Information for Community and Investigation

QAABKEE LOO OGAADAY CAYAARYAHANKII SOMALIYEED EE ASTON VILLA XILIGII UU KU BIIRI LAHAA ISIS?

On 10/14/2016 (IST)

Cayaaryahankii u taba barnaa in uu ku biiro kooxdii heerka koowaad ee ASTON VILLA oo iminka ku jirta Seria B ayaa waxaa maxkamad ku taala wadanka Ingiriiska ay ku xukuntay xabsi aad u dheer,ANAD ABDOW ABDULLAHI oo la tababartay kooxda ka dhisan magaalada Birmingham ee wadanka UK waxaa lagu waday in uu si buuxda u noqdo cayaaryahan ka dheeli kara kooxaha ka dhisan horyaalka wadanka Ingiriiska,Anas shaqadiisa caadiga ah waxay ahayd dhanka iyo computerka,isagoo waqti dheer ka shaqeeyay dukaanka wayn ee Selfbridges oo ku yaala caasimada labaad ee UK BIRMINGHAM.

Anas markii ugu horeysay ee ciidamada Sirta ay ka war helaan waxay ahayd xili Booliiska qarsoon "undercover" ay Video ka duubeen isagoo leh,waxaan aad u jeclaan lahaa in aan DILO dad aan Muslim ahayn.

Kooxda Aston Villa wuxuu ka gaaray dhanka ACADEMY ama macadka ay ka soo galaan cayaaryahanda mustaqbalka,isagoo ahaa cayaaryahan dhanka bidix ku wanaagsan oo gaaray SEMI -PROFESSIONAL.

Anas waxaa marar badan laga maqlay in uu aad u necebyahay dadka reer Yurub oo uu ku tilmaamay wax aan LO'O dhaamin.

Bishii ABRIIL 2015 Anas iyo laba dhalinyaro kale oo la socday waxaa laga dhex helay gaari xamuul ah oo sugayey doonta laga raaco dekada DOVER oo ku taal barigga wadanka Ingiriiska oo ku sii socotay magaalada CALAIS ee dalka Faransiiska oo ah dekada ugu weyn ee isku xirta UK iyo YURUB.

Anas waxaa lagu soo oogay afar dacwo oo kala duwan,isagoo ku eeday ciidamada sirta ee boqortooyada UK oo loo yaqaan M15 markii uu ka diiday in ay la shaqeeyaan ay ka daba qaateen,laakiin qaaliga maxkamada ayaa ku gacan sayray.

Waxaa maxkamada la soo bandhigay waraaqo aqoonsi,baasboorto iyo dukumenti kala duwan oo laga helay boorsooyinkii ay wateen Anas iyo asxaabtiisa kale ee doonayay in ay si dhuumaaleysi ah wadanka UK uga dhoofaan.

Waxaa kale oo laga helay Doorbiin,sawir qaade,maabab kala duwan iyo cabirayaal.

Anas wuxuu ku dhashay caasimada Somaliya,isagoo aad u yar ayaa wuxuu yimid wadanka Ingiriiska,sanadkii 2011 ayaa sharciga weyn ee qaxootiga la siiyay,ka dibna wuxuu si fudud ku qaatay dhalashada wadanka UK ee BRITISH CITIZEN,Anas waqti aad u dheer ayaa la daba socday inta aan lagu qaban dekada DOVER.

Sawirka dusha waa Gabriel Rasmus,Anas iyo Mahamuud Diini oo ah seddexda dhalinyaro ee laga dhex helay gaariga xamuulka ah ee ku socday dekada CALAIS

 Mahamuud Diini 27 jir oo haysta dhalashada wadanka Netherlands,laakiin ku noolaa UK ayaa bilowga sanadkan 2016 maxkamad lagu soo saaray wadanka Ingiriiska,iyadoo markii dambe lagu waayay wax dembi ah,xiliga laga dhex helay gaariga xamuulka ah waxaa u socday maxkamad kale oo ahayd dib ugu celin wadanka Holland.

Waxaa kale oo maxkamada laga sheegay in Mahamuud Diini ay asxaab ahaayeen Mahdi Hashi "sawirka dusha"oo ah wiil Somali ah haystana dhalashada UK oo sanadkii 2012 ay dowlada Ingiriiska ka celisay jinsiyada,xiligaa oo laga soo qabtay Jabuuti ka dibna loo gudbiyay wadanka USA,Mahdi Hashi waxaa lagu xukumay 9 sano oo xarig ah iyo in dib loogu celiyo Somaliya xiliga uu dhamaysto xabsiga.

Gabriel Rasmus waa 30 jir u dhashay wadanka Koofur Afrika,wuxuu maxkamada u sheegay in uu isku dayay afar jeer si uu ugu biiro ISIS,wuxuu 14 sano ku noolaa magaalada Birmingham ee wadanka UK,waqti aad u dheer waxaa daba socday ciidamada sirta ee Ingiriiska oo soo bandhigay dhaliyaro Somali ah oo ay asxaab ku ahaayeen magaalada Birmigham.

Booliiska qarsoon "undercover" iyo ciidamada sirta UK ee M15 waxay daba socdeen Anas iyi Gabriel mudo sagaal bilood ah,iyagoo inta badan kula kulmay xaafadaha Somalida iyo Muslimka ay u badan yihiin ee Small Heath, Sparkbrook iyo Sparkhill ee magaalada Birmigham.

Ciidankan daba socday waxay ahaayeen kuwa Muslim ah oo u ka soo jeeda Pakistaan,iyagoo inta badan ka sheekaysan jiray cayaaraha kubadda cagta iyo arimaha Siiriya.

Anas wuxuu aad uga andacooday xiligii ay socotay maxkamada,in ciidamada sirta ee Ingiriiska ay aad u dhibeen,isagoo markii dambe go'aan ku gaaray in uu ka haajiro wadanka UK,safarkiisa ma ahayn ayuu yiri mid uu doonayay in uu ku biiro DAACISH.

Xukunka iyo xabsiga ayaa lagu wadaa in ay dhacaan dhamaadka bisha Oktoobar,iyadoo la filayo in lagu xukumo dhowr sanadood oo racfaan uu ka qaadan karo.

Xiliyadan dambe waxaa soo badanaya dhaliyaro Somali ah oo ka ashtakooda ciidamada sirta ee UK,iyadoo ay sheegeen in waqtiyada ay ka dhoofayaan wadanka ama ay ku soo laabayaan il gooni ah lagu hayo.

Dowlada UK waxaa iminka ay ka heleen baarlamaanka in ay ka celin karaan dhalashada iyo Baasboorka wadanka Ingiriiska shaqsi walba oo lagu helo argagixisnimo isla markaana wadanka si qasab ah looga dhoofiyo.

 

 

Qore: Abdinasir Ismail "SOLA"

Investigative Journalist

La xiriir: info@solaportal.