Information for Community and Investigation

KITAABKA QURAANKA LA YIRI WAXAA LAGA HELAY MAKTABAD KU TAALA MAGAALADA BIRMINGHAM - WAA MARIN HABAABIN ISLAAMKA LAGULA DAGAALAMAYO "SPECIAL REPORT"

On 12/1/2015 (IST)

koran1J

Jaraa'idyada ka soo kala baxa wadamada UK iyo USA oo inta badan ah kuwa garabka midig ayaa waxay aad uga faaloodeen KITAAB la yiri waxaa laga helay maktabad ku taala caasimada labaad ee wadanka boqortooyada UK magaalada BIRMINGHAM,taasoo sida ay ku qoreen shabakadaha iyo jaraa'idka la daabaco ay ku sheegeen in kitaabkan la qoray inta u dhexeysa sanadadii 568 AD iyo 654 AD,taasoo ay leeyihiin waxay ka horeysaa waqtigii RASUULKA "SCW" Quraanka lagu soo dejiyay oo ahayd inta u dhexeysa 609 AD iyo 632AD oo ah 23 sano.

Waxay yiraahdeen arintan waxaa lagu ogaaday iyadoo baaritaan dhanka carbonka ah lagu sameeyay,waxayna yiraahdeen waa QURAANKA ADUUNKA UGU QADIIMSAN,laakiin waxay sii raaciyeen iyagoo leh "ARINTAN WAXAY WAX KA BEDELI DOONTAA TAARIIKHDA ISLAAMKA",laakiin baaritaan dheer oo la sameeyay ayaa waxaa la ogaaday in arintan ay ka dambeeyaan dad aad u fara badan oo taariikhdooda hadii gadaal loo eego mar walba ka shaqeeya faafinta naceybka ISLAAMKA iyo MUSLIMKA.

Ugu horeyn jaraa'idyada lagu soo qoray waxaa ka mid ah THE TIMES oo ka soo baxa wadanka UK ,isla markaana ah kan ugu qadiimsan oo dhanka midig ee qoraalada, waxaan MULKIILE ka ah RUPERT MURDOCH oo ah agaasimaha shirkada weyn ee News Corporation oo leh TELEFISHINO,IDAACADO,JARAA'IDYO aad u tira badan oo ay ka mid yihiin THE TIMES,SUNDAY TIMES,THE SUN,FOX NEWS iyo kuwa aad u tira badan oo halkan lagu soo koobi karin.

 Taariikh ahaan waxay marwalba ka soo horjeedaan DIINTA ISLAAMKA iyo DADKA MUSLIMKA ah,waxaad ku ogaan kartaa adigoo ka raadiya GOOGLE,hadaba KITAABKAN laga helay maktabka magaalada BIRMINGHAM suu ku yimid,ileen MUSLIMIINTII ugu horeysay ee soo degta magaaladaas waxay ahaayeen kuwa yimid 60 sano ka hor?

Inta badan waxaa la isticmaalay qoraal uu qoray shaqsi ISLAAM NACEEBKA ku taqsusay oo la yiraahdo TOM HOLLAND oo u dhashay wadanka UK,qaabka jaraa'idyada ay LINK u sameeyeen waxay ahayd sidan "Historian Tom Holland, told the Times: 'It destabilises, to put it mildly, the idea that we can know anything with certainty about how the Koran emerged - and that in turn has implications for the history of Muhammad and the Companions.'

Ugu horeyn TOM HOLLAND laguma tilmaami karo TAARIIKH YAHAN,sababtu waa isagoo qoraaladiisa ay mar walba yihiin kuwa QORSHE ISLAAMKA looga soo horjeeda ka faalooda,tusaale AQRI LINKIYADA HOOSE:
 
 
 
 
 
 
TOM HOLLAND sababta uu ISLAAMKA wax uga qoro waa isagoo og in dadka ka soo horjeeda MUSLIMKA ay u sacab tumayaan,isla markaana uu magac ku yeelanayo,KITAABKA la yiri waxaa laga helay BIRMINGHAM waxaa 1920 keenay - BAADARI MASIIXI AH oo lagu magacaabi jiray Alphonse Mingana,iyadoo iminka mudo 100 sano ku dhow ka dib laga helay qol maktabada ka mid ah.
 
 
 
 PROFESSOR MUSTAFA SHAH oo wax ka dhiga School of Oriental and African Studies  UNIVERSITY OF LONDON qeybtiisa DIINTA ISLAAMKA ayaa arintan ka hadlay, isagoo yiri waa arin aan ka soo horjeedo,oo sidii loo xaqiijiyo ay adag tahay.
 
Dhow bilood ka hor RAADIYOWGA BBC4 oo ah kan ay ku xaajoodaan dadka waxbartay ayaa waxaa laga soo tabiyay barnaamijka BEYOND BELIEF oo looga hadlay HADITH,waxaa marti ku ahaa -  PROFFESOR JONATHAN BROWN - PROFESSOR SAHIB BLEHERTOM HOLLAND. Barnaamijka waxaad ka dhegeysan kartaa
 HALKAN HOOSE:

 Hadii aad si fiican u fahamtay wada hadalka waxaad ka dareemeysaa in TOM HOLLAND iyo shaqsigii TURKIGA ahaa ee USA ka soo wacay ay goobta wadahadlka ka socotay fadeexad ka soo raacday,waxyaabo aad u fara badan ayaa lagu qabsaday sida KORAN ONLY MUSLIM oo runtii wax uu ku jawaabo garan waayey,saa awgeed TOM HOLLAND hadii ay hor fadhiistaan dad cilmiga ISLAAMKA si fiican u yaqaana isla markaana ka jawaabi kara su'aal walba oo la weydiiyo,waxaa hubaal ah in magaciisa uu ku leeyahay kuwa MUSLIMKA neceb uu hoos u dhici lahaa.

 Waxaa jira BUUGAAG aad u fara badan oo uu qoray PROF JONATHAN BROWN oo si qeexan uga hadlaya taariikhda ISLAAMKA iyo MUSLIMKA, tusaale ahaan BUUGA
Misquoting Muhammad "The Challenges and Choices of Interpreting the Prophet’s Legacy" iyo kuwa kale oo laga heli karo AMAZON.
 
Tabcan waxyaabaha noocan ah waxaa lagu marin habaabiyaa dadka waxbarashadooda iyo iimaankooda uu daciif yahay,waayo waxaa wadamada reer galbeedka laga ogaadey in DIINTA ISLAAMKA ay tahay tan ugu badan ee dadka aan MUSLIMKA ahayn ay ku soo biiraan,si looga hortago waxaa la isticmaalaa warbaahinta oo lagu faafiyo DICAAYADO noocan oo kale ah.
 
Su'aasha ugu horeysa ee KITAABKA laga helay MAKTABADA BIRMINGHAM waa, bal si fiican u eeg taariikhda WAXYIGA ISLAAMKA iyo xiliga la yiri BUUGA waa la qoray - XILIGA BUUGAN LA QORAY 568 AD -  654 AD  -   609 AD iyo 632AD, waxay rabaan in dadka laga dhaadhiciyo  568AD ayaa QURAANKA la qoray, taasoo ay leeyihiin WAXYIGA QURAANKA wuxuu yimid 41 sano ka dib.
 
Ugu dambeyn waxaan qoraalkeyga ku soo af-jarayaa in laga digtoonaado waxyaabaha qal-qalka iyo muranka gelinaya ee la rabo in laga dhaadhiciyo dadka maan gaabka ah iyo kuwa nolishoodu ay ku dhisan tahay NACEYBKA ISLAAMKA iyo MUSLIMKA.
 
 
Qore: ABDINASIR ISMAIL "SOLA"
 
Professor of Electrical Engineering and Computer Science