Information for Community and Investigation

SHARCIYADA CUSUB EE DONALD TRUMP UU KU DHAWAAQAY IYO SAAMEYNTA SOMALIDA! SOLA REPORTS "UPDATED 6.3.2017"

On 1/28/2017 (IST)

Tan iyo intii loo dhaariyay xafiiska aqalka cad ee Mareykanka,Donald Trump wuxuu soo saaray sharciyo aad u adag oo saameyn weyn ku yeelan doona dadka ajanabiga ah ee u soo haajira wadanka Mareykanka iyo qaxootigii laga soo daad gurayn jiray wadamada Afrika,Aasiya iyo jasiiradaha ku dhow Australia,is bedelkan uu saxiixay madaxweynaha Mareykanka oo xilka la wareegay 20kii Janaayo 2017 waxay saameyn wayn ku yeelan doontaa Somali aad u tira badan oo ku kala nool isla wadanka USA iyo dad qaxooti ah oo sugayey in qoysaskooda ku nool Mareykanka ay ku biiraan,waxaa kale dowlada Mareykanka ay bilowday in ay musaafurin ku sameyso dad ku xirnaa dhowr sano xabsiyada wadanka USA oo iyagoo sharci leh dembiyo kala duwan ka galay wadankaas iyo dad kale oo magan gelyo siyaasadeed weydiistay USA oo dib loogu celiyay ama loogu celinayo Somaliya.

Waxaa 6.3.2017 lagu dhawaaqay sharci cusub oo wax ka bedelaya kii hore ee maxkamadaha federaalka ay ka hor yimaadeen.

 

 

UPDATED 6.3.2017

Sharciga cusub EXECUTIVE ORDER ee uu saxiixay 6.3.2017 saxiixay madaxweynaha Mareykanka,waxaa ku cusub waxyaabaha hoos ku qoran:

 

Laga bilaabo 16 MAARSO 2017 waxaa la mamnuucay 4 bilood QAXOOTI walba oo u dhashay wadamada - SOMALIYA - SUDAN - LIBYA - YEMEN - IRAN iyo SYRIA.

Waxaa kale oo la saxiixay in safarkii dadka caadiga ah ee aan QAXOOTI ahayn ku tegi jireen wadanka MAREYKANAKA la mamnuucay mudo 3 bilood ah,wadamadaas waa: SOMALIYA - SUDAN - LIBYA - YEMEN - IRAN iyo SYRIA.

Waxaa kale oo cusub in QAXOOTIGA la ogolaaday ama APPROVED ay ku sameysay STATE DEPARTMENT loo ogolyahay in ay soo geli karaan wadanka MAREYKANAKA,laakiin sanadkii lagu xadiday ama limit laga dhigay 50.000 qof.

Dadka u dhashay wadamada aan kor ku soo xusnay ee wata waraaqda degenaanshaha "GREEN CARD" waqtigii ay doonaan ayay ka safri karaan wadanka USA isla markaana ku soo laaban karaan.

Malaga yaabaa in sharcigan cusub maxkamadaha ay faraha la galaan? tabcan Eric Schneiderman oo ah qareenka NEW YORK ayaa balan qaaday in TALAADADA 7.3.2017 uu dacwo cusub oo ka dhan arimahan uu u gudbin doono maxkamada Federaalka ee NEW YORK.

Sharciga sidaan hore u sheegnay waxaa la saxiixay ISNIIN 6.3.2017,laakiin wuxuu dhaqan gelayaa 16.3.2017 si jahawareerkii bishii Janaayo aan u dhicin.

Dadka qaraabadoodu maray DNA iyo WAREYSI wax isbedel ah oo cusub ma jiraan,waxay la mid yihiin dadka 4 bilood la yiri waxba la idima qaban karo.

Dhamaadka asbuuca soo socda aqalka cad ee laga xukumo wadanka USA wuxuu ku dhawaaqi doonaa sharci cusub oo la oran doono "KEEP AMERICA SAFE" oo isbedel aad u weyn ku sameyn doonaa dadka aan u dhalan wadanka Mareykanka iyo muhaajiriinta ka soo jeeda wadamada ay u badan yihiin Muslimiinta.

 

ENGLISH VERSION: Af Somali hoos ka eeg:

 

 

AF SOMALI

 

1- Joojinta Qaxootiga wadanka Suuriya waqti aan xad lahayn."6.3.2017 ayaa la bedelay,iyadoo laga dhigay sida wadamada kale.

 

2- In dhamaan QAXOOTI wadan walba haka yimaadeen laga mamnuuco wadanka Mareykanka mudo 4 bilood ah,ka dib USA wuxuu aqbalayaa oo keliya QAXOOTIGA ay go,aanka si wadajir ah isaga kaashadaan,HOMELAND SECURITY,STATE DEPARTMENT iyo MAAMULKA NABAD SUGIDA.

 

3- Guud ahaan QAXOOTIGA loo ogolaan doono wadanka USA sanadka 2017 wuxuu ahaan doonaa oo keliya 50,000,madaxweynihii hore ee Mareykanka Barrack Obama wuxuu u ogolaa 11000 QAXOOTI ah in ay soo geli karaan USA.

 

4- Gebi ahaan waxaa laga mamnuucay in wadanka USA ay soo galaan Muhaajiriinta "immigrant" iyo dadka booqda,waxbarasha u taga,caafimaad u taga ama qoyskooda soo booqda "non-immigrantt" mudo 30 maalmood ah,wadamadaas waa SUURIYA,IIRAAN,SUUDAAN,LIIBIYA,SOMALIYA iyo YEMEN,dadka wadamada aan soo xusnay u dhashay ama wata laba jinsiyad waxaa hore looga mamnuucay in hadii ay wadamadaas u safraan 5 sano ka hor aan si toos ah u isticmaali karin VISA WEAVER program oo wadamo ay YURUB ku jiraan VISA la,aan ku geli jiray wadanka Mareykanka.

 

5- In wadamada qaarkood aan loo ogolaan DAL KU GALKA ama VISAHA,hadii ay ka horyimaadaan gudbinta macluumaadka ay dowlada Mareykanka ka codsatay ee la xiriira dhoofayaasha soo gelaya wadankooda,waxaa la go'aamiyay in mudo 2 bilood ah VISAHA laga xanibo.

 

6- Dowlada Mareykanka waxay go'aan ku gaartay in qaxootiga Suuriya la dejiyo dhul lagu ilaaliyo oo wadankooda gudihiisa ah,taasoo ay balan qaadeen inta lagu jiro mudo 3 bilood ah.

 

7 - In la hirgeliyo ogaanshaha soo gelida iyo ka bixitaanka wadanka Mareykanka qof walba oo booqanaya,iyadoo la isticmaalayo Tiknoolojiyada indhaha iyo faraha "biometric",iyadoo wareysi ama interview laga qaadayo shaqsi walba oo soo codsada DAL KU GAL ama VISAHA aan MUHAAJIRKA ahayan "non-immigrant visa"

 

8- In gebi ahaan la joojiyo barnaamijka Visa interview Waiver oo ah in shaqsigii codsada VISA MAREYKAN ah noocay ahaataba inta badan aan la weydiin in Interview ama wareysi uu u tago safaaradaha Mareykanka ah ee wadanka uu degan yahay,waqtiyadii hore waxaa lagu diri jiray BOOSTADA ama ONLINE, "MUHIIM VISA WAIVER IMINKA ONLINE AY KA DALBADAAN DADKA WATA BAASBOORADA WADAMADA YURUB SHAQO KUMA LEH"

Joojinta QAXOOTIGA wadanka Mareykanka waxay saameyn ku yeelan doontaa SOMALI aad u farabadan,dadkii maray hubinta DHIIGA,DNA,WAREYSI meel walba ay joogaan arimaha aan ka hadalnay saameyn ayay ku yeelanaysaa,tusaale ahaan hadii wax walba ay diyaar kuu ahaayeen oo VISAHA keliya aad sugaysay,isbedelkan dhacay awgii xaalkaaga wuxuu la mid yahay qof cusub oo markii ugu horeysay dalbaday.

Waxaa kale oo la joojiyay VIISIHII BAQTIYAA NASIIBKA "Diversity Visa (DV)",kaasoo ahaa waxyaabihii ugu horeeyay ee madaxweyne TRUMP oo ku dhawaaqay dhamaadkii sanadkii hore.

 

Isbedelada noocan ah ma ahan wax ku cusub wadanka Mareykanka,sharciyada oo soo saaray OBAMA oo ilaa iminka saameyn kara Somalida u kala safarta USA iyo wadamada kale hoos ka aqri.

LINKIGAN RIIX

 

Qore: ABDINASIR ISMAIL "SOLA"

 

 Investigative journalist

 

 La xiriir: solaportal@gmail.com