Information for Community and Investigation

NATIIJADA BAARISTA SOCIAL MEDIAHA EE SHABAKADA SOLAPORTAL!

On 1/11/2016 (IST)

 

 

Waxaa laga yaabaa aqristayaasha qaarkood in ay is yiraahdaan qoraalka iyo baarista shabakada SOLAPORTAL waan aragnay,laakiin waa maxay ujeedada ka dambeysa iyo wixii ka soo baxay?runtii waa su'aal muhiim ah oo qof walba uu is weydiin karo,ugu horeyn shabakada waa mid baaris dhanka INTERNETKA ah,kaasoo ay iska kaashadeen dad cilmiga warbaahinta iyo tiknoolijiyada si fiican u yaqaan,lagama yaabo in shabakada qof lagula dagaalo ama been abuur aan raad lahayn lagu soo bandhigo,mar walba oo aan soo qorno baaritaan waxaan soo raacinaa sawirro,Video ama waxyaabo xaqiiqo ah oo qofkii laga qoray uu ku qanci karo,tabcan qalad waa dhici karaa,hadii aan arago raali gelin ayaab ka bixinaa inagoo isla markaa ka saarna laga soo sheegtay.

 

Maxaa ka soo baxay baaritaamadii ugu dambeeyay ee shabakada SOLAPORTAL ay soo bandhigtay?tusaale ahaan qoraalka hoose waxaad ka aqri kartaa,sida ay wax u dhaceen iyo wixii isbedelay qoraalka ka dib:

 

MAXAA KA JIRA AXMED KALAAY OO LA YIRI GABADHIISA AYUU KUFSADAY? "SPECIAL INVESTIGATION"

 

Waxyaabaha ugu yaabka badan ee aan aragnay wuxuu ahaa in milkiilaha shabakada DAYNIILECOM.COM uu raali gelin ka siiyay bartiisa FACEBOOK,shaqsigii faafiyay VIDEO been abuur ah oo la yiri waa gabadhiisa oo leh aabahay wuu u kufsaday.

 

 

Kol hadii la heshiiyay waa wax fiican,laakiin waxaa mar walba ka wanaagsan in wax laysu reebto,Mr KALAAY raali gelin ayuu bixiyay.laakiin shaqsiga kale weli arimahan kama hadlin,waxaa kaloo ka sii yaab badan iyadoo shabakada DAYNIILECOM.COM weli ay ku jiraan qoraalo lid ku ah ABDIXAKIIN OSMAN NUUR - riix linkiga hoose:

 

http://www.dayniilecom.com/December2015/31December27.htm

 

Dhanka kale qoraalkii laga sameeyay ABDIRAHMAN SUUDI ee shabakada anshax xumada ee gabdhaha Soamliyeed lagu fadeexeeyo ayaa gebi ahaan hawada ka baxday

 

 

 

http://xayaat24.com   isla habeenkii qoraalkii dheeraa ay shabakada ka soo qortay waxaa si toos ah ula soo xiriiray Mr SUUDI,isagoo sheegay in magaciisa iyo Emailkiisa si qalad ah loo isticmaalay,kaasoo si EMAIL ahaan ah u soo xaqiijiyay.

 

 

 

 

Sida aan ku aragno EMAILADA ay soo kala direen walaalaha SUUDI waxay ku cadeeyeen in ay HOSTING ay iyaga leeyihiin,kaasoo uu ka kiraystay shaqsi la yiraahdo HASSAN YASSIN ALI KEYNAAN oo reer MUQDISHO ah,laakiin qaladka wayn ee ay sameeyeen waa iyagoo EMAILKOODA la isticmaalay,arintan waxay la mid tahay adigoo BAASBOORKAAGA siiyay qof ka dibna dembi uu ku galay,waxaa laga yaabaa arimaha isticmaalida EMAILKOODA iyo magacooda in ay fudeeyd ka dhigteen.

 

 

 

Waa kuma shaqsiga ay leeyihiin wuxuu isticmaalay oo aan ugu diiwaan gelinay EMAILKEENA  guure004@hotmail.com?

 

Mr XASAN YASIIN CALI KEYNAN,wuxuu ku nool yahay caasimada Somaliya, waa shaqsi ku dhex jira warbaahinta oo isla markaa ah milkiilaha xamarradio.com iyo nala daawo TV.

 

 

Waa shaqsiga mas'uulka ka ah,barta FACEBOOK ee HEEGAN FOOTBALL CLUB FANS

 

 

 

 

Cilmi baaris dhowr bilood ay ku sameysay shabakada SOLAPORTAL ayaa waxaan ku ogaanay arimahan ku cusub warbaahinta SOMALIYA ee si arxan daro ah gabdhaha iyo qoysaska loo daba galo ay tahay arin cusub oo inta badan ay ku doonayaan lacag sameynta GOOGLE oo aan waxba ka jirin.

Markii aan dhameynay waxaa wareysi kooban naga qaaday idaacada VOICE OF AMERIKA SOMALI,barnaamijkiisa QURBE iyo SAHRA ABDI AXMED,hoos ka dhegeyso.

 


 

Shabakada SOLAPORTAL waxay sii wadi doontaa baarista noocan ah ee ka dhan,shabakadaha har iyo habeen u taagan in ay shaqo ka dhigtaan,anshax xumada iyo waxyeelada qoysaska Somaliyeed.

 

Hadii aad aragtid SHABAKO ama nooc walba oo SOCIAL MEDIA oo arimaha aan ka hadalnay loo isticmaalayo,fadlan EMAIL u soo dir

info@solaportal.com

 

 

Qore: Abdinasir Ismail "SOLA"

Investigative Journalist

La xiriir: info@solaportal.com