Information for Community and Investigation

WAA AYO ABUUKAR CAWAALE AMA ABDI OOG YAASIIN? SOLA INVESTIGATES: UPDATED FEBRUARY 2024

On 1/3/2018 (IST)

Shabakada SolaPortal waxay baaritaan dheer oo ay soo codsadeen qaar ka mid ah aqristayasheeda ay ayaamahan ku waday shaqsi bulshada Somaliyeed ee dalka iyo dibada aad looga yaqaano oo ku soo caan baxay markii uu yiri waxaan ahay shaqsigii ka joojiyay wadanka Boqortooyada UK, cunida iyo ka ganacsiga maan dooriyaha qaadka, taasoo runtii ahayd mid runta ka fog oo dad badan ay aamini kari waayeen, sidaa awgeed shabakada baarista SolaPortal waxay baaritaan dheer ka dib ay idin soo bandhigeysaa taariikhda kooban ee Mr Abukar Awale ama Abdi Oog Jaamac Yuusf oo ah magaca uu ku dhashay isla markaana Yurub uu ku soo galay, ka dibna uu bedelay Abukar Awale markii uu u soo haajiray wadanka UK bilowgii 1996 dii.

Ugu horeyn ABUKAR AWALE/ABDI OOG YAASIIN wuxuu qaxooti ahaan u yimid magaalada Tampere oo ku taala Koonfurta Finland oo ay ku noolyihiin Somali aad u farabadan oo 90 meeyadii QAXOOTI ahaan u soo galay wadanka Finland.

ABUKAR magaciisa rasmiga ah waa ABDI OOG YAASIIN JAAMAC, kaasoo ahaa kii uu ku dalbaday qaxootinimada wadanka Finland, waqtigii 90 meeyadii waxaa Finland ku soo qul-qulayey Somali aad u tira badan oo ka soo haajirtay dagaalkii sokeeye ee wadanka ka qarxay, ABUKAR AWALE/ABDI OOG wuxuu ka mid ahaa dhalinyaradii degtay magaalada Tampere, shaqsi aad ay isugu dhoweeyaan isla markaana la degenaa ayaa SolaPortal u sheegay in ABUKAR AWALE/ABDI OOG aan dugisyada luuqada iyo waxbarashada kale gelin oo isku ahaa shaqsi iska dhalinyareeya oo waqtigiisa inta badan ku qaatay baashaalka dhalinyaranimo iyo balwado kala duwan oo xiligaa caadi ka ahaa Finland.

Abukar AWALE/ABDI OOG taariikhdiisa Tempere ma ahan mid uu ka hadlo ama uu doonayo in dadka kale ay ogaadaan, sababtuna ah xiligaa aad ayuu u dhalinyaraynayey oo ay soo foodsaareen arimo aad u adag, dhamaadkii 1995 isaga iyo dhalinyaro Somali ah waxaa lagu qabtay iyagoo BOOB ama ROBBERY ku sameynaya meel QAMAAR lagu cayaaro oo ku taala qeybta qadiimka ah ee Magaalada Tempere, taasoo keentay in bilowgii 1996 uu ka soo dhuunto isagoo maxkamad ay u taalo, xiligii uu ku noolaa wadanka Finland waxa u wanaagsan ee uu ka sameystay waxay ahayd dhalashada wiilkiisa oo uu ka dhalay gabar Finish Cadaan ah, Wiilkaas iminka waa 23 jir ah, Abukar Awale/Abdi Oog  inta badan kama hadlo taariikhdiisa FINLAND iyo tan ubadkiisa.

Arimo kale oo ku qabsaday ayaa jirta wadanka Finland, laakiin shabakada SolaPortal waxay door biday in aanu ka hadlin, waayo waa arin dad kale oo shaqo aan ku lahayn qoraalkan ay saameyn ku yeelan karto.

ABUKAR AWALE/ABDI OOG wuxuu u soo guuray wadanka UK magaalada London, isagoo ahaa shaqsi MUQAYAL ah oo marar kala duwan jebiyay sharciyada wadanka UK, tusaale ahaan dhamaadkii 2014 waxaa lagu qabtay isagoo gaari aan sharci iyo caymis lahayn wata, taasoo sababtay in waqti aad u fog laga mamnuuco wadista gaariga, isla xiligaa waxaa 4 jeer MINDI caloosha ka geliyay nin ay MARFISH ku yaala Galbeedka London isku dagaaleen.

ABUKAR AWALE/ABDI OOG oo dhibaatooyinka uu kala kulmay UK wareysi dheer ka siiyay DAILY MAIL oo ah jaraa'idka wadanka Ingiriiska ugu weyn, RIIX LINKIGA hoose:

Linkiga lagu wareystay riix   HALKAN:

 

ABUKAR AWALE/ABDI OOGwuxuu bartiisa FACEBOOK soo geliyay in uu wax ka bartay jaamacada London ee Metropolitan University oo ku taala Waqooyiga London, isagoo sida uu sheegay ku taqasusay Community leadership & Development at London Metropolitan University.

SolaPortal oo tiigsaneysa sharciga XORIYADA MACLUUMAADKA ama FREEDOM OF INFORMATION ACT 2000, waxay Jaamacada si sharciyi ah uga codsatay shaqsi la yiraahdo ABDI OOG YAASIIN ama ABUKAR AWALE macluumaadkiisa, xiliguu wax ka bartay iyo qalin jebintiisii, jawaabtii aan helnay waxay ahayd "THERE IS NO RECORD OF GRADUATION" shabakada SolaPortal.com oo ilaalineysa sharciga "DATA PROTECTION ACT" ee ilaalinta aqbaaraadka shaqsiga u qaaska ah, waxaan soo bandhigi kari weynay macluumaad aqristayaasha ay la yaabi lahaayeen oo sharciga UK uu noo diiday.

Qoraalka SolaPortal markii uu arkay ABDI OOG/ABUKAR AWALE wuxuu is yiri is difaac, ka dib wuxuu bartiisa FACEBOOK soo dhigay Statement of Attendance" ! xusuuso wuxuu ilooway qoralkiisa hore ee ahaa STUDIED ama WAX KU BARTAY.

Bal hadii ay jirto JAAMACAD aduunka ku taala oo SEPTEMBER ilaa JANAAYO DEGREE laga qaato nala wadaaga.

"XUSUUS" maalmaha dambe ee DECEMBER iyo Asbuuca koowaad ee Janaayo" JAAMACADAHA UK way xiran yihiin!.

Qoraalka markii uu hawada soo galay ka dib, waxaan helnay macluumaad muhiim ah oo inoo xaqiijiyay in ABDI OOG/ABUKAR AWALE sababta uu isaga qoray isla markaana 3 bilood keliya uu u tegay ay ahayd helida "STUDENT LOAN ama DEYNTA ARDEYDA" oo ahayd lacag u dhiganta 14.000 USD, oo ardeyda la deemiyo si ay waxbarashada ugu fududaato, sanadadii dambe waxaa la arkay arday is qorta Septemper oo markii lacagta ay u soo dhacdo oo ah bilowga Janaayo isaga taga waxbarashada, iyadoo dant ugu weyn ay tahay lacagta deynta ah.

Shabakada SolaPortal iyadoo isticmaaleysa sharciga Freedom of Information Act 2000, waxay EMAIL u dirtay shirkada bixisa DAYNTA ARDEYDA ama STUDENT LOAN ee SLC "Student Loans Comapny" in ay u soo gudbiso macluumaad la xiriira lacag ay deymisay ABDI OOG/ABUKAR AWALE sanadadii 2010/2011 si uu wax uga barto London Metropolitan University, taasoo hadii ay ku cadaato XABSI iyo GANAAX weyn uu ku dhici doono, inshallah aqbaaraadka markaan helno shabakada SolaPortal ayaan soo dhigi doonaa.

Mr ABDI OOG/ABUKAR AWALE hadii aan ku yara xasuusiyo xiliga aad tiri waxaan wax ka baranayey JAAMACAD ku taala WAQOOYIGA LONDON, waxaa wax ka baranayey isla markaana ka QALIN JEBIYAY SHAQSI KALOO SOMALI AH si fiicana aad u taqaanid!

JAAMACADAHA UK markii aad ka qalin jebesid waxaa lagu gudoonsiinayaa shahaadooyin noocan hoose ah oo ay la socdaan dhamaan taariikhda waxbarashadaada.

 

Wadanka UK, RECORD ayuu leeyahay oo ma oran kartid JAAMACAD hebel baan ka qalin jebiyay.

 


 

Taariikhda joojinta KHAADKA ee UK

ABDI OOG/ABUKAR AWALE wuxuu sanadkii 2006 bilaabay ol-olaha ka soo horjeedka cunista iyo ka ganacsiga qaadka, wuxuuna ka qeyb galay kulamada jaaliyadaha UK iyo YURUB, xiligaa oo dadka inta badan ay barteen magacan cusub ee ABUKAR AWALE oo lagu magacaabo shaqsi ku nool wadanka USA gobolka OHIO, kaasoo ah magaca uu ku joogo wadanka UK.

Taariikhda la dagaalanka muqaadaraadka QAADKA UK way ka horeysay ABDI OOG/ABUKAR AWALE, waxaa waday dad Somali ah oo ku nool wadanka UK, aqri qoraalka hoose oo aan dhowr sano ka hor ka diyaarayay arimahan.


 

Qoraalka aan ka diyaariyay ABDI OOG sanadkii 2016 wuxuu ku bilowday sidan:

Abukar Awale marar buu iloowaa MUGIIISA iyo magaca uu ku leeyahay bulshada Somaliyeed,taasoo uu kaga duwan yahay dadka caadiga ah ee aan la aqoon,waxaa muhiim ah in uu marwalba xusuusto in hadaladiisa iyo ficilkiisa meel dheer gaaro.

Mr Awale waxaan aqaanaa waqti aad u dheer ma ahan shaqsi xun ama dhib badan,arimaha qaadkana waa mid uu geliyay waqtigiisa iyo maalkiisa,runtiina dad badan oo aniga aan ka mid ahay ayaa ku taageersan.

Abukar waxaa lagu tilmaami karaa "Loose Cannon" oo micnaheedu yahay "an unpredictable or uncontrolled person who is liable to cause unintentional damage" qof aan laysku halayn karin,aan is maamuli karin,mar walbana waxyaabaha uu ku dhaqaaqo dhibaata keena isagoon ugu tala gelin"

Mr Awale aad baan u taageeraa ilaa iyo hada,waxaa jirta VIDEO aan ka sameeyay waqti hore,anigoo ku amaanay in uu yahay,"HERO OF MANY" ama "GEESI DAD BADAN" hoos ka daawo.

Ugu horeyn Mr Awale QAAD kama joojin wadanka boqortooyada UK!,hadii uu yiraahdo waan ka joojiyay ha soo badhigo qaabka uu u joojiyay,wadanka Ingiriiska muqaadaraadka looma joojiyo qof ayaa mudaaharaad sameeyay ee waa wax waqti dheer la baaro isla markaana la ogaado dhibaatooyinka uu bulshada,ka dib barlamaanka ayaa ka dooda oo sharci ka soo saara.

Arimaha la dagaalanka Qaadka waxay bilowdeen waqti aad u fog,xiligaa Abukar Awale wadanka Ingiriiska kuma noolayn,waxaa arimahaa waqti ku dhow 20 sano daba socday Mr Mohammed Dualeh oo ka bilaabay Somali Youth Association  Butetown, magaalada Cardiff ee wadanka Wales,RIIX HALKAN:

Arimahan waxaa si wadajir ah u bilaabay jaaliyaddaha YEMEN iyo SOMALIDA ku nool CARDIFF,sidaa awgeed hadii Mr Awale uu yiraahdo aniga ayaa bilaabay isla markaana mamnuucay QAADKA,taa runta way ka fogaaneysaa.

Abukar Awale waxaa lagu xiray JABUUTI iyo SOMALILAND,isagoo isla waqtigaa laga joojiyay in uu ka qeyb galo shirarka qaad joojinta,hoos ka dhegeyso isagoo xabsiga ku OOYAYA.

ABDI OOG wuxuu caan ku yahay in aanu xukumi karin hadalada afkiisa ka soo baxa, DAAWO VIDEOWGII gefka weyn ahaa ee SOMALI BANTU.

Waxyaabaha kale ee ABUKAR AWALE lagu arkay waa isagoo ADKEYSIGIISU aad u yaryahay oo qofkii ra'yi ka duwan u soo bandhiga uu hore BLOCK FACEBOOK AMA UN-FRIEND KA DHIGA saaro,eeg sawirada hoose:

 

Waqtiyadan dambe Abukar Awale waxaa lagu arkay isagoo ka baxay arimaha ololaha qaad joojinta,taasoo taageerayaashiisa ay u arkeen in uu yahay shaqsi aan xamili karin magaca uu bulshada Somaliyeed ku leeyahay,tusaale ahaan bilowgii sanadkan xili ay socdeen dagaaladii PUNTLAND iyo AL-SHABAAB,qoraalo uu FACEBOOK soo dhigay Mr Awale, runtii dad badan oo aniga aan ka mid ahay ayaa arimaha uu ku dhaqaaqay u cuntami weyday,eeg sawirad hoose:

Dad badan ayaa ka carooday qaabka uu gabdhaha u wareyso marka uu leeyahay QALANJADA ama QAADKA,waxyaabo waxaa jira aan laga hadlin hadii la eego dhaqanka Somaliya,laakiin hadii aad tiraahdid nimanka JAADKA cuna SARIIRTA kuma wanaagsana ama wax ma taraan,taasi waxay dabooleysaa arimiha ololaha joojinta qaadka,daawo clipka hoose:

Dhanka kale Abukar Awale wuxuu inta badan ka hadlaa in KENYAATI iyo SOMALI ay u hanjabeen oo la yiri waa lagu DILAYAA!,runtii ma jiro qof raba in Abukar uu dilo,waa maxay sababta loo dilayo? Abukar Awale QAAD kama joojin KENYA,ra'yi ahaan waxaa fiicnaan lahayd in uu iska dhaafo hadalada faraha badan ee uu ku leeyahay waa la ii HANJABAY oo in la i dilaa la rabaa.

 

Markii uu ku soo caan baxay warbaahinta waxaa soo kordhay in uu yeesho CADOW aad u farabadan oo ku eeday in uu yahay QABIILISTE, iyadoo laysku dayey in codkiisa la bedelo, shabakada SolaPortal.com way difaacday ABDI OOG/ABUKAR AWALE. dhegeyso CODKA la yiri waa ABDI OOG/ ABUKAR AWALE.

Ka dib waxaa shabakada SOLAPORTAL.COM soo gaaray VIDEO la yiri waxaa laga duubay PALTALK 2001 oo shaqsi la magac baxay WIIL SADE uu af-lagaadeynayo QABAA'ILO aad u farabadan,hoos ka daawo.

 

Waxaa kale oo shabakada SolaPortal soo gaartay aqbaar aan weli xaqiijin oo ku eeday Mr ABDI OOG/ABUKAR AWALE in uu sameeyay lacag ururin farabadan oo ilaa iyo hada aanu xaqiijin sida loo isticmaalay, tan arimaheeda weli la daba socdo waa LACAG URUURINTII GO FUND ME.

 

ABDI OOG/ABUKAR AWALE markii ugu horeysay ee aan arko waxay ahayd xili uu baadi goobayey shaqa barad ama work experience uu u soo doontay UNIVERSAL TV, ka dib wuxuu isku dayey in uu furo TV la magac baxay SOMALI CHANNEL oo socon waayey, ka dib markii uu soo celin waayey lacag uu ka amaahday Bangiga BARCLAYS.

Sababta looga xiray oo ahayd isagoo ku noolaa guri dowlada ay siiso dadka danyarta ah oo aan shaqeyn, ABUKAR AWALE/ABDI OOG wuxuu ahaa shaqsi 20 sano ku noolaa cayrta dadka jiiska ah la siiyo.

 

 

Intaa ka dibna waxaan lagu arkaa TVyada Somalida ee ka hawl gala magaalada London, isagoo inta badan ka shaqeysta dhanka XAYEEYSIINTA DUKAAMADA iyo SHAQSIYADAHA leh ganacsiyada kala duwan.

ABUKAR AWALE/ABDI OOG wuxuu aad u jeclaa in loo aqoonsado in uu yahay shaqsigii JAADKA ka joojiyay UK, laakiin sidaad ku aragteen qoraalada dusha arintaa waa mid runta ka fog oo cid walba ay ogtahay, iminka waxaa aad loogu yaqaanaa CAAYDA SOCIAL MEDIYAHA oo noqotay mid sumcadii uu sameystay ku burburiyay.

ABUKAR AWALE/ABDI OOG JAMA arntan baaritaanka ah waxay ku bilaabatay markii uu u gefay isla markaana BARAHA BULSHADA ku af-lagaadeeyay qoyska ABDINASIR ISMAIL "SOLA" oo aan wax ka galabsan, AQRI QORAALKAN: Riix Linkigan

Qoraalkan iyo baaritaan dhanka dhaqaalihiisa, guriga dowlada ee uu ku noolyahay, caydha curiyaanimada ee uu qaato, lacago farabadan oo Bank caan ah uu kala fakaday markii aan soo bandhignay ayuu RAALI GELIN LIVE ah uu sameeyay, halkan ka daawo:

Ka dib heshiis ayaa dhacay, lkn 8 bilood ka dib markale wuxuu af-lagaado ku bilaabay reerka SOLA, qaas ahaan wiilkiisa ELIAS oo 7 jir ahaa.

ABDI OOG JAMA/ABUKAR AWALE iminka waxaa looga baahan yahay in RAALI GELIN buuxda markale uu siiyo reerka ABDINASIR ISMAIL, hadii kale waxaan soo bandhigi doonaa aqbaaraad kuwan ka weyn inshallah.

Ugu dambeyn waxaan qoraalka ku soo af-jarayaa in shaqsi walba oo magac ku leh bulshada uu leeyahay taariikh aan qarsoomin oo macluumaad walba si fudud loo heli karo hadii wado sharci ah loo maro, waxaan kaloo aqristayaasha SolaPortal ee soo codsaday taariikhda ABDI OOG/ABUKAR AWALE u sheegayaa in macluumaadkiisa intaa ka sii weyn tahay oo aan lagu soo koobi karin hal qoraal oo laga diyaariyo, muhiimad ugu weyn ee qoraalka wuxuu ahaa in marwalba codsiga aqristayaasha faraha badan ee ku xiran shabakada aan tix gelino, iyadoo la tix gelinayo shaqsiga baaritaanka lagu wado.

SolaPortal.com waa shabakada keliya si PROFESSIONAL ah u sameysa baaritaan ay la socdaan xaqiiqada, hadii ay ahaan lahayd sawiro ama VIDEO, mar walbana waxaan fursad siinaa shaqsiga ay quseyso hadii uu doonayo in qoraal jawaab ah shabakada u soo diro si aan u soo gelino wixii qalad ahna aan saxno ama raali gelin ka bixino.

 

Qore: Abdinasir Ismail "SOLA"

Investigative Journalist

La xiriir: solaportal@gmail.com