Information for Community and Investigation

SHAQSIGII SAWIRADA QARSOODIGA AH KA QAADAY FAHAD YAASIIN IYO QAABKA LOO OGAADAY “SOLA INVESTIGATES”

On 9/26/2018 (IST)

Baraha bulshada ama Social media wuxuu isu bedelay goob qof walba uu doonayo in shaqsi kale uu is yiraahdo ku fadeexee, taasoo mararka qaar u keeni karta qofka is lahaa dhibaato gaarsii cid kale ay isaga ku soo laabato, shabakada SolaPortal waxay baaritaan ku sameysay arin dadkii aqriyay ay aad ula fajaceen taasoo ka dhacday 35000 ft ama diyaarad hawada ku jirta oo sawiro si qarsoodi ah looga qaaday Fahad Yaasiin oo ahaa ah taliye ku xigeenka hay'ada nabadsugida Somaliya "NISA", taasoo sababtay in shaqsiyo ay xabsi, musaafurin iyo shaqo lumis ay ku muteystaan.

Ugu horeyn agaasimaha iyo shaqaalihiisa waxay safar shaqo uga soo duuleen caasimada QADAR ee DOHA maalintii jimcaha ee 21.9.2018, iyagoo ku sii socda magaalada NAIROBi ee dalka KENYA.

Waqtiga duulista DOHA iyo NAIROBI waa 5 saac iyo 40 ama 50 daqiiqo, iyadoo QATAR AIRWAYS ka wareegta wadamada qaliijka ee xiriirka u jaray.

Shabakada SolaPortal waxay sawirada Mr Fahad Yaasiin iyo shaqaalihiisa laga qaaday ay soo gaareen JIMCO 21.9.2018 18:07 SOMALIA TIME, iyadoo aan ka helnay SOURCES shabakada si toos ah ula shaqeeya oo ku nool qurbaha.

Diyaarada QATAR AIRWAYS FLIGHT QR1345 ee taliye ku xigeenka uu saarnaa waxay DOHA HAMAD INTERNATIONAL ka soo duushay 17:25 waqtiga DOHA, "waxaa xusuus mudan in QATAR iyo SOMALIYA xilligan ay isku waqti yihiin"

Shabakada SolaPortal waxay heshay sawirada sida qarsoodiga ah looga qaaday taliyaha saacadu markay ahayd 18:07 oo ahayd waqti diyaarada ay 42 daqiiqo hawada ku jirtay, waxay dul maraysay gacanka beershiya.

Sawirada aan helnay waa kuwa hoose oo ay ku wada jiraan Mr Fahad Yaasiin iyo shaqaalihiisa oo si qarsoodi ah looga qaaday.

Waa ayo shaqsiga qaaday sawiradan iyo maxay ahayd danta uu ka lahaa?. Magaciisa waa Nabouru Fernandes wuxuu u dhashay wadanka BRAZIL, waa 4i jir u shaqeeya inta aan shaqada laga ruqsayn xafiiska MICHAEL KEATING ee QARAMADA MIDOOBAY, wuxuu u qaabilsanaa safarada diyaaradaha UN ka ee SOMALIYA iyo BARIGGA AFRIKA.

Sida aad ku aragtaan sawirka dusha wuxuu ahaa shaqsi BARIIGA AFRIKA ku noolaa waqti aad u dheer, isagoo ka cusbooneysiiyay BAASBOORKIISA safaarada BRAZIL ee ku taala caasimada KENYA sanadkii 2016.

Shabakada SolaPortal ayaa si toos ah ula xiriirtay shaqsi la shaqeeya taliyaha oo saarnaa diyaarada, isagoo ay la noqotay AMAKAAG iyo JAHA WAREER,waayo waxay filan waayeen sida sawirada looga qaaday iyo cida ka dambeysay, iyadoo aan eegnay KURISGA sawirka laga qaaday oo ahaa mid aan ka fogayn taliyaha ayaa waxaa u suura gashay in Mr Nabouru Fernandes oo buste isku daboolaya si fudud loo qabto isla markaana ay heleen telefoonkii uu sawirad sharci darada ah uu ku qaaday, Mr Nabouru Fernandes waxaa lagu dhex xiray diyaarada oo iminka hawada ku jirta mudo 1 saac iyo bar ah.

FLIGHRADAR24.COM waa shabakad si toos ah looga daawan karo diyaarad walba oo hawada ku jirta, aad ayay u fududayd in la ogaato meesha ay hawada ka marayaan.

 

Nabouru Fernandes markii diyaarada lagu dhex wareystay wuxuu qirtay in sawirada uu u gudbiyay shaqsi ay asxaab yihiin isla markaana ay isla shaqeeyaan oo SOMALI ah, kaasoo la yiraahdo Mr NUURADIIN DIIRIYE, isagoo u gudbiyay asxaabtiisa reer YURUB ee shabakadaha iyo BARAHA BULSHADA ku qaraabta.

Diyaaradii QATAR AIRWAYS FLIGHT QR1345 Flight waxay soo caga dhigatay garoonka diyaaradaha ee Jomo Kenyatta saacadu markay ahayd 23:27, waxaa albaabka diyaarada uga horyimid BOOLIISKA KENYA oo isla markiiba jeebad ku dhuftay, shaqsigan ayaa isla markiiba waxaa loo gudbiyay waaxda dembi baarista garoonka Jomo Kenyatta si loo ogaado dembiyada DUULISTA "AVAITION" uu galay.

QATAR AIRWAYS mamnuuc ayay ka tahay in SAWIR aad ka qaadid shaqsi adigoon ogoloaasho ka haysan.

Muuqaalka hoose waxaad ku aragtaan Mr Nabouru Fernandes oo welwel uu ka muuqdo xilligii la soo qabtay.

Mr Nabouru Fernandes iyo Nuuradiin Diiriye ayaa shaqadii ay u hayeen UN ka laga fadhiisiyay, Mr Nabouru Fernandes waxaa laga masaafuriyay wadanka KENYA iyadoo QATAR AIRWAYS ay ka mamnuucday gebi ahaan in aanu raaci karin diyaaradahooda abid.

Arintan ayaa imaneysa waqti SOMALIDA isticmaasha baraha bulshada ay ku soo badanayaan shaqsiyaad kooban oo ku shaqeysa WARARKA FADEEXADA iyo BEEN ABUURKA ee loo yaqaan FAKE NEWS, arimahaan oo wadamo badan aduunka ah ay u arkaan halis aad u weyn oo wax ka bedeshay hab dhaqanka warbaahinta iyo xiriirka bulshada.

Ugu dambeyn shaqsiyaadkaan shaqa gabka noqday waxay ahaayeen dad nolol aad u fiican haysta oo lacag kumaan kun oo dollar bishii qaata, waxaa nasiib xumo ah in ay noloshooda ugu baabi'iyeen dad aan waxba u tari karin oo QAXOOTI ku ah YURUB.

 

SOLAPORTAL YOUTUBE RIIX HALKAN

 

Qore: Abdinasir Ismail "SOLA"

Investigative Journalist

La xiriir: solaportal@gmail.com