Information for Community and Investigation

ARINTA AXMED GEELLE, SOMALILAND, JABUUTI IYO FARANSIISKA - SOLA INVESTIGATES!

On 4/5/2019 (IST)

Ganacsade AXMED CISMAAN GEELLE iyo qoyskiisa waa reer aad looga yaqaano geeska Afrika gaar ahaan Jabuuti iyo Somaliland. waxay maal gelin ku sameeyeen ganacsi kala duwan oo ay ka mid tahay warashada COCA-COLA oo uu ka hirgeliyay meel Hargeysa u jirta 35 km taasoo ku baxday aduun dhan 17 Malyuun Dollar, waxaa xariga ka jaray Madaxweyne Siilaanyo 22 Maajo 2012, shirkada SBI "Somaliland Beverages Industries" ayaa awood u yeelatay in ay hesho shatigan ay ku furtay warashada COCA -COLA oo ka hawl gashay Somaliland iyo Puntland.


Ugu horeyn ma jirto BANGI aduunka ku yaala oo bixiya DAYN iyagoo aan helin ASSET ama MAAL MAGUURAAN AH oo shaqsiga doonaya daynta uu leeyahay, sidaa awgeed Mr Geelle iyo qoyskiisa waxay madax furasho ka dhigeen ganacsiyo aad u farabadan oo JABUUTI ay ku lahaayeen, kaasoo lagu qiimeeyay 25 MALYUUN DOLLAR oo ka badan 20ka Malyuun ee ay ka deynsadeen Bangiga BCI Mer Rouge.

Lacagta daynta ah wuxuu qaatay Mr Geelle 2 sano ka hor, warashada COCA - COLA mashruuceeda wuxuu bilowday 2010, saa awgeed wax shaqo ah haba yaraatee iskuma laha lacagtan la yiri waa loo haystaa iyo mashruucyada isaga iyo qoyskiisa ay ka hirgeliyeen JABUUTI iyo SOMALILAND.

Madaxtooyada Somailand ayaa 4.4.2019 soo saartey War-saxaafadeed ay kaga hadleyso khilaafka u dhexeeya Ganacsade Axmed Cismaan Geelle iyo Xukuumada Jabuuti, shabakada SolaPortal baaritaan dheer ka dib waxay idinla wadaageysaa wixii aan ka soo dhex saarnay warkan rasmiga ah ee ka soo baxay maamulka Somaliland.

 


 

WAR SAXAAFADEEDKA

Waxa jirta deyn Shirkadda GSK, ee uu mulkiilaha ka yahay Axmed Cismaan Geelle ka qaadatay Baanka Faransiiska ah ee BCI Mer Rouge, oo qayb ka ah Baanka kale ee Faransiiska ah ee BRED, kaas oo farac u ah Baanka Caalamiga ah ee BPCE. Lacagtaas waxay shirkadda GSK ku qaadatay maalgelinta Warshadda Coca-Cola oo laga dhisay Dalka Somaliland.

Mulkiilaha Shirkadda GSK, Axmed Cismaan Geelle, wuxuu qaatay deyntaas isaga oo ah muwaadin reer Jabuuti ah, haystana dhalasho Jabuuti ah, muddo ka dibna wuxuu u soo wareegay, soona dagay Somaliland.

SolaPortal

Ugu horeyn Baanka waxaa leh Jabuuti,iyadoo la dhisay 1954  xilligaa Jabuuti waxay ku jirtay gacanta faransiiska, laakiin waxaa laga leeyahay Jabuuti – bishii Luulyo 2007 Bangigaan wuxuu subsidiary ama hoos imaad u noqday Bangiga Bred Banque Populaire ee laga leeyahay wadanka Faransiiska.


 

WAR SAXAAFADEEDKA

12-kii bishii March, 2018, waxa dalka yimid Agaasime Ku-xigeenka Baanka weyn ee Faransiiska ah ee BRED, oo ah baanka iska leh faraca baan ee BCI Mer Rouge iyo Agaasimaha Guud ee faraca baanku ku leeyahay dalka Jabuuti Mr. Nadhir Zouaghi. Labada Mas'uul ee ka socda Baanankaa Faransiiska ahi waxay sheegeen in ay lacag deyn ah oo dhan 20 Milyan oo doolar ku leeyihiin Shirkadda GSK iyo Mulkiilaha Shirkaddaasi Axmed Cismaan Geelle.

 

SolaPortal

War saxaafadeedka SOMALILAND wuxuu sheegayaa in labadaa shaqsi ee kor ku xusan ay yimaadeen Hargeysa iyagoo doonaya lacag 20 Malyuun Dollar oo ay dayn ahaan u siiyeen Mr Geelle, waxaa xusuus mudan in Bangi walba ee aduunka ku yaala uu ku saaro RIBO ama INTEREST, sidaa awgeed hadii ay ka soo wareegtay 2 sano waqtiga ay DEYNTA bixiyeen meeday INTERESTKII la dul saartay.

Lacagta la rabay in uu soo celiyo Mr Geelle waxay ahayd 32,838.501.92 USD, taasoo ah 20 kii Malyuun ee la deemiyay iyo INTEREST RATE JABUUTI oo waqtigaa ahaa 11.3

War saxaafadeedka laguma sheegin magaca Agaasime ku xigeenka Baanka Faransiiska ah ee BRED, laakiin waxaa laga dhawaajiyey magaca Agaasimaha guud ee faraca Jabuuti Mr Mr. Nadhir Zouaghi, SolaPortal markii ay ku sameysay baaritaan dheer magacaan aan caadiga ahayn ee Nadhir Zouaghi, waxaa soo baxay aqbaaraad kala duwan oo ay ugu horeyso taariikhdiisa shaqo.

Sidaa sawirka dusha aad ku aragtaan Mr Nadhir Zouaghi waa shaqsi Bangaariya ah ama ka soo shaqeeyay arimaha dhaqaalaha isagoo 2010 ilaa iyo iminka ah Agaasimaha guud ee shirkada Caisse d'Épargne Rhône Alpes oo ah Bangi iyo caymis.

Waxaa kale oo aan ku aragnay in uu ka qeyb ahaa maal gelin lagu sameeyay WARSHADA BIYAHA la cabo oo laga hirgeliyay DIKHIL, JABUUTI NOVEMBER 2018.    http://www.lanationdj.com/eaux-minerales-okar-et-palmeraie-une-usine-deau-dans-une-oasis-mythique/


Bishii Janaayo 2019 waxaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee faraca baanku ku leeyahay dalka Jabuuti Mudane Abdallah Ibrahim Abdallah: https://www.linkedin.com/in/abdallah-ibrahim-abdallah-49a5765a

Markii xilka loo dhiibay Mr Abdallah Ibrahim Abdallah waxaa warbaahinta lagu qoray eedo ka dhan Bangiga BRED iyo deymo uu siisay qoyska Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismail Omar Geelle.


 

WAR SAXAAFADEEDKA

15-kii bishii February, 2018, waxa dalka yimi Safiirka Dalka Faransiiska u fadhiya dalka Kiiniya, Ambassador Antoine Sivan, oo sita go'aannada Maxkamadaha dalalka Faransiiska iyo Jabuuti ee la xidhiidha arrinta daynta Baanka Faransiiska ahi ku sheegaynayo Mulkiilaha Shirkadda GSK, Axmed Cismaan Geelle. Waxa kale oo uu sheegay in ay dacwac ka dhan ah Shirkadda GSK u gudbiyeen Booliska Caalamiga ah ee INTERPOL.

SolaPortal

Ugu horeyn Safiirka Faransiiska u fadhiya Somaliya! NOT KENYA Mr Antoine Sivan wuxuu Muqdisho kula kulmay 15-kii bishii February, 2018 Ra'iisal wasaaraha Somaliya Mudane Hassan Ali Kheyre,isla maalintaaa wuxuu socdaal shaqo ku yimid magaalada Hargeysa, ma jirin ka hadal arimo la xiriira GSK, FARANSIISKA iyo JABUUTI.

Safiirka Faransiiska u fadhiya kalama hadlin, kalama hadli karo arimo ganacsi qaas ah oo u dhexeeysa BANGI QAAS ah iyo ganacsade wadan kale u dhashay sida Mr Geelle oo wata Baaboorka Jabuuti, hadii ay arintaa suuragal tahay waxay si toos ah ula hadli lahaayeen dalka Jabuuti oo faransiisku uu ka dhexeeyo xiriir aad u wanaagsan.

Waxaa kale oo aan maqalnay INTERPOL ama INTERNATIONAL POLICE oo xaruntoodu ay tahay LYON, FRANSIISKA oo la yiri waxay gacanta kula jirtaa arimaha u dhexeeya Mr Geelle iyo Jabuuti, ugu horeyn maamulka Somaliland kalama hadli karaan Safiir arinta INTERPOL, waayo waxay yiraahdeen waxaan nahay wadan madax banaan laakiin waxaa MEMBER ka ah oo keliya SOMALIA.

Dadka ay raadinayaan INTERPOL ee ku jira DATABASKA kuma jiro Mr Axmed Cismaan Geelle

INTERPOL shaqo kuma leh DAYN ay kala qaateen shirkad iyo Bangi, eeg sawirka iyo qoraalka hoose:

http://www.mynewsdesk.com/uk/stirling-och-partners/pressreleases/2-more-interpol-abuse-victims-removed-from-interpol-as-uae-continues-reporting-debts-as-fraud-2430303

Mr Geelle wuxuu sheegtay in lacag badan looga haysto wadanka Jabuuti, iyadoo qaar ka mid ah sida uu sheegay shirkadihiisii ay la wareegtay dowlada Jabuuti, isla waqtiga ay socdeen arimaha shirkada GSK, waxaa gebi ahaan hawada laga saaray shabakadihii ganacsiga ee GSK GROUP.  http://gsk-group.com/


Shirkada GSK iyo Axmed Geelle way dhici kartaa in dayn ay ku yeeshaan Bangiyada ganacsiga ee daymaha bixiya, lacagtaasoo ah tii lagu maal geliyay ganacsiyada kala duwan ee Jabuuti iyo Somaliland, laakiin arinkan shaqo kuma leh Dowladaha Faransiiska iyo Jabuuti, waa arin ay shaqadeedu leedahay Maxkamadaha Somaliland ama Jabuuti, Af hayeenka maamulka Somaliland wuxuu kaloo sheegay in Ganacsade Axmed Cismaan Geelle uu og-yahay, isla markaana qirtay in hantida iyo daynta loo sheeganayo lagu leeyahay, Booliska Adduunka ee INTERPOL -na raadinayo.

Mr Geelle wuxuu sheegay in ay jirto DEYN uu ka qaatay Bangi, laakiin maalkiisa iyo ganacsigiisa uu xayiran yahay dalka Jabuuti oo hadii uu ku laabto ay dhici karto in lagu dhibaateeyo.

 


 

Haddaba waxanu u caddaynaynaa dadweynaha Somaliland in dawladdu u dadaashay Shirkadda GSK iyo Mulkiilaheeda Axmed Cismaan Geelle in ay ilaaliso xaquuqdiisa iyo hantidiisa, sida muwaadiniinta kaleba loo ilaaliyo hantidooda iyo xuquuqdooda, waana waajib dawli ah.

 


 

Maamulka Somaliland waxay hore u sheegeen in uu yahay muwaadin JABUUTIYAAN ah, sidaa awgeed in ay iminka yiraahdaan sida muwaadiniinta kaleba loo ilaaliyo waa hadal is dhaaf.

 


 

Dawladda iyo Shacabka Somaliland waxa ay raadinayaan ictiraaf Caalami ah, waxaanay iska ilaalinayaan wax kasta oo u ekaysiinaya dalka Somaliland meel aanay ka jirin shuruuc iyo kala dambayn, lagulana soo dhuunto hantida iyo xoolaha umadaha kale ee adduunka laga soo dhaco.”

 


 

Iminka maamulka Somaliland waxay siyaasad ka dhigeen arimo ganacsi oo dhex yaala Jabuuti iyo shirkada GSK, iyagoo yiri "Somaliland waxa ay raadinayaan ictiraaf Caalami ah"

Ugu dambeyn arintan Jabuuti iyo GSK waxay ku haboon tahay Maxkamad ku taala maamulka Somaliland, waayo arinta Jabuuti ay ku dooneyso Axmed Geelle ma ahan wax cad oo gacanta loogu gelin karo, waxaana xusuus mudan in SOMALIYA"land" iyo JABUUTI aan ka dhaxayn DAMBIILE IS WEYDAARSI ama " EXTRADITION",.

Qore: Abdinasir Ismail "SOLA"

 Investigative Journalist

 La xiriir: solaportal@gmail.com