Information for Community and Investigation

QAABKEE LOO JABSADAY FACEBUUGII SALMAAN JAMAAL IYO SIDA LOO SOO CELIYAY! SOLA INVESTIGATES

On 8/12/2017 (IST)

SALMAAN JAMAAL SICIID waa shaqsi dhalinyaro ah oo Somalidu ay ka barteen dhanka warbaahinta iyo arimaha banii'aadinimada ah ee marwalba oo ku hawlanaa,waa shaqsi dad aad u farabadan ay qadariyaan isla markaana magac wanaagsan ku dhex yeeshay dhamaan bulshada Somaliyeed ee ku kala nool dalk iyo dibada,taasoo keentay in uu yeesho cadow isugu jiray dad ka maseeray waxqabadkiisa iyo kuwa naceeb iyo xaasidnimo ay nolol u noqotay,SALMAAN sidaan ognahay waxaa dhaawac weyn uu ka soo gaaray qarax ka dhacay Hoteelka Jazeera ee caasimada Somaliya bishii Luulyo 2015.

Salmaan ayaa noloshiisa halis gashay,ka dib wuxuu safar caafimaad u soo aaday wadanka Turkiga oo ilaa iyo iminka uu ku noolyahay,arimaha warbaahinta ka sokoow Salmaan wuxuu gacan weyn ka geystay arimaha wacyi gelinta dhalinyarada Somaliyeed ee ku jira xabsiyada qurbaha iyo kuwa tahriibta ku mara saxaaraha galbeed iyo badda mideteraaniyanka.

Arimahaa wuxuu ku muteystay sharaf iyo aqoonsiyo aad u weyn,taasoo keentay in dad aan waxna u dhibin ay har iyo habeen weerar is dabajoog ah ay kaga soo qaadeen baraha bulshada sida FACEBOOK.

Salmaan waxaa si been abuur ah magaciisa looga sameystay dhowr account iyadoo la isticmaalay sawiradiisa iyo magaciisa,arimahan waxay keeneen in isagoo magaciisa la isticmaalayo laga hadlo arimo QABIIL iyo kuwa umadda Somaliyeed laysaga horkeenayo,waxaa kale oo dhacday in mararka qaarkood dadka lacag laga dalbado iyadoo SALMAAN layska dhigayo.

Ugu dambeyn waxaa u suura gashay in dacwad BEEN ABUUR ah lagu furo,taasoo la yiri ACCOUNT ka rasmiga ee uu ku lahaa FACEBOOK ma ahan kiisa,sawirka hoose eeg:

Ugu horeyn waxaa muhiim ah in aqristayaasha SOLAPORTAL ay ogaadaan in bartiisa Facebook aan la JABSAN,waayo waxaa SALMAAN ugu xirnaa SECURITY aad u adag oo aan laga dul boodi karin,laakiin waxaa u suura gashay in shaqsi uu dacwad BEEN ABUUR ah ku furo isagoo laga yaabo in gacanta ay u gashay DUKUMENTI uu SALMAAN leeyahay.

Sawirka dusha sida aad ku aragtaan waa DISABLE oo micnaheedu tahay waxaa si KU MEEL GAAR AH looga xiray dhanka FACEBOOK oo hadii uu u diro wixii looga baahnaa si rasmi ah loogu soo celin karo.

Sidaan kor ku soo xusnay waxaa jiray ACOOUNTS kala duwan oo magaciisa iyo sawiradiisa lagu furtay oo goordhow sidi hawada looga saari lahaa shaqadeeda ay socoto,sawirada hoose eeg,waa dhamaan kuwa BEEN ABUURKA ah ee SALMAAN laga sameystay.

INTA ACCOUNT EE HOOS AAD KU ARAGTAAN WAA FAKE LAGA SAMEYSTAY SALMAAN!

LINKIGA WAA KAN:

 

LINKIGA WAA KAN:

LINKIGA WAA KAN:

LINKIGA WAA KAN:

LINKIGA WAA KAN:

LINKIGA WAA KAN:

 LINKIGA WAA KAN:

 

Wariye SALMAAN arimaha qoysaska Somaliyeed ee uu u soo bandhigo dhamaan bulshada ayaa wuxuu ku helay SUMCAD iyo taageerayaal aad u tira badan,daawo qaar ka mid ah warbixino uu ka diyaariyay waqtiyada uu ku dhex jiro arimaha SOMALIDA qurba joogta.

 

Hadii arinta SALMAAN oo kale ay kugu dhacdo sida ugu fudud ee aad u soo ceshan kartid FACEBOOK DISABLE laga dhigay waa RIIX LINKIGA hoose isla markaa eeg sawirka.

 

LINKIGA RIIX

Qaabkee hawada loogu soo celiyay barta FACEBOOK ee SALAMAAN JAMAAL?FACEBOOK lagama jabsan sidaan hore u soo sheegnay,hadii lagu dacweeyo si aad u fudud ayaad u soo ceshan kartaa,ugu horeyn magaca aad ku leedahay FACEBOOK iyo kan dukumentigaga ku qoran waa in ay is lahaadaan,hadii kale FACEBOOK ma xaqiijin karo in aad adiga tahay ama qof kale.

Tan xigta FACEBOOK ma xiro hadii 1000000 qof ay ku dacweeyaan ilamaa aad jebisid sharicga u yaala oo ah in waxyaabo qaarkood oo ay ka mid yihiin VIDEO QAAWAN,CUNSURINO,DAD ISKA DIRKA NOOCA KA BAXSAN FREEDOM OF SPEECH,IN MUQAADARAAD AAD KU XAYEEYSIISID iyo kuwa kale oo dhanka anshaxa ah,ra'yigaaga ha wanaagsanaado ama ha xumaado FACEBOOK lagaaga xiri maayo.

SALMAAN magaciisa uu FACEBOOK ku leeyahay iyo wixii dukumenti uu leeyahay way is leeyihiin saa awgeed SAFKII codsiga ee FACEBOOK ayuu galay kaaso qaata 1 maalin ilaa 30, sidaa ku aragtaan sawirka hoose waxaa laga xiray 8 Agoosto2017,isagoo hawada ku soo laabtay 7 Agoosto 2017.

 

 

30 kii maalmood markii la gaaray bartiisa FACEBOOK hawada ayay ku soo laabatay sida aad ku aragtaan sawirka hoose.LIN

LINKIGA FACEBUUGIISA SAXA AH:

 

Shabakada SOLAPORTAL.COM waxay SALMAAN u gudbisay magaca iyo meesha uu ku suganyahay shaqsiga DACWADA ku furay,waxaa kale oo aan ka codsanay in aan soo bandhigno laakiin SALMAAN waa naga DIIDAY isagoo yiri AARGUDASHO HADII AY WAX TAREYSO WADANKEENA FIIRI.

Ugu dambeyn waxaan leenahay SALMAAN soo laabasho wanaagsan INTA KU JECEL ayaa badan sidaa awgeed inta ku NECEBNA JACEEYL ugu bedel,shaqada aad umadda Somaliyeed u hayso halkaa ka sii wad marwalbana garabkaaga ayaan taaganahay.

 

Qore: Abdinasir Ismail "SOLA"

 Investigative Journalist

 La xiriir: solaportal@gmail.com