Information for Community and Investigation

QAABKEE LOO JABSADAY FACEBUUGII SALMAAN JAMAAL IYO SIDA LOO SOO CELIYAY! SOLA INVESTIGATES

On 8/12/2017

12626 Views

SALMAAN JAMAAL SICIID waa shaqsi dhalinyaro ah oo Somalidu ay ka barteen dhanka warbaahinta iyo arimaha banii'aadinimada ah ee marwalba oo ku hawlanaa,waa shaqsi dad aad u farabadan ay qadariyaan isla markaana magac wanaagsan ku dhex yeeshay dhamaan bulshada Somaliyeed ee ku kala nool dalk iyo dibada,taasoo keentay in uu yeesho cadow isugu jiray dad ka maseeray waxqabadkiisa iyo kuwa naceeb iyo xaasidnimo ay nolol u noqotay,SALMAAN sidaan ognahay waxaa dhaawac weyn uu ka soo gaaray qarax ka dhacay Hoteelka Jazeera ee caasimada Somaliya bishii Luulyo 2015.

Aqri qoraalka »

FANAANKA AXMED ZAKI MA ISAGAA SOO QORAY AF-LAGAADADA MISE FACEBOOK AYAA LAGA JABSADAY? SOLA INVESTIGATES!

On 6/2/2017

16065 Views

Fanaanka qurba joogta ah ee AXMED ZAKI runtii aqoon uma lahayn ka hor inta aan arkin arimaha la yiri wuxuu ku soo qoray bartiisa FACEBOOK oo isugu jiray CAAY loo geystay Muqdisho iyo kuwa shaqsiyo si aad u fool xun loo af lagaadeeyay.Shabakada solaportal.com waxay raad raac ku sameysay fanaanka AXMED ZAKI si ay u ogaato qofka uu yahay iyo siday wax uga jiraan arimaha la yiri wuu ku kacay,ugu horeyn waxaan soo ogaanay in uu yahay fanaan dhalinyaradu aad ay ula dhaceen oo cod macaan,waxaan aad ula dhacay heesta NAASKA CAASHAQA oo qaabka loo sameeyay uu ahaa mid ka duwan kuwii hore aan ugu arki jirnay fanaaniinta cusub,waxaana marqaati fur ah daawashada YOUTUBE oo 3 MALYUUN kor u dhaaftay.

Aqri qoraalka »

QAABKEE LOO XIRAY FACEBUUGII CALI YARE,YAASE KA DAMBEEYAY? SOLA INVESTIGATES!

On 4/7/2017

28775 Views

ALI ABDI WARDHERE "ALI YARE" waa shaqsi si aad ah looga yaqaan siyaasada Somaliya qaas ahaan dowlada cusub ee FARMAAJO,wuxuu waqti badan la soo shaqeeyay dowladihii hore ee wadanka ka dhisnaa isagoo xilal kala duwan soo kala qabtay,ALI YARE waxaa aad loogu xasuustaa waqti Muqdisho lagu xiray isla markaana naftiisa halis ay gashay,maanta waa shaqsiga suura geliyay inta badan guusha iyo isbedelka Somaliya ka dhacay isagoo kaalin libaax ah ka qaatay doorashadii ugu weynayd ee Somaliya soo marta tan iyo xoriyadii 1960kii,ALI YARE oo qurba joog reer SWEDEN ahaan jiray iminka wuxuu si joogta ah ugu noolyahay caasimada Somaliya isagoo gebi ahaan ka soo luga xirtay wadankaa uu ku noolaan jiray,waxaa kale oo aad loogu yaqaanaa in uu yahay shaqsi DEEQSI ah,NAXARIIS BADAN oo SOMALINIMADANA ay aad ugu weyn tahay,asxbaata reer STOCKHOLM waxay ku xaman jireen in tayadiisa ugu wanaagsan ay tahay isagoo wax walba lala qaybsan karo.

Aqri qoraalka »

SKYPE SEX SCAM IYO QAABKA LAYSAGA ILAALIYO! SOLA INVESTIGATES. UPDATED 9.8.2017

On 10/27/2016

22419 Views

Xiliyadan dambe waxaa SOCIAL MEDIYAHA ku soo batay in dhalinyaro qaarkood oo RAG u badan lagu sameeyo BLACKMAIL ama la handado si ay qasab ugu bixiyaan lacag,taasoo ka timid in laga duubay VIDEO aad u foolxun oo lagu yiri bixi lacagta ama waxaan u bandhigeynaa dhamaan asxaabtaada iyo qoyska aad ka dhalatay,runtii waa arimo ku cusub FACEBOOK iyo SKYPE oo inta badan ay ku dhacdo dhalinyarada aan ka fiirsan waxyaabaha ay u isticmaalaan baraha SOCIAL MEDIA,shabakada SOLA PORTAL oo arimahan marar badan kaga hadashay LIVE FACEBOOK ayaa iminka iyadoo qoraal ah u soo bandhigeysa aqristayaasha ku xiran shabakada si ay uga feejignaadaan arimaha aan kor ku xusnay.

Aqri qoraalka »

SHARCIYADA CUSUB EE DONALD TRUMP UU KU DHAWAAQAY IYO SAAMEYNTA SOMALIDA! SOLA REPORTS "UPDATED 6.3.2017"

On 1/28/2017

5429 Views

Tan iyo intii loo dhaariyay xafiiska aqalka cad ee Mareykanka,Donald Trump wuxuu soo saaray sharciyo aad u adag oo saameyn weyn ku yeelan doona dadka ajanabiga ah ee u soo haajira wadanka Mareykanka iyo qaxootigii laga soo daad gurayn jiray wadamada Afrika,Aasiya iyo jasiiradaha ku dhow Australia,is bedelkan uu saxiixay madaxweynaha Mareykanka oo xilka la wareegay 20kii Janaayo 2017 waxay saameyn wayn ku yeelan doontaa Somali aad u tira badan oo ku kala nool isla wadanka USA iyo dad qaxooti ah oo sugayey in qoysaskooda ku nool Mareykanka ay ku biiraan,waxaa kale dowlada Mareykanka ay bilowday in ay musaafurin ku sameyso dad ku xirnaa dhowr sano xabsiyada wadanka USA oo iyagoo sharci leh dembiyo kala duwan ka galay wadankaas iyo dad kale oo magan gelyo siyaasadeed weydiistay USA oo dib loogu celiyay ama loogu celinayo Somaliya.

Waxaa 6.3.2017 lagu dhawaaqay sharci cusub oo wax ka bedelaya kii hore ee maxkamadaha federaalka ay ka hor yimaadeen.

 

Aqri qoraalka »

WADA SHAQEYNTA SOMALILAND IYO AL-SHABAAB EE LA YIRI WAXAA SOO QORAY WARIYAAL SWEDISH AH MAXAA KA JIRA? "SOLA INVESTIGATES"

On 2/17/2016

12424 Views

 

Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay waxaa shabakadaha iyo baraha Social Mediyaha lagu arkay qoraal luqadda Ingiriiska lagu diyaariyay oo cinwaankiisa uu ahaa "The Nexus between Somaliland and Al-Shabaab" oo ah shaqadda ka dhexeysa Somaliland iyo Al-shabaab,taasoo sida la yiri waxaa qoray laba wariye oo dhanka baaritaanka "investigative" oo la yiraahdo Peter Wolfson & Greta Backstrom,waxay ka hawl galaan sida qoraalka uu sheegayo magaalooyinka NAIROBI iyo STOCKHOLM,qoraalka waa mid aad u dheer oo runtii hal dhinac keliya ka hadlaya,sida caadada ah wariyaha Professionalka ah wuxuu mar walba eegaa labadda dhinac ee arimaha quseyso.

Aqri qoraalka »

RA'IISAL WASAARAHA CUSUB EE SOMALIYA MR HASSAN ALI KHAYRE IYO ARIMAHA MUSUQ-MAASUQA SOMA-OIL "SOLA INVESTIGATES"

On 2/23/2017

7765 Views

Madaxweynaha Somaliya mudane MOHAMED FARMAAJO wuxuu Khamiis 23.2.2017 ku dhawaaqay in uu magacaabo ra'iisal wasaare cusub oo shacabka Somaliya mudo aad u dheer ah ay sugayeen,Mr HASSAN ALI KHEYRE waa shaqsi dhalinyaro ah isla markaa qurba joog ah oo haysta dhalashada NORWAY,shaqo siyaasadeed ama xafiis dowlad weli xil kama soo qaban,wuxuu shaqooyin kala duwan ka soo kala qabtay xafiisyada qaxootiga Somalida Norway iyo isagoo ahaa maamulaha Afrika ee shirkada SOM-GAS oo waqti dheer batrool ka baaraysay wadanka Somaliya,runtii Somalida aad ayay ula dhaceen doorashada shaqsigaan dhalinta yar ee ka duwan dadkii hore loogu bartay in ay Somaliya xakumaan,waxaa mar walba muhiim ah in fursad la siiyo mas'uulka ku soo biiray dowlada Somaliya,laakiin warbaahinta madaxa banaan mar walb waa in ay soo ogaataa taariikh nololeedka shaqsiga lagu aaminay maamulka wasaaradaha Somaliya.

Aqri qoraalka »

DUTCH WOMAN WITH TWO BRITISH CHILDREN TOLD TO LEAVE UK AFTER 24 YEARS

On 12/30/2016

3911 Views

A Dutch woman who has lived in the UK for 24 years, and has two children with her British husband, has been told by the Home Office that she should make arrangements to leave the country after she applied for citizenship after the EU referendum.

Aqri qoraalka »

DOORASHADA SOMALILAND IYO FAKE NEWS ! SOLA INVESTIGATES

On 12/26/2016

8033 Views

Doorashada dib u dhacday oo lagu wado in la qabto 2017 ee Somaliland waxaa lagu arkay waxyaabo cusub oo iminka siyaasadaha aduunka ku soo batay,waxaa la xaqiijiyay in madaxweynaha la doortay ee Mareykanka DONALND TRUMP uu guusha ku helay FAKE NEWS ama WAR BEEN ABUUR AH,taasoo inta badan dadka aqoontooda ay yartahay si fudud ku aamini kara,waxaa soo batay FAKE NEWS oo inta badan lagu arko baraha SOCIAL MEDIA,iyadoo xiliyadan dambe laga gudbay warbaahintii hore ee jaraa'idyada,TVyada iyo Radio,arimahan waxay saameyn xoog leh ku yeesheen sida aqbaaraha loo helo waqti walba,waa 24 hours news,dhowr maalmood ka hor wasiirka arimaha dibada ee Pakistaan Khawaja Muhammad Asif ayaa jawaab uu ku bixiyey barta TWITTER ku qoray in PAKISTAAN ay u isticmaali doonto hubka Nukliyeerka ah wadanka Israa'iil,taasoo markii dambe la xaqiijiyay in ay ahayd FAKE NEWS ama aqbaaraadka aan sal iyo raadka lahayn.

Aqri qoraalka »

SHAQSIGA GABDHAHA SOOMAALIYEED SAWIRADOODA SHABAKADO U SAMEYSTAY KUNA FADEEXEEYA "SPECIAL REPORTS"

On 12/1/2015

9472 Views

kamShantii sano ee ugu dambeysay waxaa baraha INTERNETKA ku soo batay shabakado raqiis ah oo loogu tala galay in GOOGLE looga lacageysto,iyagoo shaqo ka dhigtay in wax dhaqanka ISLAAMKA iyo kan SOMALIDA ka baxsan ay ku soo qoraan,waxay isla markaa isticmaalaan SAWIRRO ay si tuugnimo ah uga xadeen gabdho Somaliyeed,waxyaabaha ay soo qorayaan aan shaqo ku lahayn,iyadoo arimahan ay ku dhaqaaqeen keentay dhibaatooyin fara badan oo soo gaarta gabdhaha sawiradooda la xaday iyo qoysaskooda.

Aqri qoraalka »