Information for Community and Investigation

WADA SHAQEYNTA SOMALILAND IYO AL-SHABAAB EE LA YIRI WAXAA SOO QORAY WARIYAAL SWEDISH AH MAXAA KA JIRA? "SOLA INVESTIGATES"

On 2/17/2016 (IST)

Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay waxaa shabakadaha iyo baraha Social Mediyaha lagu arkay qoraal luqadda Ingiriiska lagu diyaariyay oo cinwaankiisa uu ahaa "The Nexus between Somaliland and Al-Shabaab" oo ah shaqadda ka dhexeysa Somaliland iyo Al-shabaab,taasoo sida la yiri waxaa qoray laba wariye oo dhanka baaritaanka "investigative" oo la yiraahdo Peter Wolfson & Greta Backstrom,waxay ka hawl galaan sida qoraalka uu sheegayo magaalooyinka NAIROBI iyo STOCKHOLM,qoraalka waa mid aad u dheer oo runtii hal dhinac keliya ka hadlaya,sida caadada ah wariyaha Professionalka ah wuxuu mar walba eegaa labadda dhinac ee arimaha quseyso.

 

ugu horeyn aan isla eegno qeyb ka mid ah qoraalka ay ka diyaariyeen Somaliland iyo Al-shabaab.

 

Iminka waxaan eegeynaa labadan shaqsi ee la yiri waa wariyaal SWEDISH ah,Peter Wolfson & Greta Backstrom,

Sawirka hoose hadii aad eegtid ma jirto taariikh "HISTORY"uu leeyahay Mr Peter Wolfson oo lagu tilaamay in uu yahay wariye u dhashay wadanka Sweden.

 

Taariikhdiisa GOOGLE waa qoraalka la yiri wuxuu ka diyaariyay Somaliland iyo Al-shabab oo magaciisa uu yahay THE NEXUS BETWEEN SOMALILAND AND ALSHABAAB.

Tabcan macagyo kale ayaa jira,laakiin SWEDEN iyo wariye shaqo kuma laha ee waa dad kale oo ka duwan isla markaana u dhashay wadamo kale.

 

Sawirka hoose hadii aad eegtid ma jirto taariikh "HISTORY"ay leedahay Miss/Mrs Greta Backstrom oo lagu tilaamay in ay tahay wariye u dhalatay wadanka Sweden.

Tabcan macagyo kale ayaa jira,laakiin SWEDEN iyo wariye shaqo kuma laha ee waa dad kale oo ka duwan isla markaana u kala dhashay wadamo kale.

 

Iminka aan isla raadino labada magac ee Peter Wolfson & Greta Backstrom, si aan u aragno waxa ka soo baxaya barta GOOGLE.

Sida aan ku aragno sawirka dusha taariikhda labada wariye ee reer SWEDEN,waxay bilaabatay maalintii qoraalka ALSHABAAB iyo SOMALILAND la soo geliyay shabakadaha oo ah wixii ka dambeeyay 10.2.2016, waxaa koobi ku wada sameeyay oo keliya shabakada Somalidu ay leedahay oo iminka magaca labada wariye ku caan bixiyay GOOGLE.

 

Iminka aan eegno shabakada ay isku bahaysteen URURKA WARIYAASHA SWEDEN oo la yiraahdo "Swedish Union of Journalists"JOURNALIST FORBUNDET" waxaa xubin ka ah isla markaana ka diiwaan gashan shaqsi walba oo bartay ama ka shaqeeyaa warbaahinta SWEDEN ama SWEDISH ah oo isla wadankaa wax ku bartay oo ku nool wadan kale.

 

Si aan u xaqiijino qaabka shabakada dusha ay u shaqeyso,waxaan ku qorayaa wariyaha caanka ah ee Dawit Isaak oo Swedish-Eritrean ah isla maraakana aad looga yaqaano wadanka SWEDEN, oo ilaa 2011 u xiran dowlada ERITAREEYA oo ku eeday in uu basaas u yahay Sweden.

https://www.sjf.se/sok?fulltext=Dawit+Isaak

 

Ka dib aan isla eegno labada wariye ee Peter Wolfson & Greta Backstrom,inagoo isla shabakadii isticmaaleyna.

https://www.sjf.se/sok?fulltext=Peter+Wolfson

 

https://www.sjf.se/sok?fulltext=+Greta+Backstrom&=

 

Shabakada warkan soo tebisay waa KENYAMEDIA.NET,iyadoo luqadda lagu qoray ee Ingiriiska uu yahay kan barigga Afrika laga barto oo gebi ahaan ka duwan Ingiriiska wadamada SCANDINAVIANKA looga hadlo isla markaana laga qoro, eeg sawirrada hoose:

Sawirka hoose waa qaabka SCANDINAVIAN ENGLISH loo qoro.

 

 

Sawirka hoose waa qaabka EAST AFRICA ENGLISH loo qoro.

 

 

Taariikhda labada wariye waxay ku bilaabatay isla markaana ku dhamaatay qoraalka SOMALILAND iyo ALSHABAAB.

 

 

 

 

 Peter Wolfson & Greta Backstrom waa magacyo la alifay oo been abuur ah,qoraalka waxaa laga diyaariyay wadanka KENYA,iyadoo shaqsiga qoray aan magiciisa isticmaalin,mar wan la xiriirnay The Kenya Union of Journalists (KUJ) oo ah ururka ay isku bahaysteen warbaahinta Kenya ay inoo sheegeen in magacyada Peter Wolfson & Greta Backstrom aan ka diiwaan gashneyn ururkooda isla markaana qoraal ay wadankan ka diyaariyeen ee luqadda Ingiriiska ah aan weli arkin.

Arimaha qoraalka la yiri waxaa diyaariyay labada wariye waxba kama jiraan,taasoo aad ku aragteen waxyaabihii aan  soo bandhignay.

 

Qore: Abdinasir Ismail "SOLA"

Investigative Journalist

La xiriir: solaportal@gmail.com