Information for Community and Investigation

RA'IISAL WASAARAHA CUSUB EE SOMALIYA MR HASSAN ALI KHAYRE IYO ARIMAHA MUSUQ-MAASUQA SOMA-OIL "SOLA INVESTIGATES"

On 2/23/2017 (IST)

Madaxweynaha Somaliya mudane MOHAMED FARMAAJO wuxuu Khamiis 23.2.2017 ku dhawaaqay in uu magacaabo ra'iisal wasaare cusub oo shacabka Somaliya mudo aad u dheer ah ay sugayeen,Mr HASSAN ALI KHEYRE waa shaqsi dhalinyaro ah isla markaa qurba joog ah oo haysta dhalashada NORWAY,shaqo siyaasadeed ama xafiis dowlad weli xil kama soo qaban,wuxuu shaqooyin kala duwan ka soo kala qabtay xafiisyada qaxootiga Somalida Norway iyo isagoo ahaa maamulaha Afrika ee shirkada SOM-GAS oo waqti dheer batrool ka baaraysay wadanka Somaliya,runtii Somalida aad ayay ula dhaceen doorashada shaqsigaan dhalinta yar ee ka duwan dadkii hore loogu bartay in ay Somaliya xakumaan,waxaa mar walba muhiim ah in fursad la siiyo mas'uulka ku soo biiray dowlada Somaliya,laakiin warbaahinta madaxa banaan mar walb waa in ay soo ogaataa taariikh nololeedka shaqsiga lagu aaminay maamulka wasaaradaha Somaliya.

Shabakada SOLAPORTAL.COM qaabka ay wax u qorto waa sida PROFESSIONAL JOURNALIST,inagoo iska ilaalina laab la kac iyo ku tiri ku teen,waxaan kale oo aan soo raacinaa qoraalada waxyaabo cadey ah.

Mr HASSAN ALI KHAYRE waa shaqsi ku cusub Somalida,laakiin taariikh ganacsi iyo maamul ayuu ku leeyahay oo inta badan aan la ogayn.

 

DAAWO LIVE FACEBOOK AAN KA DIYAARINAY RA'IISAL WASAARE KHAYRE

Shaqo aad u wanaagsan ayuu ka qabtay xiligii uu ka tirsanaa NRC "Norwegian Refugee Council isagoo xooga saaray qaxootiga Somaliya ee xerada DADAAB.

 

Mr KHAYRE sidaan hore u soo sheegnay waa GANACSADE Saami "SHARES"way ku leh shirkada baaraysa isla markaana qodi doonta BATROOLKA SOMALIYA oo la yiraahdo SOMA OIL,waxaa shirkad iska leh oo dhisay ganacsadaha weyn ee Basil Shiblaq iyo wiilkiisa Iyad Shiblaq.

Sida shabakadoodu ku cad MA JIRO AYAY YIRAAHDEEN MUWAADIN SOMALI AH OO SAAMI "SHARES" ku leh SOMA OIL.

Sababta loo yiri muwaadan SOMALI ah SAAMI "SHARES" kuma leh waa iyadoo Mr KHAYRE u arka in uu yahay NORWEGIAN!

SOMA OIL waxaa wadajir u dhisay oo wada leh,SOMA OIL & GAS EXPLORAION LIMITED,SOMA OIL & GAS HOLDING LIMITED iyo SOMA OIL MANAGMENT ---

Mr KHAYRE lacagaha uu darsaday shirkada SOMA OIL waa 2.% oo u dhiganta 2 MALYUUN oo DOLLARKA Mareykanka ah,tabcan waa ganacsade meeshii uu doono ayuu gashan karaa lacagtiisa.

 

2 Saac ka dib markii qoraalkan aan hawada soo gelinay Mr KHAYRE gebi ahaan wuu iska casilay SOMA OIL isagoo SAAMIGII uu ku lahaa ka tanasulay.

Dhowr sano ka hor waxaa si qarsoodi ah lo helay FARIIMO DIPLOMATIC ah oo warbaahinta lagu faafiyay taasoo lagu eeday shirkada SOMA OIL in ay ku dhaqaaqday arimo musuq-maasuq ah,ka dib QARAMADA MIDOOBAY xafiiska u qaabilsan Somalia Eritrea Monitoring Group waxay soo saareen warbixin ay ku eedeen Ra'iisal wasaare KHAYRE oo ay yiraahdeen wuxuu lug ku leeyahay MUSUQ-MAASUQ iyo isagoo xiriir hoose la leh ARGAGIXSO.

Arimaha eedaha musuq-maasuqa waxaa ka hadlay dhamaan warbaahinta aduunka,iyadoo musharaxii hore ee Ra'iisal wasaaraha Britian Mr Michael Howard uu ka mid ah dadka arimaha eeda dusha laga saaray,Mr Howard waa Agaasimaha guud ee SOMA OIL.

 

 Ra'iisal wasaaraha cusub Mr Khayre weli wuxuu DIRECTOR ka yahay dhowr shirkadood oo wadanka dibadiisa ka dhisan,kuwaasoo tabcan xaq uu u lahaa markii uu ahaa ganacsade dalka ama dibada ku nool.

Arimaha baaritaanka SOMA OIL waxaa baaritaan dheer ku sameeyay Serious Fraud Office "SFO" oo ah xafiiska ugu awooda wayn wadanka UK ee baara Musuq-maasuqa ay ku lug leeyihiin dadka haysta dhalashada UK oo Mr Howard uu ka mid yahay,baaritaan dheer ka dib waxay 14tii DECEMBER 2016 go'aan ku gaareen in SOMA OIL aan shaqo ku lahayn wax la is daba mariyay ama musuq-maasuq ah,iyagoo ka dib soo af jaray baaritaankii ay ku hayeen MICHAEL HOWARD iyo HASSAN ALI KHAYRE.

 

 GOOGLE SEARCH hadii aad ku qortid SOMA OIL iyo CORRUPTION waxaa soo baxaya macluumaad aad u farabadan oo warbaahinta aduunka ay waxyaabo kala duwan ay ka qoreen.

Iminka RA'IISAL WASAARE KHAYRE waxaa looga baahan yahay in uu iska casilo xilalka uu ka hayo shirkadaha dalka iyo dibada ka dhisan,in uu iibiyo wixii SHARE ah ee uu ku leeyahay SOMA OIL.in uu qabto shir warbaahinta uu ugu sheegayo in gebi ahaan uu joojiyay ganacsigii u qaaska ahaa ee laga yaabay in uu keeno CONFLICT OF INTEREST,hadii arimahaa uu ku dhaqaaqo waxaa hubaal ah in SOMALI oo dhan ay taageeri doonto.

EEDU micnaheeda ma ahan in aad wax haleysay,laakiin xafiiska ra'iisal wasaaraha waa in lagu arkaa shaqsi NADIIF AH oo Somalida ay ku qanacsan tahay,waxaa hubaal ah in uu ka soo bixi karo mudane KHAYRE.

Ugu dambeyn shabakada SOLAPORTAL.COM waxay marwalba idin soo ban dhigeysaa wixii macluumaad ah ee la xiriira arimaha baaritaanka Musuq-Maasuqa iyo dadka lagu aaminay HANTIDA SOMALIYEED ee dalka iyo dibada.

 

 Qore: ABDINASIR ISMAIL "SOLA"

 

 Investigative journalist

 

 La xiriir: info@solaportal.com