Information for Community and Investigation

QAABKEE LOO XIRAY FACEBUUGII CALI YARE,YAASE KA DAMBEEYAY? SOLA INVESTIGATES!

On 4/7/2017 (IST)

ALI ABDI WARDHERE "ALI YARE" waa shaqsi si aad ah looga yaqaan siyaasada Somaliya qaas ahaan dowlada cusub ee FARMAAJO,wuxuu waqti badan la soo shaqeeyay dowladihii hore ee wadanka ka dhisnaa isagoo xilal kala duwan soo kala qabtay,ALI YARE waxaa aad loogu xasuustaa waqti Muqdisho lagu xiray isla markaana naftiisa halis ay gashay,maanta waa shaqsiga suura geliyay inta badan guusha iyo isbedelka Somaliya ka dhacay isagoo kaalin libaax ah ka qaatay doorashadii ugu weynayd ee Somaliya soo marta tan iyo xoriyadii 1960kii,ALI YARE oo qurba joog reer SWEDEN ahaan jiray iminka wuxuu si joogta ah ugu noolyahay caasimada Somaliya isagoo gebi ahaan ka soo luga xirtay wadankaa uu ku noolaan jiray,waxaa kale oo aad loogu yaqaanaa in uu yahay shaqsi DEEQSI ah,NAXARIIS BADAN oo SOMALINIMADANA ay aad ugu weyn tahay,asxbaata reer STOCKHOLM waxay ku xaman jireen in tayadiisa ugu wanaagsan ay tahay isagoo wax walba lala qaybsan karo.

ALI YARE dhibkiisa ugu weyn wuxuu ahaa isagoo qof walba aamina isla markaana si wanaag iyo daacad ah wax ula qabta,sidaa awgeed ayaa xiligii FARMAAJO la doortay waxaa soo baxay CADOW farabadan oo isugu jiray SAAXIIB iyo dad aan la aqoon.

Bilowgii bisha ABRIIL 2017 waxaa baraha SOCIAL MEDIYAHA lagu arkay qoraalo lagu yiri ALI YARE waxaa laga xirtay ama laga HACK gareeyay bartiisa FACEBOOK,taasoo dadka intooda badan ay aad ula yaabeen.

Shabakada SOLAPORTAL.COM ayaa baaritaan dheer ku sameysay qaabka ALI YARE looga xiray ama looga jabsaday FACEBUUGIISA,waxaan faraha ku dhignay qoraalo xaqiijinaya,shaqsiyada ka dambeeyay iyo qaabka loo xiray.

Ugu horeyn ALI YARE facebuugiisa lama jabsan ama Hacking laguma sameyn,si aqristayaasha ay u fahmaan farqiga u dhexeeya Facebook la jabsaday iyo mid shirkada Facebook ay xirtay waxaad eegtaan sawiradda hoose:

 

 

FACEBUUGA ALI YARE gebi ahaan INTERNETKA kuma jiro,waayo waxaa XIRAY FACEBOOK sawirka dusha wuxuu xaqiijinayaa marka bogaaga FACEBOOK ay xirto.

ALI YARE hadii Facebook laga jabsan lahaa ama Hack lagu sameyn lahaa,ugu horeyn waxaa laga bedeli lahaa BAASWOORKA,hadii uu is yiraahdo LOGIN ama GAL waxaa soo bixi lahaa PASSWORD ayaa kaa qaldan oo sawirka dusha aan ku aragno,tan waxay inoo xaqiiijisay 100% in qofna aan jabsan,waxaa kale oo FACEBUUGA ALI YARE ku xirnaa KOODKA MOBILKA saa  awgeed MABA DHICI KARTO in laga bedelan karo PASSWORDKIISA.

Su'aasha ugu horeysa ee aqristayaasha SOLAPORTAL.COM ay is weydiinayaan waa MAXAA LOOGA XIRAY?YAA KA XIRAY? tabcan FACEBOOK ayaa si KU MEEL GAAR AH uga xirtay bartiisa,sababta looga xirayna waxaan ku ogaaneynaa inagoo ku laabana bilowga qoraalka oo ahaa ALI YARE dad badan ay asxaab ahaayeen oo uu aaminay ayaa FALKAN ku kacay.

FACEBUUGIISA waxaa laga soo xiray wadanka SWEDEN,shaqsi xiray,waqtiga la xiray,IP ADDRESSKA iyo EMAILKA FACEBOOK lagula xiriiray waxaa gacanta ku haya shabakada SOLAPORTAL.COM oo hadii ALI YARE uu fasaxo si toos ah aqristayaashiisa ugu soo bandhigi doona.

Su'aasha labaad waa SIDEE LOO XIRAY? ALI YARE wuxuu gacan qabtay waqti aan sidaa u sii fogeen isla markaana uu damiintay shaqsi ay aad isugu dhowaayeen oo arimo dhaqaale xumo ay soo food saartay,xiligaa wuxuu u diray oo laga soo codsaday KOOBIGA BAASBOORKIISA.

Saa awgeed shaqsiga loo diray KOOBIGA BAASBOORKA wuxuu si toos ah ula xiriiray FACEBOOK oo dacwad uu ku oogay bartii FACEBOOK ee Ali Yare, isagoo uu leeyahay shaqsiga la yiraahdo ALI YARE ALI waa BEEN ABUUR aniga oo hebel ah ayaa la iga sameystay FACEBOOK aan jirin sidaa awgeed ha la iga XIRO,tabcan FACEBOOK wuxuu ku weydiinayaa maxaa CADEYNAYA in aad tahay MR ALI ABDI WARDHEERE "ALI YARE"?,isla markiiba KOOBIGII BAASBOORKA ALI YARE ayuu u diray 24 saac ka dib FACEBOOK waxay xirtay bartii ALI YARE uu ku lahaa FACEBOOK.

Shaqsigaan oo aad looga yaqaano SWEDEN iyo YURUB isla markaana aan gacanta ku hayno MAGACIISA,CINWAANKIISA,TELEFOONKIISA GACANTA iyo MEESHA UU KA SHAQEEYO ayaa hadii ALI YARE fasax aan ka helno u soo bandhigi doona aqristayaasha SOLAPORTAL.

Wuxuu sameeyay qaladaad aad u farabadan oo iminka dhibaato aad u weyn u keenaysa,ugu horeyn wuxuu jebiyay sharciga adag ee loo yaqaan "Swedish Personal Data Act (1998:204) (PDA) (Personuppgiftslag). This implements Directive 95/46/EC" oo gebi ahaan mamnuucaya gudbinta,faafinta DUKUMENTI noocaa ahaadba iyadoo aan amar laga helin shaqsiga iska leh,eeg sawirka hoose:

Shaqsigii lagu helo jebinta sharciga dusha yaala wuxuu muteystaa XABSI ILAA 5 SANO AH iyo GANAAX oo laga yaabo in hadii aanu haysan dhalasho SWEDISH ah uu halis ugu jiro in lala tiigsado sharciga "God karaktär medborgarskap" oo uu xaqiijiyay GARYAQAANKA Ali Yare ee sawirkiisa hoos yaala ee uu ka qabsaday magaalada GOTHENBURG ee wadanka SWEDEN.

ALI YARE wuxuu shabakada SOLAPORTAL.COM u sheegay in FACEBOOK dacwada BEEN ABUUR ah ee laga sameeyay ay arinta iminka ka weyn tahay,waxaan diyaariyay dacwad weyn anigoo ku lifaaqay waraaqo aan ka helay FACEBOOK iyo kuwa si dadban la iigu soo diray,arintaana waxaan u fasaxayaa SOLAPORTAL.COM in ay soo bandhigto markii ay ka soo dhamaato dhanka LAWYERKA.

FACEBUUG waxay ka codsadeen ALI YARE in uu u diro DUKUMENTIYO kala duwan ilaa iyo 3 ah oo shaqsiga BAASBOORKA Koobigiisa u diray aan heli karin,iyagoo u balan qaaday in waqti aad u dhow ay hawada ku soo celin doonaan isla markaan hadii LAWYER ama BOOLIISKA Sweden ay codsi u soo diraan u gudbin doonaa macluumaadka shaqsiga sida qaladka ah u isticmaalay BAASBOORKA ALI YARE.

Iyadoo arintaa ay jirto ayaa waxaa shaqsi kale uu isku dayay in magaca ALI YARE uu ku furto FACEBOOK BEEN ABUUR ah,kaasoo isku dayey in uu ku darsado dhamaan asxaabta ALI YARE,saa awgeed ALI YARE wuxuu SOLAPORTAL.COM u xaqiijiyay in iminka wax FACEBOOK ah aan u furnayn.

Eeg sawirada hoose:

Iminka hawada ayaa laga saaray FACEBUUGII BEEN ABUURKA ahaa ee laga sameeyay ALI YARE.

 

12 maalmood ka dib SOLAPORTAL.COM waxaa u suura gashay in FACEBUUGII laga xiray ALI ABDI WARDHERE "CALI YARE" in aan hawada ku soo celino,iyadoo aan helnay aqbaartii dadkii ka dambeeyay iyo sababta ku kaliftay oo dusha aan mar hore ku soo qornay,ALI YARE waxaan ka codsaday in aan sawirada iyo magacyada shaqsiyada SWEDEN ku nool ee arimahan foosha xun ka dambeeyay banaanka soo dhigo wuxuu iigu jawaabay "ABDINASIR INTA DHIB LA IGA SHEEGAN LAHAA ANIGA AAN DHIB SHEEGTO"taasoo ku tuseysa caqliga iyo waxgaradka shaqsigan sida foosha xun loola dhaqmay,arintaan waxay tusaale u noqonaysaa in DADKA INTERNETKA KU JIRA AY 1 TUULO WADA DEGAN YIHIIN OO CIDNA AAN CID KALE QALAD KA GELI KARIN.

https://www.facebook.com/caliyare.cali

Ugu dambeyn ALI YARE wuxuu ka furay SWEDEN dacwo labaad oo ka dhan shaqsiyadii ka dambeeyay in arimahan FACEBOOK ay xiraan iyagoo isticmaalaya PASSPORT KOOBI uu hore ugu diray,arinta lagu haysto labada shaqsi waa isticmaalka BAASBOORKA CALI YARE oo si sharci daro ah FACEBOOK loogu diray,arintaa waa 5 sano xarig iyo ganaax,waxaa sii weheliya in hadii shaqsiyada aan sharci SWEDEN oo BAASBOORT aysan ku lahayn arimahooda ku noolaashaha SWEDEN ay qal-qal geli doonto.

 

Qore: Abdinasir Ismail "SOLA"

 

Investigative Journalist

La xiriir: solaportal@gmail.com