Information for Community and Investigation

CALI YARE CALI IYO FARIIMAHA SOCIAL MEDIYAHA EE BAASBOORADA FAHAD YAASIIN MAXAA KA JIRA? SOLA INVESTIGATES!

On 8/22/2018 (IST)

Maalmihii la soo dhaafay waxaa lagu arkay baraha bulshada fariimo ay la socdaan sawirro dukumentiyo kala duwan oo uu leeyahay Agaasimhii hore ee madaxtooyada Mr Fahad Yasin, waxay isugu jireen Baasboor Somali, Kenyati iyo macluumaado kale oo u qaas ah taliye ku xigeenka nabad sugida Somaliya, arimahaan waxaa ka hadlay warbaahinta Somaliya iyo kuwa Kenya, iyadoo la sheegay in baaritaano kala duwan ay socdaan si loo ogaado yaa ka dambeeyay in dukumentiyadan qaaska ah la faafiyo isla markaana la ogaado sababta uu Mr Fahad Yasin ku qaatay Baasboor Kenyati ah isagoo xilal muhiim ah ka haya Somaliya.

Iyadoo baaritaanka uu socdo waxaa WHATSAPP GROUPS lagu faafiyay qoraalo ay weheliyaan sawirro dukumenti ah oo la yiri waxaa faafiyay ALI ABDI WARDHERE "CALI YARE", runtii dadka aan aqoon qaabka ay tiknoolijiyada u shaqeysa isla markiiba waxay is oranayaan arinta lagu eeday CALI YARE waa sax 100%

Qoraalada WHATSPP GROUP ee been abuurka ah waxay ku bilowdeen sidan:


SolaPortal siday ku ogaatay in sawirada dusha ay 100% BEEN ABUUR yihiin?

 

PROFILE PICTURE-KA hoos aad ku aragtaan waxaa laga soo xaday CALI YARE FACEBOOK PROFILE.

 

CALI YARE WHATSAPP PROFILE PICTURE kiisa waa kan hoose.

Sidaa awgeed shaqsiga isku dayay in uu sameeyo FAKE WHATSAPP MESSAGE ma sameyn baaritaan ama RESEARCH fiican oo BEEN RUN ka dhigi lahaa!.

Shaqsigaan wuxuu rabay oo keliya in BEENTIISA la rumeysto isla markaana uu ku dhibaateeyo CALI YARE CALI.

Su'aasha meesha taala waa qaabkee loo sameeyay BEEN ABUURKAN?

Waxaa laga dhex sameeyay APPKA la yiraahdo WhatsFake Pro Create Fake Chat - iyo shabakada caanka ah ee WHATSAPP FAKE CHAT

Qaabka loo sameeyo aad ayay u fududahay oo wax SKILLS ama GARASHO ah uma baahna, waa FORM la buuxiyo oo sawir iyo qoraal wixii la doono la gelin karo.

Iminka waxaan diyaarinaynaa FORM WHATSAPP FAKE ama BEEN ABUUR ah.

Qaabka kale ee FACEBOOK MESSENGER looga been abuuro waxaan ka sameynay cashar VIDEO ah oo YOUTUBE ku jira, HOOS KA DAAWO:

Afarta sawir ee hoose isu fiiri waxaan ka helnay qaladaad aad u farabadan oo hadii aad isu eegtaan si fudud aad ku fahmi kartaan.


Ugu dambeyn shabakada SolaPortal waxay idin soo bandhigi doontaa inshallah shaqsiga ka dambeeya BEEN ABUURKAN Amateurka ah oo aan aqoon qaabka loo sameeyo PROFESSIONAL WHATSAPP CHAT, ma ahan markii ugu horeysay oo aan soo bandhigno arimo noocaan oo kale ah, dhowr sano ka hor FACEBOOK CHAT FAKE ah ayaa baaritaan dheer ku sameynay.

FAKE FACEBOOK CHAT LAGA SAMEEYAY MR DURAN FARAH - RIIX LINKIGAN

Qore: Abdinasir Ismail "SOLA"

Investigative Journalist

La xiriir: solaportal@gmail.com