Information for Community and Investigation

QORAALKA XIISAHA BADAN EE ARIMAHA GEESKA AFRIKA UU QORAY CC SHAKUUR MALA SOO TARJUMAY MISE WAA ORIGINAL? SOLA INVESTIGATES!

On 11/15/2018

8907 Views

Qoraal aad u xiiso badan oo ka hadlaya xaaladaha isbedelaya ee arimaha geeska Afrika oo lagu faafiyay shabakadaha iyo baraha bulshada oo uu qoray siyaasi ABDIRAXMAAN ABDISHAKUUR ayaan si xiiso leh u aqriyay, runtii waxaan ku tilmaami karaa in uu ahaa mid si hufan oo baaritaan dheer ay ku jirto loo qoray, isagoo warbixin falanqeyn iyo nuxur leh uu ka bixiyay, laakiin markii aan dhameeyay waxaan maskaxdeyda ka bixi weyday meeshii aan ku arkay qeybo ka mid ah qoraalkan!, sidaa awgeed ayaan isku dayey in aan baaritaan ku sameeyo meesha uu ka yimid qoraalkan xiisaha badan.

Aqri qoraalka »

SHAQSIGII SAWIRADA QARSOODIGA AH KA QAADAY FAHAD YAASIIN IYO QAABKA LOO OGAADAY “SOLA INVESTIGATES”

On 9/26/2018

8353 Views

 

Baraha bulshada ama Social media wuxuu isu bedelay goob qof walba uu doonayo in shaqsi kale uu is yiraahdo ku fadeexee, taasoo mararka qaar u keeni karta qofka is lahaa dhibaato gaarsii cid kale ay isaga ku soo laabato, shabakada SolaPortal waxay baaritaan ku sameysay arin dadkii aqriyay ay aad ula fajaceen taasoo ka dhacday 35000 ft ama diyaarad hawada ku jirto oo sawiro si qarsoodi ah looga qaaday Fahad Yaasiin oo ahaa ah taliye ku xigeenka hay'ada nabadsugida Somaliya "NISA", taasoo sababtay in shaqsiyo ay xabsi, musaafurin iyo shaqo lumis ay ku muteystaan.

Aqri qoraalka »

WARBIXINTII MICHAEL KEATING EE QARAMADA MIDOOBAY "UN" IYO XAALADA SOMALIYA AY KU SUGAN TAHAY, ENGLISH IYO SOMALI.

On 9/14/2018

6120 Views

Shabakada SolaPortal waxay idin soo bandhigeysaa warbixnta guud ee MICHAEL KEATING uu u gudbiyay QARAMADA MIDOOBAY oo ku saabsan xaalada guud ee Somaliya iyo isbedeladii dhacay tan iyo intii loo doortay in uu noqdo ergeyga qaaska ah ee Somaliya u qaabilsan qaramada midoobay, Mr KEATING oo bilaabay shaqadan JANAAYO 2016 ayaa wuxuu si faah-faahsan ugu qeexay fadhigii qaramada mdoobay ee arimaha Somaliya 13 SPETEMBER 2018, SolaPortal waxay idin soo bandhigeysaa iyadoo SOMALI aan ku tarjunay iyo kan INGIIRSKA oo ah warbixintii uu gudbiyay.

Aqri qoraalka »

MAXAA KA JIRA CODKA SIRTA AH EE LA YIRI WAXAA LAGA DUUBAY XUSEEN SHIRE? SOLA INVESTIGATES!

On 9/11/2018

10293 Views

Shabakadaha farahabadan iyo baraha bulshada uu leeyahay Gudoomiyaha ELECTRONIC ISBAARO DAHIR CALLASOW ayaa waxaa lagu arkay arin dad aad u farabadan ay la yaabeen, ka dib markii uu yiri waxaan soo bandhigay COD SIR ah oo laga duubay ABWAAN XUSEEN SHIRE isagoo la telefoon kula hadlaya gabar Somaliyeed oo sawirkeeda uu dul saaray, iyadoo dadka aqrista ama daawada CALLASOW inta badan aan rumeysan wuxuu soo geliyo barihiisa bulshada ee farabadan ayaa shabakada SOLAPORTAL waxay idin soo bandhigeysaa baaritaan dheer oo ay ku sameysay siday wax u jiraan iyo maxaa ku qasbay CALLASOW in uu isku dayo FADEEXAYNTA shaqsi ay aad isugu dhoweeyaan waqti aad u dheer.

Aqri qoraalka »

QAABKEE LOO ADKEEYAA FACEBOOK SI AAN LOO JABSAN?

On 9/1/2018

5952 Views

Shabakada SolaPortal waxay idin soo bandhigeysaa qaabka ugu fudud ee looga hortago jabsiga Facebook, waxaa baraha bulshada ku soo batay jabsiga Social media oo Facebook ugu horeeyo, tusaale ahaan maalintii waxaa laga yaabaa in dhowr jeer aad ka soo kala geshid Computerkaga guriga yaala, laptopka, telefoonka gacanta ama Computerka shaqada oo laga yaabo mararka qaarkood in aad ilowdid oo aadan oran LOGOUT,qaabka iyo sawirada la socda qoraalka hadii aad raacdid waxaa hubaal ah in aad ka hortegi kartid jabsiga ama la wareegida FACEBOOK.

Aqri qoraalka »

CALI YARE CALI IYO FARIIMAHA SOCIAL MEDIYAHA EE BAASBOORADA FAHAD YAASIIN MAXAA KA JIRA? SOLA INVESTIGATES!

On 8/22/2018

7443 Views

Maalmihii la soo dhaafay waxaa lagu arkay baraha bulshada fariimo ay la socdaan sawirro dukumentiyo kala duwan oo uu leeyahay Agaasimhii hore ee madaxtooyada Mr Fahad Yasin, waxay isugu jireen Baasboor Somali, Kenyati iyo macluumaado kale oo u qaas ah taliye ku xigeenka nabad sugida Somaliya, arimahaan waxaa ka hadlay warbaahinta Somaliya iyo kuwa Kenya, iyadoo la sheegay in baaritaano kala duwan ay socdaan si loo ogaado yaa ka dambeeyay in dukumentiyadan qaaska ah la faafiyo isla markaana la ogaado sababta uu Mr Fahad Yasin ku qaatay Baasboor Kenyati ah isagoo xilal muhiim ah ka haya Somaliya.

Aqri qoraalka »

WARAAQDA BEEN ABUURKA AH EE MADAXWEYNAHA PUNTLAND LAGA SAMEEYEY IYO DACWADA BADDA SOMALIA IYO KENYA "SOLA INVESTIGATES"

On 5/18/2018

3559 Views


    gas

Sida aan la wada socono maalintii ISNIINTA 13.7.2015 Somaliya waxay maxkamada caalamiga ah ee garsoorka u gudbisay dacwadd ka dhan ah wadanka Kenya,taasoo ay isku mari waayeen  xuduudd badeedaka ay wadaagaan labadan dal ee Somalia iyo Kenya,arimahan oo socday  waqti aad u dheer ayaa lagu wadaa in go,aanka uu soo bixi doono markii labada dhinac ee is haysta arimahooda la wada maqlo.

Aqri qoraalka »

DP WORLD IYO DEKADAHA GEESKA AFRIKA! SOLA INVESTIGATES

On 3/10/2018

5220 Views

Shirkada weyn ee DUBAI PORT WORLD "DP WORLD" oo laga leeyahay Imaaraadka Dubai ayaa ka hawl gasha 77 dekadood iyo 40 wadan oo qaaradaha aduunka ku kala yaala,shirkadan baaxada weyn leh waxaa la dhisay sanadkii 2005, iyadoo ay ku biireen DPA "Dubai Ports Authority iyo DPI "Dubai Ports International oo dhidibada loo taagay sanadkii 2009. Waxay sanadkii 2006 iibsatay shirkada P&O Group ee wadanka boqortooyada UK. Isla sanadkaa waxay isku dayeen in ay la wareegaan dekadaha ku kala yaala Bariga iyo Galbeedka wadanka Mareykanka iyagoo aan ku guuleysan ka dib markii aqalka sare ee baarlamaanka Mareykanka uu ku gacan sayray.

 

Aqri qoraalka »

FAKE NEWS IYO WARBAAHINTA SOMALIDA! SOLA INVESTIGATES

On 2/23/2018

5094 Views

Wasiirkii dowlada NAZI ga Jarmalka u qaabilsanaa arimaha dacaayadaha Joseph Goennels wuxuu yiri "“If you tell a lie big enough and keep repeating it, people will eventually come to believe it" kaasoo hadii la fasiro u dhow " hadii aad sheegto been aad u weyn oo marar badan aad ku cel-celisid, ugu dambeyn dadku way aaminayaan", saa awgeed ayaa sanadadii ugu dambeysay waxaa warbaahinta nooc walba ah ku soo kordhay wararka been abuurka ah ama FAKE NEWS, kuwaasoo loo isticmaalo nooc walba oo warbaahin ah, hadii ay ahaan lahayd TV, JARAA'IDYADA iyo SOCIAL MEDIA. Warbaahinta Somalida ayaa ku biirtay isla markaana maalin walba soo bandhigta waxyaabo si fudud looga dhaadhicyo bulshada ku xiran warbaahinta.

Aqri qoraalka »

DIGITAL CURRENCY FOR DUMMIES! SOLA EXPLAINS! UPDATED 27.12.2017

On 10/31/2017

5141 Views

Sanadkii 2008 ilaa iyo waqtiga iminka lagu jiro waxaa laga maqlaa warbaahinta aduunka lacagahan cusub ee loo yaqaan DIGITAL MONEY, VIRTUAL CURRENCY ama CRYPTO CURRECY oo qaabka loo abuuray iyo cida ka dambeysa aan weli la ogayn,waa lacag VIRTUAL ah oo aan la arki karin ,la taaban karin,la urin karin isla markaana ah xisaabaadka loo yaqaan DIGITAL. DIGITAL CURRENCY waxay u kala baxdaa dhow boqol oo kala nooc ah,kan ugu caansan waa BITCOIN oo uu alifay shaqsi loo yaqaan SATOSHI NAKAMOTO oo ilaa iminka aan la aqoon qofka uu yahay iyo meesha uu ku nool yahay.

Aqri qoraalka »