Information for Community and Investigation

MA RUN BAA ARIMAHA LAGU EEDAY ILHAN OMAR EE GUURKA WALAALKEED IYO KURSIGA AY KU GUULEYSATAY? SOLA INVESTIGATES!

On 8/17/2016 (IST)

 

ILHAN OMAR waa gabar Somali ah oo ku guuleysatay tartankii golaha wakiilada ee Minnesota,iyadoo noqotay shaqsigii ugu horeeyay SOMALI-AMERICAN ah oo xafiis noocan ah loo doorto,Ilhan waxay tartan kula jirtay Phyllis Kahn and Mohamud Noor oo bishan Agoosto 9 ay kaga guuleysatay,guusha ay gaartay waxaa u riyaaqay dhamaan Somalida ku kala nool dalka iyo dibada,waxaan fariin hambalyo ah u soo diray Ra'iisal wasaaraha Somaliya iyo mas'uuliyiin ka tirsan xisbiga talada wadanka Mareykanka haya ee Dimoqoradiga.

 

17.8.2016 ILHAN OMAR oo jawaab ka bixisay arimihii lagu eeday!

 

 Runtii si sharci ah oo taageeryaal badan ay u codeeyeen ayay Ilhan ku heshay kursigan muhiimka ah,dhowr maalmood ka dib waxaa warbaahinta Mareykanka ay  ka qoreen iyagoo aqbaar ka helay shaqsi Somali ah oo la yiraahdo ABDI JOHNSON oo ku nool NORTH AMERICA isla markaana TAFATIRE ka ah shabakada SOMALISPOT.COM arimo ILHAM OMAR ku saabsan oo sida warbaahinta GARABKA MIDIG ay qoreen lagu eeday waxyaabo kala duwan.

Ugu horeyn sheekadan waxaa bilaabay ABDI JOHNSON oo aad looga yaqaano shabakadaha iyo meelaha lagu wada hadlo "FORUMS" ee Somalidu  aad u isticmaalaan.

Qoraaladii uu soo geliyay oo iminka laga saaray isla markaana GOOGLE CHACHE oo ah keydka GOOGLE laga masaxay,iyagoo sawir ah hoos ka eeg.

ABDI JOHNSON wuxuu isla waqtigaa la xiriiray shabakad GARABKA MIDIG ee ka soo baxda wadanka Mareykanka,taasoo ku caan baxday CUNSURIYAD iyo ISLAM naceeyb,qoraalkii ugu horeeeyay ee ay kaga hadlaan arimaha ILHAN OMAR,HALKAN RIIX.

 

Qoraaga shabakada POWERLINEBLOG oo la yiraahdo SCOT JOHNSON wuxuu aqbaarta ugu horeysa ka helay shaqsigan SOMALIGA ee la yiraahdo ABDI JOHNSON (no relation).

Qoraalo kala duwan oo INTERNETKA ku faafay ka dib,xafiiska ILHAN OMAR waxay soo saareen war murtiyeed ay ku beeniyeen arimahan shabakada POWERLINEBLOG iyo kuwa kale ay ka hadleen.

Maxaa lagu eeday ILAHAN OMAR?

Sida ay qorayaan warbaahinta Mareykanka,ILHAN OMAR waxaa lagu eeday in ay sharciga GUURKA iyo MUHAAJIRNIMADA ay jebisay "marriage and immigration fraud", ILHAN OMAR waxay sanadkii 2002 guursatay Ahmed Hersi oo ah aabaha seddexda caruur ee hoos iskula sawiran yihiin.

 

Waxaa kale oo lagu eeday ILHAN OMAR in sanadkii 2009 ay guursatay walaalkeed AHMED NUR SAID ELMI,guurkaa oo ahaa mid gacan ka siiyay soo gelida wadanka MAREYKANKA,isagoo xiligaa watay dhalasho BRITISH ah,markii ay is guursadeen ka dib AHMED wuxuu waxbarasho ka bilaabay jaamacada ALMA MATER ee ku taala NORTH DAKOTA USA isagoo ka qalan jebiyay sanadkii 2012,ka dib Ahmed sida ay warbaahinta qoreen wuxuu u soo wareegay magaalada Minneapolis oo mudo uu ku noolaa,ka dib wuxuu u guuray wadanka UK.

 

Arimahan lagu eeday ILHAN OMAR maxaa ka jira?runtii lama dhihi waa RUN ama BEEN!,waayo xafiiska ILHAN OMAR waxay ku tilmaameen in arintan ay tahay mid been abuur ah oo ay ka dambeeyaan dadkii ay ka guuleysatay iyo cunsuriyiin garabka midig ah,laakiin wadanka Mareykanka waa meel sharci iyo kala dambeyn ay ka jirto,hadii wax xaqiiq ah aan lagu hayn ILHAN OMAR sida ay qoraalkeedaba ku xaqiijisay in ay ka welwelsho ma aha,laakiin hadii arimahan ay wax ka jiraan runtii waa mid aad u foolxun in gabar Somali ah oo heerkan ka gaartay siyaasada wadanka USA sidan ay u daba galaan dad kale oo SOMALI ah.

ABDI JOHNSON waa magac been abuur ah oo aad looga yaqaano SOMALI FORUMS,laakiin arimahan dad kale ayaa ka dambeeya.dadka aqoonta u leh ILHAN OMAR waxay leeyihiin arimahan waxa ka dambeeya dad SOMALI ah oo doonaya in magaceeda ay hoos u dhigaan.

Inshallah wixii ku soo kordha arimaha ILHAN OMAR,waxaan idinku soo gudbin doonaa shabakada SOLAPORTAL.COM.

 

Qore: Abdinasir Ismail "SOLA"

Investigative Journalist

La xiriir: info@solaportal.com