Information for Community and Investigation

WARAAQDA BEEN ABUURKA AH EE MADAXWEYNAHA PUNTLAND LAGA SAMEEYEY IYO DACWADA BADDA SOMALIA IYO KENYA "SOLA INVESTIGATES"

On 5/18/2018 (IST)


    gasSida aan la wada socono maalintii ISNIINTA 13.7.2015 Somaliya waxay maxkamada caalamiga ah ee garsoorka u gudbisay dacwadd ka dhan ah wadanka Kenya,taasoo ay isku mari waayeen  xuduudd badeedaka ay wadaagaan labadan dal ee Somalia iyo Kenya,arimahan oo socday  waqti aad u dheer ayaa lagu wadaa in go,aanka uu soo bixi doono markii labada dhinac ee is haysta arimahooda la wada maqlo.


   


    Hadaba iyadoo arimahan aan kor ku soo xusnay ay jiraan ayaa waxaa lagu arkay baraha SOCIAL MEDIA iyo shabakadaha Somalida ay leeyihiin waraaq BEEN abuur ah oo laga sameeyay Madaxweynaha PUNTLAND STATE OF SOMALIA Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas,iyadoo la yiri wuxuu waraaq  taageero ah u diray Madaxweynaha Kenya Mudane Uhuru Kenyatta,isagoo ku taageeraya dacwadan ay Somalia u gudbisay maxkamada ku taala magaalada HAGUE wadanka HOLLAND.


Hadii aad eegtaan sawirka hoose waxaan ku aragnaa waraaqda BEEN ABUURKA ah ee laga sameeyay Madaxweynaha PUNTLAND:


Sidaan ku aragno waxaa lagu soo qoray INGIRIIS NAXWIHIISA uu aad u liito,iyadoo la isticmaalay waraaq JAALE/YELLOW ah.


 Iminka aan isla eegno inta qalad ee aan ku aragnay waraaqdan BUGTA ah, tan iyo intii aan baarista ku wadnay.
   


  1- Taariikhda waraaqda la qoray eeg: 18 AGOOSTO 2014,dacwada waxaa la furay ISNIIN 13.2015, tabcan arimahan waqti hore ayey bilowdeen,maxaa keenay in iminka la soo geliyo barta FACEBOOK iyo SHABAKADAHA?


  2- BOROTOCOLKA ma dhigayo in REFRENCE xafiis Madaxweyne laga soo isticmaalo,eeg sawirka hoose sida xafiisyada dowlada ay waraaqaha u qoraan:

   

 

  3- SUBJECT: waxaa ku qoran IN SUPPORT - taasoo aan ahayn mid FORMAL ah oo loo diri karo HEAD OF STATE ama Madaxweyne wadan,Subject waxaa loo isticmaala waxyaabaha ganacsiga iwm.


4-5 Saxiixa madaxweynaha iyo magaciisa si fiican u eeg! waxa hoos yaala LABA SAWIR - SAXIIX sax ah iyo mid been abuur ah:

 


  Iminka aan isla eegno shaqsiga waraaqda BEENTA ah soo qoray,isagoo isku dayey in uu isticmaalo PHOTOSHOP,laakiin aqoontiisa ay aad u yar tahay:

WARAAQ -1

   

WARAAQ -2  Xiliga lagu sameeyay PHOTOSHOP oo aan qoraalka Ingiriiska ee NAXWIHIISA qalafsan aan la gelin!
   


  Iminka wixii aan doono ayaan ku qori karaa,bal eega sawirka hoose!
   


Waraaqaha SAXA ah ee ka soo baxa xafiiska Madaxweynaha, waxay u qoran yihiin qaab ka duwan kuwa been abuurka ah,iyadoo shaqsiga soo qora aan baaritaan dheer sameyn,ujeedadiisa waa BEEN ABUUR iyo NACAYB,taasoo aanu gelin waqti aad u dheer, waxaana hore loo yiri BEEN BADAN SHEEG,RUN AYAY ISU BEDELI,waxyaabaha iigu yaabka badnaa xiligii aan baarista waday waa BARTA FACEBOOKoo dad qaarkood ay aamineen waraaq YELLOW OFFICIAL AH.

Sawirka hoose waa mid ka mid ah waraaqaha rasmiga ah ee ka soo baxa MADAXTOOYADA SOMALI STATE OF PUNTLAND.

 Ugu dambeyn si aan u fahamno nuxurka qoraalka, eega sawirka hoose ee BADDA ay SOMALIYA iyo KENYA ay isku haystaan.
   

Qore: Abdinasir Ismail "SOLA"

Wixii macluumaad ah fadlan la xiriir EMAILKA HOOSE:

solaportal@gmail.com