Information for Community and Investigation

MUQDISHO CAASIMAD MA U QALANTAA? QORAALKII FAHAD YAASIIN EE 2003

On 4/12/2019 (IST)

Qoraal aad u xiiso badan ayaa lagu daabacay shabakada SOMALITALK.COM sanadkii 2003 bishii Febraayo,kaasoo TITLE looga dhigay MUQDISHO CAASIMAD MA U QALANTAA? qoraalkan waxaa ku saxiixnaa EDITORKA oo ahaa Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo sanadadii ugu dambeeyay ahaa shaqsi siyaasada Somaliya mug weyn ku leh oo qabtay jagooyin muhiim ah, qoraalkan wuxuu ka hadlayaa waxyaabihii ka dhacay caasimada Somaliya xilliyadii kala duwanaa ee dagaalka sokeeye iyo dadkii magaca ku yeeshay.


 Qoraalka FAHAD YASIN ee SOMALITALK wuxuu ku bilowday sidan.

Muqidisho waa halkii aan ku barbaaray ee aan wali jeclahay Laakiin! Muqdisho waa meeshii khaddii u horeesay aan ku riiqday Laakiin! Muqdisho waa goobta kaliya ee aad ka heli karto Isbarmuuto inta hortaada lagu shiido misana lagaa siiyo $0.02 wax u dhigma Laakiin! Muqdisho waa magaalo baddii ay ku taal adoo wabigiina kuu jiro wax ka yar 30.KM Laakiin! Muqdisho waa Caasimaddii Soomaaliya laga soo bilaabo tan iyo kolkii xorriyada la qaatay ilaa burburkii Soomaaliya 91.kii, Laakiin! Muqdisho waa halkii ay ku taalay Jaamacaddii Umadda Soomaaliyeed ee ah xaruntii ay ka soo qalin jabiyeen inta badan Aqoonyahanka ay maanta Soomaali la soo shir tagto, HADDIIBA LALA SOO SHIR TAGI LAHAA. Laakiin. Muqdisho waa goobaha aan ugu jeclahay Soomaaliya inaan ku noolaado waana dareen ay dad badan oo Soomaali ahi qabaan.Laakiin. Muqdisho haddii ay saas tahay maxaan laakiin-ta u gashay? Ma u qalantaa Caasimad Soomaaliyeed maxaan isu weydiiyey? Horta Muqdisho ma is badashay? Muqdisho Siyaasad ah! aan maka liidataa Soomaaliya inteeda kale? Muqdisho ma tahay Muqdishadii 91.kii aad ku ogayd?

Si aan uga jawaabo Su’aasha ah Muqdisho Caasimad ma u qalantaa? Waxaan bal fikrad kaa siinayaa marka hore Siyaasadda ka jirta Muqdisho iyo tan ka jirta Soomaaliya inteeda kale, waxaana ku soo koobaya inaan bal isu fiirino imisa Siyaasi ayaa ka talisa Muqdisho? Gobollada kale Soomaaliyana xukun-keeda imisa Siyaasi ayaa isku haysa?. Aan kugu hormariyo Muqdisho. 

 Muqdisho waxaa ka taliyaa hogaamiye-yaasha kala ah.

 1. Xuseen Caydiid:

Waa hogaamiyaha soo baxay kadib geeridii Aabihiis, waxa uu haystaa hadda Madaxtooyadii Soomaaliya iyo xaafadaha ku dhaw dhaw, horayna waxa uu wada haysan jiray koonfurta Xamar oo dhan oo lagu daray ilaa Baydhabo, iyo ilaa Jilib, walow ay ahayd talaabo uu qaaday Aabihii, hadana waa xubin ka mid ah Hogaamiye-yaasha Muqdisho

 2. Muuse Suudi Yallaxow:

Waa hogaamiyahii sida goonida ah isu taagay xilligii la dhisayey maamulkii Gobolka Banaadir, (oo waa kii yiri waagaa qoddeyda ayaan wax u rabaa), waxa uu ka taliyaa qaybo ka mid ah xaafadaha Kaaraan iyo Madiina, awood ciidan oo beeshiisa hoosa ahna waa uu ku haystaa, taas ayaana ka dhigtay mid ka mid ah hogaamiye-yaasha Muqdisho, jagadan ka hor waxa uu ahaa laan Siyaasadeed oo ka mid ah ururkii USC/SSA ee uu madaxda u’ahaa Mudane Cali Mahadi Maxamed oo isagu Siyaasada isaga nastay ama ka fariistay.

 3. Maxamed Qanyare Afrax:

Waa hogaamiyaha soo caan baxay xiligii dowladdii Maxamed Siyaad ay dhacday, kadibna waxaa uu wax ka dhisay dawladii Salbalaar, oo uu ka noqday Wasiirka Gudaha, waxa uuna si gooniya isu taagay burburkii Salbalaar kadib, hadda waxa uu ka taliyaa degmada Dayniile oo banaanka Muqdisho ku taal, saa awgeed ayuu ka mid noqday Hogaamiye kooxeedyada Muqdisho, taageerayaa-shiisana waxay awood ku leeyihiin isla Muqdisho gudaheeda.

 4. Cumar Maxamuud (Cumar Finish):

Waa Hogaamiyahii sida goonida ah isu taagay kadib markii uu ka falliiqmay Xaaji Muuse Suudi sanadkii 2001. oo ahayd xiligii uu ka qayb galay heshiiskii Nakuru ee ay kala saxiixdeen D.K.G. iyo qaar ka mid ah madaxda Muqdisho, horayna waxa uu u ahaan jiray xoghayaha gaashaandhigga ee Ciidanka Muuse Suudi, waxa uuna ka taliyaa qaybo ka mid ah xaafada Madiina, taas ayuuna ku muteystay inuu ka mid noqday hogaamiye-yaasha Muqdisho.

 5. Cusmaan Xasan Cali (Caato):

Waa ganacsadihii dhanka dhaqaalaha ka taageeri jiray Gen: Caydiid, kadibna hogaamiye siyaasadeed isku rogay goortii ay is qoomeen Jen Caydiid (Alaha u naxariistee), waxa uuna hadda ka taliyaa aagga ay ku taalay Jaamacaddii umadda Soomaaliyeed ee Muqdisho, saa awgeed ayuu ka mid noqday hogaamiye-yaasha Muqdisho, waxaana lagu tilmaamaa Siyaasi ku xeel dheer xulufaysiga, qaar ka mid ah kuwa hadda lagu tiriyo madaxda Muqdisho isaga ayaa boorka ka jafay oo dhagta ugu sheegay iney gooni isu taagi karaan, kana mid noqon karaan hogaamiye-yaasha Muqdisho.

 6. D.K.G. iyo C/Qaasim:

Waa qaybta iyaguna sida goonida isu taagay kadib shirkii Carta oo lagu soo dhisay dawlad kumeel gaadh ah oo Madaxweyne loogu soo doortay C/Qaasim Salaad Xasan, kana mid ahaa madaxdii iska daganeyd Muqdisho, hadda D.K.G. awood magaceeda u qalma kuma lahan Muqdisho, walow ay isaga dhex noolyihiin xaafado badan oo ka mid ah magaalada, maadaama ayba dagan yihiin guryo iyo Hotello ku yaalla Muqdisho  tetal (ama cinwaan) Maamulna ay wataan ayey ka mid noqdeen hogaamiye-yaasha Muqdisho, madaxda kale ayaaba dhamaa haddii la xisaabinayo qof walba iyo meeshuu haysto, laakiin D.K.G. ah wey ka sarriigatay iney ku faanto oo tiraahdo intaasoo taaggo oo Xamar ka mid ah annagaa ka talinna, illeen waxay sheegataa iney Soomaaliya oo dhan matashee.

 7. Ganacsatada: 

Waa qayb ka mid ah madaxda xukunta Muqdisho, dhibaatada ay ku hayaan shacabkana wey ka daran tahay tey ku hayaan Siyaasiyiinta, intooda badan waxay dantooda tahay sideed lacag ku heshaa, haddey rabto dadkoo dhan ha’u baaba’aanee, sababtuna waxay tahay canshuur lacag la’aan ah ayey ku haystaan Muqdisho, waxay leeyihiin Garoomo iyo Dekedo waa weyn, xamar waxa ku taalla Garoomada kala ah 1. Aljaziira. 2. Dayniile. 3. No.50. 4. B/Doogle. 5. Cisaleey, 6. iyo Dekedda Ceel Macaan oo dhamantood ah goobo ay maalgaliyeen gacansatada Muqdisho, madaxda kooxahana ay saami [ama sheer] ku leeyihiin. Ganacsatudana saas ayey kaga mid noqdeen hogaamiye-yaasha Muqdisho.

Muqdisho waa goob ay ka taliyaan intaasoo hogaamiye oo kala socda, mid mid ku xiran ma jiro, wey adag tahay in la is fahamsiiyo, haddii Muqdisho ay ka taliyaan 7.daas hogaamiye aan bal eegno gobollada kale ee Soomaaliya sida ay tahay qaybaheeda Siyaasadeed, markaas hadana aan isku fiirinno Siyaasada ka jira Muqdisho iyo Soomaaliya inteeda kale, kadib aan soo celinno Su’aashii ahayd Muqdisho Caasimad ma u qalantaa?. 

 


 

Waqooyi Galbeed.

Waa goobta uu ka taliyaan maamulka la magac baxay Somaliland, ilaa 5.gobol inuu ka taliyo ayuuna sheegtaa, Madaxweynana waxaa ka ah Daahir Riyaale Kaahin, wey ka jiraan Axsaab diidan maamulkaas laakin in khilaafkooda uu keeno dagaal wey ka fogaadeen, waxayna ka siman yihiin in Somaliland ay noqoto dowlad gooni isu taagta, maamulkaas ka jira goboladaas ayaana masuul ka ah Siyaasadiisa, u fiirso ma’ahan sida Muqdisho ee aan kuu soo qoray iney ka kala taliyaan ilaa todobadda maamul ee ka wada jira halka degmo ee ka tirsan gobolka Banaadir.

 

Waqooyi Bari:

Waa goobta uu ka taliyaan maamulka Puntland ilaa 5.gobol inuu ka taliyo ayuuna sheegtaa, waxaana hadda Madaxweyne ka ah C/Laahi Yuusuf Axmed, waxa uuna ku qabsaday xoog milatari, waxaana uga sii horeeyey Jaamac Cali Jaamac oo isaguna hadda ku hawlan sidii uu xoog ugu soo ceshan lahaa, laakiin labadooda kaliya ayaa isku haya Siyaasada gobolladaas oo uu marba mid u haro maamulka goboladaas, u fiirso ma’ahan sida Muqdisho ee aan kuu soo qoray iney ka kala taliyaan ilaa todobadda maamul ee ka wada jira halka degmo ee ka tistan gobolka Banaadir.

 

Hiiraan.

Waxaa hadda ka taliya Col.Xasan Cabdille Qalaad oo ahaa gudoomiyihii gobalka Hiiraan xiligii uu siyaasad gobolkaas matalayay urukii USC/PM ee uu madaxda ka ahaa Duuliye sare Cabdi Cusmaan, hase ahaatee waxaa uu qalaad u xuubsiibtay hogaamiye siyaasadeed kadib markii ay siyaasiyiintii waawaynaa ee gobolkaas ay taageereen dawladii lagu soo dhisay Carta, hadana kama jiro herdan hubaysan oo u dhaxeeya kooxaha ku abtirsada goboladaas, taladeeda iyo maamulkeeda wuxuu hoos tagaa Xasan Qalaad, u fiirso ma’ahan sida Muqdisho ee aan kuu soo qoray iney ka kala taliyaan ilaa todobadda maamul ee ka wada jira halka degmo ee ka tirsan gobolka Banaadir.

Shabeellada dhexe:

Waxaa hadda ka taliya Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed dheere) waxa uu halkaa ka soo jeestay kadib kolkii uu isaga siibtay Barlamaankii uu ka tirsanaa ee D.K.G. malaha goortii uu xisaabtamay waxaa usoo baxday xubin inuu ka noqdo Barlamaanka K.M.G. iyo inuu xaar-xaarto gobol ka mid ah gobolada Soomaaliya oo uu halkaa ka soo jeesto iney u fiican tahay inuu meel iska soo saaro, hadda gobolakaas isaga ayaa si buuxda uga taliya, waxa uuna ka sameeyey maamul adag oo hoosyimaada, u fiirso ma’ahan sida Muqdisho ee aan kuu soo qoray iney ka kala taliyaan ilaa todobadda maamul ee ka wada jira halka degmo ee ka tirsan gobol Banaadir.

Bay iyo Bakool

Waa gobolada uu ka taliyo ururka R.R.A. ee uu gudoomiyaha u ahaa Col. Xasan Maxamed Nur (Sharguduud), haddese ururkii waa sarifmay oo laba waaxood ayuu kala noqday, waax, waxaa u gudoomiya (Sharguduud) waax-na waxaa gudoomiya Sh.Adan Madoobe oo horay u ahaa gudoomiye ku xigeenkii R.R.A. maamulka Bay iyo Bakool labadaas garab ayaa isku eryada marba kii ku xoog roonaada ayaa u hara Reerka, kuma dhex diriraan inta badan magalada gudaheeda, oo qolo goortii ay ku soo duusha oo ay tii horay u joogtay aragto in laga yara sito wey isaga baxaan magaalada, waa sida aad u maqasho maanta qolo hebel ayaa galinkii hore haysatay Baydhabo, galinkii danbana qolo heblo ayaa haysata Baydhabo, dagalaada nooca goonida ah leh ee ka dhaca Baydhabo waxaad moodaa sidii ciyaal cayaaraya oo is og, ma xusuusataa ciyaartii ay ilmuhi dheeli jireen ee la oran jiray KADHIMEEY KADHIM KOOW, KADHIMEEY KADHIM LABO, ee iska daba wareega ahayd, talada gobolladaasna waxaa ku loolama labadan falliiq, u fiirso ! ma’ahan sida Muqdisho ee aan kuu soo qoray iney ka kala taliyaan ilaa todobadda maamul ee ka wada jira halka degmo ee ka tirsan gobol Banaadir.

 

Gobolka Gedo:

 Waa gobolada uu ka taliyo ururka S.N.F. laga soo bilaabo sanadkii 96.kii ilaa iyo hadda dagaallo kama bixin gobolkaas, jabhadda S.N.F. waa jabhadda ugu kala dhantaalka badan marka la eego jabhadaha Soomaalida, oo gudoomiye-nimada ururkaas waxay sheega-shadeeda soo martay gudomiye-yaasha kala ah, 1.Jen Cumar Xaaji Masalle, 2.Maxamud Khaliif Shire. 3. Dr. Cali Mukhtaar (Cali Nuur). 4.Khaliif Maxamud (Khaliif Qoryooley). 5. Col. C/Risaaq Isaq Bixi. 6. Maxamud Sayid. Intoodaase waxaa hadda ka hawl gala C/Risaaq Biixi iyo Maxamud Sayid oo labaduba hadda shirka Eldoret ku jooga gudoomiyaha S.N.F. labadan danbe ayaa hadda isku haya maamulka Gedo, kuwii ka horeeyey qaarna wey dhinteen, qaarna ciyaarta banaanka ayey uga baxeen, labadan hogaamiye ee is haya laftooda waxay kala xeeyn-daabteen gobolka oo aad mooddo iney degmooyin-keeda kala qayb sadeen, Degmada B/Xaawo oo iyadu ahayd halka lafdhabarta u ah gobolka Gedo ayaa waxaa ku xoog roonaaday garabka Maxamud Sayid taasoo kaliftay ! in C/Risaaq Biixi banaanka loo saaro, kadibna xabsi loo taxaabo, hadda Gedo labadaa garab uunbaa isku haya, iyagoo degmooyinka ay kala leeyihiin oo aan la isku soo saqajaamin, u fiirso ma’ahan sida Muqdisho ee aan kuu soo qoray iney ka kala taliyaan ilaa todobadda maamul ee ka wada jira halka degmo ee ka tirsan gobol Banaadir.

 

Jubadda hoose:

 Waa goobta Soomaaliya ugu herdanka badan, oo marba qolo ay qabsato, kadibna ku dooda iney iyadu xaq u leedahay gacan ku haynta gobolladaas, hadda waxaa gacanta ku haya Isbahaysiga la baxay Dooxaada Jubba, oo uu madax u yahay Col.Barre Hiraale, horayna waxaa gacanta ugu hayey Jen Margon oo ku abtirsada Jabhadda S.P.M., gobolkan waa goob marba qolo ay ku adkaato qoladii laga adkaadana banaanka ayey u baxaan si ay dib isugu soo abaabulaan oo ay xoog ku qabsadaan gobolkaa, lama wada dago gudaha magaalada Kismaayo ee hadba ninkii roonaada ayaa Reerka u hara, u fiirso ma’ahan sida Muqdisho ee aan kuu soo qoray iney ka kala taliyaan ilaa todobadda maamul ee ka wada jira halka degmo ee ka tirsan gobol Banaadir.

 

Gobollada aan ka tagay:

Waxaa jira gobollo iyo degmooyin aanan soo qaadin sababtuna waxaa weeye laba arimood, midda hore waa goobo aanan la isku haysan oo cidi ay xisaabsato laakin uusan ka jirin maamul ay iyagu u sameeyeen, waxaa ka mid ah tusaale ahaan, Hobyo waxay ka tirsan tahay Mudug kamana jiro maamul dhisan oo si toos ah u hoos taga jabhadaha ka jira Soomaaliya, walow ay ka jiraan maamullo ay sameysteen dadka deegaanka, sababta labaad waxaa la dhihi karaa waa gobollo aan muhim u ahayn Siyaasiyiinta Soomaalida sida Galguduud oo kale, oo ah gobol ay wada dagaan Qabaa’illo kala taabacsan jabhadaha Soomaalida laakiin loolanka xabadeed ee madaxda Siyaasada u dhaxeeya uusan soo gaarin, marka saasaan isaga daayey ka hadalkooda, waxaan xoogga saaray goobaha uu ka jiro tartanka qoriga ku dhisan ee ka dhaxeeyo Siyaasiyiinta Soomaalida.

 


Aan ku weydiiyo adigee qiimeyntaas aan soo sameeyey hadaad akhrisay maxaa kuu baxay? Ma is weydiisay gobolka Banaadir haddii ay ka taliyaan todobo Hogaamiye kooxeed, aan kala adkaan, aan kala didin, aan mucaarad iyo maamul la mucaarado kala noqon sida gobollada kale, ee magaalada wada dagan, jidadka isaga hor yimaada, inta badanna isa salaama! Ma u qalmaan in Muqdishadii ay saas u dishadeen lagu abaal mariyo in Caasimadda Soomaaliya laga dhigo? Ma is weydiisay sirta ku jirta in gobollada kala ah W/Galbeed, Awdal, Togdheer, iyo Sool iyo Sanaagoo lagu muransan yahay uu ka jiro halka maamul ee Somaliland, tusaala kalana fiiri Gobollada kala ah Bari, Nugaal, Mudug, iyo Sool iyo Sanaagoo lagu muransan yahay iyagana uu ka taliyo halka muumul ee Puntland, hadana bal u fiisto Bay, Bakool, iyo Kismaayo oo iyaduna halka qolo ay marba muddo ka taliso, iyo in halka degmo waa Muqdishee oo ah degmo ka tirsan Gobolka Banaadir ay kawada taliyaan todobada Hogaamiye Kooxeed, Su’aal labaad aan ku weydiiyee gobolladaas dhawrka ah ee inta israacay halka maamul sameystay iyo halkan dagmo ee ay kasoo wada shaqa tagaan 7.da hogaamiye oo mid waliba goonidiisa u socda keebaa xaq u leh in laga dhigo Caasimadda Soomaaliya.

Gabagabadii anoon ku daalin aan ra’yigeyga kuu sheego, Muqdisho Caasimad Soomaaliyeed uma qalanto, inta ay saan tahay Siyaasad ahaan, inta ay 7 hogaamiye leedahay, inta aan heshiis laga gaarayn gacanta ku haynta Muqdisho, xitaa haddii ay dhacdo in heshiis lagu gaaro Eldoret oo dowlad Soomaaliyeed lagu soo dhiso, haddii aan degmo kale laga dhigin Caasimadda Soomaaliya, haddey rabto ha’ahaato Caasimad ku meel gaadh ahee, waxaan shaki iiga jirin in ay mari doonto tubtii ay martay dowladii Carta lagu soo dhisay, C/Qaasim iyo dowladiisiina sababihii ay la kici weyday waxaa kaw iyo labo laga dhigi karaa, diidistii uu diiday C/Qaasim Baydhabo iney noqoto Caasimadda K.M.G. ah, iyo goortii uu Xamar ka soo dagay ee uusan isu qaabeeynin sidii Madaxweyne Soomaaliyeed, ee uuba dhex seexday guri ay qaraabadiisu leedahay, halkii uu hadduu wax kale waayo uu dagi lahaa goobaha loo yaqaanno hantida dadweynaha ama hantida dawlada, ugu yaraan iskuul ama Masaajidkii Isbahaysiga haduu iska dhex dagi lahaa caymo ayey u ahaan lahayd mirihii Jabuuti.


Haddii aad u qaadato fikradeydaan mid ku dhisan Qabiil ama dulan magaalo, waxay ka tarjumeysaa aragti gaabnidaada, haddii aad qabto ra’yi ka duwan kaan qabo, waxaan kaa codsanayaa inaad keento cadaymo la taaban karo oo igu qanciya in Muqdisho ayadoo saan ah laga dhigi karo Caasimadda Soomaaliya ee mustaqbalka.

 

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir 
editor@somalitalk.com 

SOMALITALK.COM KENYA

Feb 7, 2003