Information for Community and Investigation

QORAALKA XIISAHA BADAN EE ARIMAHA GEESKA AFRIKA UU QORAY CC SHAKUUR MALA SOO TARJUMAY MISE WAA ORIGINAL? SOLA INVESTIGATES!

On 11/15/2018 (IST)

Qoraal aad u xiiso badan oo ka hadlaya xaaladaha isbedelaya ee arimaha geeska Afrika oo lagu faafiyay shabakadaha iyo baraha bulshada oo uu qoray siyaasi ABDIRAXMAAN ABDISHAKUUR ayaan si xiiso leh u aqriyay, runtii waxaan ku tilmaami karaa in uu ahaa mid si hufan oo baaritaan dheer ay ku jirto loo qoray, isagoo warbixin falanqeyn iyo nuxur leh uu ka bixiyay, laakiin markii aan dhameeyay waxaan maskaxdeyda ka bixi weyday meeshii aan ku arkay qeybo ka mid ah qoraalkan!, sidaa awgeed ayaan isku dayey in aan baaritaan ku sameeyo meesha uu ka yimid qoraalkan xiisaha badan.

Qoraalka oo buuxa waxaan ka aqriyay shabakada BLOGA ah ee http://aawarsame.so/Blog/innaga-iyo-itoobiya/ oo aad ka aqrin kartaan, waxaa kale oo CC SHAKUUR uu soo geliyay bartiisa FACEBOOK iyo shabakado kale oo farabadan.


René Lefort has been writing about sub-saharan Africa since the 1970s and has reported on the region for Le Monde, Le Monde diplomatique, Libération, Le Nouvel Observateur.

Iminka aan isla eegno qoraal uu diyaariyay René Lefort oo ah shaqsi wax ka qora arimaha geeska Afrika 40kii sano ee ugu dambeeyay, wuxuu inta badan qoraaladiisa soo dhigaa shabakada weyn ee OPEN DEMOCRACY, qoraal uu soo dhigay 21-Oktoobar-2018 oo magaciisa uu ahaa Ethiopia: climbing Mount Uncertainty wuxuu soo bandhigay isbedelka xawaaraha leh ee ka socda Geeska Afrika, qaas ahaan Itoobiya tan iyo intii la doortay DR ABIY AHMED.

 


 Waxaan iminka isu eegaynaa tan uu diyaariyay René Lefort 21.10.2018 iyo qoraalada CC SHAKUUR ee la qoray 13.NOV.2018,

 


 

 

 


 



Tabcan shabakada SolaPortal.com ma oran CC SHAKUUR wuxuu 1 by 1 u tarjumay dhamaan qoraalka René Lefort laakiin hadii aad isu eegtid kan luuqada Ingiriiska iyo Somaliga waxaad ku arakeysaa in tarjumaad farabadan oo aan REFRENCE lahayn meesha lagu qoray.


 

Hadii loo eego qoraalka ugu dambeeya ee CC SHAKUUR wuxuu aqoonsaday isla markaana uu magacaabay Peter Kagwanja oo qoraal arimahan la xiriira ku qoray jaraa'id ka soo baxa wadanka Kenya, wuxuu yiri:

Maqaal uu daily Nation ku qoray 11-kii November Peter Kagwanja oo ah ninka ay u dhaxdo haweenayda wasiirka arrimaha debedda Kenya Monica Juma ayuu shaki wayn ka muujiyey ujeedka Isbahaysiga . 

Maqaalka uu cinwaan uga dhigay “Resurgent ethnic nationalism shaping geopolitics in the horn” ayuu Peter ku doodayaa in ujeedka Abiy Ahmed uu yahay in uu dhiso (Cushitic Alliance) Isbahaysi Kuushitik ah oo ay sal u yihiin Oromada iyo Soomaalida.


 

Qoraalka dusha oo Ingiriis ah waxaad ka aqrin kartaan LINKIGAN 

Ugu dambeyn waxaa hubaal ah in qoraalada ay meelo badan isaga mid ka yihiin, tabcan magac iyo erayo qaarkood gooni ama UNIQUE ma noqon karaan, sida ETHIOPIA, ABIY AHMED, TPLF, ONLF iwm, laakiin sidaad ku aragtaan qoraalada aan isbarbar dhignay iyo kuwa kale waxaa jira tarjumaadyo si casri ah oo is dhaafis ah loo sameeyay.

 

 

Qore: Abdinasir Ismail "SOLA"

Investigative Journalist

La xiriir: solaportal@gmail.com