay shaqsi bulshada magac iyo qiimo ku leh,hadalkaagu meel fog ayuu gaaraa waa in aad iska ilaalisaa waxyaabaha noocan ah.

Dad badan ayaa ka carooday qaabka uu gabdhaha u wareyso marka uu leeyahay QALANJADA ama QAADKA,waxyaabo waxaa jira aan laga hadlin hadii la eego dhaqanka Somaliya,laakiin hadii aad tiraahdid nimanka JAADKA cuna SARIIRTA kuma wanaagsana ama wax ma taraan,taasi waxay dabooleysaa arimiha ololaha joojinta qaadka,daawo clipka hoose:

 Dhanka kale Abukar Awale wuxuu inta badan ka hadlaa in KENYAATI iyo SOMALI ay u hanjabeen oo la yiri waa lagu DILAYAA!,runtii ma jiro qof raba in Abukar uu dilo,waa maxay sababta loo dilayo? Abukar Awale QAAD kama joojin KENYA,ra'yi ahaan waxaa fiicnaan lahayd in uu iska dhaafo hadalada faraha badan ee uu ku leeyahay waa la ii HANJABAY oo in la i dilaa la rabaa,daawo vidiywoga hoose.

 Tan iyo xiligii aan soo bandhignay qoraalka Daahir Callasow iyo Abuukar Cawaale waxaa soo kordhay in Video cod ah oo la yiri waxaa si sir ah looga duubay Mr Awale uu soo bandhigay Daahir Callasow,hoos ka daawo.

 Abukar Awale oo iminka ku sugan Somaliya ayaa jawaab kulul ka bixiyay,isagoo bartiisa FACEBOOK soo dhigay VIDEO uu ku beeninayo clipka Youtube la soo dhigay oo la yiri waa Mr Awale oo QABIILO Somaliyeed u gefaya,hoos ka daawo.

Ka dib waxaa shabakada SOLAPORTAL.COM soo gaaray VIDEO la yiri waxaa laga duubay PALTALK 2001 oo shaqsi la magac baxay WIIL SADE uu af-lagaadeynayo QABAA'ILO aad u farabadan,hoos ka daawo.

Iminka waxaa baraha SOCIAL MEDIYAHA laysla dhex marayo in arimahan DAAHIR CALLASOW iyo ABUUKAR CAWAALE ay yihiin kuwa SUN  ama TOXIC,iyadoo laga yaabo in dagaal aad u kulul uu ka dhexeeyo,waxaana hubaal ah in arintan baaritaan dheer lagu sii sameyn doono isla markaana la ogaan doono arimaha INTERNETKA gilgilay.

Daahir Callasow in shaqsiyada Abukar Cawaale wax ka sheego ma xaq buu u leeyahay? MAYA,in arinta gabdhaha Muqdisho ee 5ta Dollar uu soo bandhigo hadii ay run tahay maku saxsan yahay? HAA,muhiimada ma ahan in DAAHIR ALLASOW ama ABUUKAR AWALE ay yihiin dad XUN ama FIICAN,taa iyaga ayay u taalaa,laakiin wixii jira waa in mar walba laga hadlaa.

Ugu dambeyn Mr Abukar Awale waxaa la gudboon in uu shaqadiisa halkaa ka soo wado,mar walba hadii aad tahay qof bulshada ay indhaha ku hayso waxaa lagaa doonayaa in aad noqotid QUN YAR SOCOD,hadalo qiyaasan iyo in aadan iloowin maah-maahdii Somaliyeed ee "HADAL INTII AFKAAGA KU JIRUU AMAANADAADA YAHAY".

 

 

Qore: Abdinasir Ismail "SOLA"

Investigative Journalist

La xiriir: info@solaportal.com