Information for Community and Investigation

DP WORLD IYO DEKADAHA GEESKA AFRIKA! SOLA INVESTIGATES

On 3/10/2018 (IST)

 

Shirkada weyn ee DUBAI PORT WORLD "DP WORLD" oo laga leeyahay Imaaraadka Dubai ayaa ka hawl gasha 77 dekadood iyo 40 wadan oo qaaradaha aduunka ku kala yaala,shirkadan baaxada weyn leh waxaa la dhisay sanadkii 2005, iyadoo ay ku biireen DPA "Dubai Ports Authority iyo DPI "Dubai Ports International oo dhidibada loo taagay sanadkii 2009. Waxay sanadkii 2006 iibsatay shirkada P&O Group ee wadanka boqortooyada UK. Isla sanadkaa waxay isku dayeen in ay la wareegaan dekadaha ku kala yaala Bariga iyo Galbeedka wadanka Mareykanka iyagoo aan ku guuleysan ka dib markii aqalka sare ee baarlamaanka Mareykanka uu ku gacan sayray.

 

DP WORLD waxay sanadkii 2006 la saxiixatay isla markaana ay furtay 2009 kii dekada DP World’s Doraleh container terminal oo ku taal cirifka koofureed ee bada cas,kaasoo DP WORLD iyo JABUUTI ay ku heshiiyeen in DP WORLD ay maamusho mudo 30 sano ah.

Sanadkii 2012 waxaa soo dhex galay xarguf aad u weyn DP WORLD iyo dowlada Jabuuti, iyagoo ku eeday in Abdirahamn Boreh oo ah ganacsade reer Jabuuti degana magaalada Dubai isla markaana ahaan jiray madaxa Dekadaha iyo goobaha canshuur xorta "Free Zone" ee Jabuuti intii u dhexeysay 2003 ilaa 2008 lagu eeday in uu si sharci dara ah uga faa'iiday qaabkii loo saxiixay heshiiska.

2014 dowlada Jabuuti waxay DP WORLD mar labaad ku dacweysay Maxkamada dhex-dhexaadinta London "London Court of International Arbitration", iyadoo labada jeerba looga guuleystay dowlada Jabuuti.

Sida la ogyahay saamiga dekada BORALEH wuxuu ahaa 67% Jabuuti iyo 33% DP WORLD,iyadoo maareeynta dekada ay gebi ahaan gacanta ugu jirtay DP WORLD.

23.2.2018 wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Jabuuti ayaa xaqiijisay in ay si toos ah ula wareegeen maamulkii Dekada Boraleh, taasoo walaac aad u weyn ay ka muujiyeen dowlada Dubai oo ah milkiilaha DP WORLD.

Ma ahan markii ugu horeysay oo DP WORLD ay lumiso dekad ku taala gacanka cadmeed iyo bada cas, sanadkii 2012 waxay joojisay heshiis 30 sano ah oo ay la gashay dowlada Yemen si ay u maamusho dekada CADAN oo uu u saxiixay madaxweynihii hore ee Yemen CALI CABDALLA SAALAX, heshiiskaa wuxuu shaqeeyay oo keliya mudo 4 sano ah.

DP World signed a 30-year concession agreement to manage the Port of Berbera in May 2016. In September 2017, the port recorded a 40 per cent year-on-year increase in container volumes – the highest total volumes in the port’s history.

DP WORLD waxay heshiis 30 sano ah la saxiixday SOMALILAND bishii Maajo 2016, bishii September 2017, dekada Berbera ganacsigeeda waxaa ku kordhay boqolkiiba afartan, kaasoo ahaa kii ugu weynaa ee taariikhda dekada.

Heshiiska DP WORLD iyo SOMALILAND wuxuu ahaa mid waqti hore bilowday, 2017 dii  jaraa'idka ganacsiga ee BLOOMBERG ayaa JUUNYO 2017 qoraal aad u dheer ka qoray isla markaan soo hadal qaaday in ITOOBIYA ay doonayso saami ay ku yeelato dekada BERBERA.

Muranka ugu weyn ee arimaha dekada BERBERA waxay bilowdeen markii la saxiixay heshiiska seddex geesoodka ah ee SOMALILAND - ITOOBIYA iyo DP WORLD kaasoo ka dhacay magaalada DUBAI oo ah xarunta DP WORLD, qaabka heshiiska oo ahaa in SAAMIGA ugu badan ay yeelato DP WORLD kaasoo ah 51%, Itoobiya 19% iyo SOMALILAND oo ay u soo hartay 30%

Xiliga saxiixa uu dhacay waxaa ku sugnaa caasimada UAE magaalada ABU DHABI, ra'iisal wasaaraha Somalia Mr HASSAN ALI KHEYRE oo gebi ahaan sida la soo wariyay aan ka warqabin siday wax u dhaceen.

Dowlada Somaliya ayaa go'aan aad u adag ka soo saartay heshiiska seddex geeska ah, iyagoo ku tilmaamay in uu yahay mid sharci daro ah oo wax u dhimaya heshiisyada caalamiga ah iyo kuwa nabada wadamada deriska ah.

 

Hadalka ka soo yeeray dowlada Somaliya waxaa si kulul uga jawaabay Madaxa guud ee DP WORLD Sultan Ahmed Bin Sulayman oo ku tilmaamay in Somaliland ay tahay wadan madax banaan oo baarlamaankooda ay go'aankan si wadajir ah u gaareen, waxba nagama gelin hadaladan ka soo yeeray SOMALIYA, wax ay ka qaban karaan haba yaraatee ma jirto ayuu yiri.

Dowlada Somaliya ayaa dacwad u gudbisay jaamacada Carabta oo shir uga socday xaruntooda magaalada QAAHIRA, iyagoo ku tilmaamay arintan ay Dowlada DUBAI ay ku dhaqaaday in ay tahay mid carqalad ku ah jiritaanka iyo midnimada qaranka Somaliyeed.

Madaxweynaha Somaliland Mr Muse Bihi ayaa ku tilmaamay hadalka ka soo yeeray Mr Khaire in uu yahay "declaration of war" ama mid dagaal raadis ah, madaxweyne Bihi oo ka hadlay xaflada maalinta haweenka aduunka oo lagu qabtay magaalada Hargeysa ayaa yiri, xoriyadeena waxaan ku helnay dhiiga kumaan kun caruur Somaliland ah, iyadoo hadalka ka soo yeeray Kheyre uu yahay mid lagu wiiqayo xoriyada Somaliland.

Jaraa'idyada aduunka ayaa si aad ah u hadal haya arimaha ganacsiga iyo siyaasada oo ay ku loolamayaan TURKIDA iyo IMAARAADKA CARABTA oo laga yaabo in dagaalo si lama filaan ay uga dhex qarxaan xulafada Qaliijka iyo kuwa ka soo horjeeda, taasoo dhibaato aad u weyn u keeni doonta dadka ku nool mandaqada geeska Afrika.

Ugu dambeyn waxaan idinla wadaagayaa DUKUMENTI MIDOWGA YURUB ay ka qoreen arimaha dekada BERBERA oo la diyaariyay sanadkii 2003.

Halkan ka DOWNLOAD GAREE

 

Qore: Abdinasir Ismail "SOLA"

Investigative Journalist

 La xiriir: solaportal@gmail.com