Information for Community and Investigation

MAXAA KA JIRA AXMED KALAAY OO LA YIRI GABADHIISA AYUU KUFSADAY? "SPECIAL INVESTIGATION"

On 1/3/2016 (IST)

Dhowrkii sanno ee ugu dambeysay waxaa baraha internetka ku soo batay shabakado,baraha Social media ee Facebook,whatiapp iyo youtube,iyadoo inta badan loo isticmaalo wanaag iyo horumar,laakiin ay jiraan dad aad u tira yar oo lagu tilmaami karo in ay yihiin mooriyaantii isbaarada u taalay Somalia oo iminka u soo wareegay ISBAARO ELECTRONIC,maalin walba waxaa la arkaa waxyaabo dhaqanka suuban ee Islaamka iyo anshaxa Somalida ka fog oo intii xishoodkii laga tegay loo laabtay waxyaabo dhaqanka Somalida aan lagu aqoon ah in Hooyo,walaalo iyo dumar lagu fadeexeeyo Internetka,si dagaal aar gudsi ah loo sameeyo.

 

 

Bilowgii sanadkan 2016 waxaa baraha FACEBOOK iyo YOUTUBE lagu arkay,arimo runtii aad looga xishoodo,waxaa VIDEO laga soo duubay gabar yar oo indha shareer u xiray si wejigeeda aan loo arkin oo leh,waxaa i KUFSADAY aabahay!.

Shaqsiga lagu eeday arintan foosha xun waa milkiilaha shabakada DAYNIILECOM.COM  Mr AXMED CALI KALAAY oo ah kuwii ugu horeeyay ee Somalida markii INTERNETKA bilowday,waa website nooca loo yaqaan TABLOID oo aan qorin waxyaabo tayo leh.

Hadaba arimahan yaa ka dambeeyay? runtii waxaa jiray dagaal u dhexeeya Mr KALAAY iyo shaqsi kale oo magaciisa la yiraahdo ABDIHAKIIN OSMAN NUUR oo ku nool magaalada MINNESOTA ee wadanka Mareykanka.

Dagaalka waxaa suura geliyay in uu qarxo shaqsiga magaciisa la yiraahdo ABDIFITAH AHMED "AAM" oo ah shaqsiga leh isla markaana soo geliyay VIDIYOWGA shabakada XOGTAMEDIA.COM

AAM waa shaqsi aad looga yaqaan warbaahinta wuxuu ka diiwaan gashan yahay shabakadiisa magaalada BORAMA ee SOMALIA,iminka wuxuu u soo wareegay GALMUDUG,isagoo mar walba isticmaala labada EMAIL xogtacom@gmail.com iyo abdifitahaam@hotmail.com iyo barta YOUTUBE oo uu ku leeyahay ACCOUNT.

 

 

 

Tusaale ahaan ku qor GOOGLE emailka abdifitahaam@hotmail.com ka dibna eeg waxa soo baxa,waa shaqsi waqti aad u dheer ku shaqeysan jiray arimo noocan ah.

 

Shaqsiga kale ee dagaalka kulul ay isku hayaan AXMED ALI KALAAY waa ABDIHAKIIM OSMAN NUUR oo hore aan u soo sheegnay eeg sawiradiisa oo kala ah kuwa caadi ah iyo kan uu barta DAYNIILE soo dhigay tafatiraha.

 

Kuwa caadiga ah ee ku jira barta FACEBOOK ee ABDIHAKIM OSMAN NUUR:

 

 

Sawirada la soo geliyay shabakada DAYNIILECOM.COM oo ah kuwa PHOTOSHOP loo isticmaalay:

 

 

Tabcan dagaalka u dhexeeya shaqsiyadan wuxuu ahaa mid aad u dheer,aqri qoraalada hoose ee lagu daabacay shabakada DAYNIILE:

 

http://www.dayniilecom.com/Decenbar15/1Decenbar24.html

 

http://www.dayniilecom.com/Decenbar15/1Decenba49.html

 

http://www.dayniilecom.com/December2015/31December27.htm 

 

 

MUUQAALKA gabadha la yiri waa 16 jir oo aabaheed kufsaday maxaa ka jira? baaritaan dheer markii aan sameynay,inagoo isticmaaleyna tiknoolijoyada casriga ah waxaan soo ogaanay 100% in ay BEEN tahay oo waxba ka jirin!.

 

Tusaale ahaan sheekadan ma ahan mid cusub,shabakada XOGTAMEDIA waxay soo qortay bishii DECEMBER 20keeda 2015 in AXMED CALI KALAAY uu hooyadii kufsaday!, tabcan VIDEO lama socda oo waxay waayeen QOF waayeel ah inta lacag yar la siiyo tiraahda WIILKEYGAA i kufsaday.

 Qaladka ugu weyn ee ay sameeyeen dadka ka soo duubay VIDIYOWGA waa iyagoo ku yiri "HADALKA MUHIIMKA AH KU SOO CEL-CELI" luqadda Ingiriiska waxaa lagu yiraahdaa Repetition,kaasoo lagu doonayo in aqristaha,daawadaha ama dhegeystaha ay si fiican u arkaan ama u maqalaan waxa ay doonayaan in laga dhaadhiciyo:

 

 

TUSAALE: gabarta VIDIYOWGA laga duubay waxay tiri oo ay ku soo cel-celisay  - DAYNIILE iyo AXMED SHEEKH ALI KALAAY,taasoo loo sheegay in ay tiraahdo marar badan,waxaa kale oo loo sheegay jawaabta ay daawadayaasha is weydiinayaan oo ah "MAY U TAGTO BILEYSKA MASAR" waxay tiri wadankaan DOWLAD ma leh,waxay leedahay MASAR hadii lagu KUFSADO cid wax ka qabaneysa ma leh,ugu dambeyn waxaa loo sheegay in ay OOHIN iska keento si dadka daawada ay u rumeystaan.

Si fiican u dhegeyso 58 seconds markii uu marayo VIDIYOWGA,waxay iloowday magaca AXMED SHEEKH CALI KALAAY.

Gabadhan weligeed SWEDEN ma tegin,caruurta Somaliyeed ee ku dhalatay ama ku kortay wadanka SWEDEN qaab u gooni ah oo ay u hadlaan ayaa jirta,waxay dhowr jeer isticmaashay luqadda Ingiriiska,sida SO MANY TIMES,PLEASE oo ay ku soo cel-celisay.

Baaritaanka waxaan ku soo af jaray in dagaal uu dhex maray shaqsiyadaha aan kor ku soo xusnay,sida keliya ee laysaga aarsan karo ay ka dhigeen in HOOYO iyo GABADHIISA ayuu xoogay ay dhinac ka yiraahdaan,dhanka kalena waa KHANIIS oo GAAL ah uu yiraahdo,saa horay u soo sheegnay waa ISBAARADA INTERNETKA oo dagaal isku qaaday.

Laakiin waxaa xaqiiq ah in AXMED SHEEKH CALI KALAAY arimaha laga sheegay aan sal iyo raad lahayn.

 

UPDATE:

 

VIDEO cusub oo ay soo duubtay gabadhii tiri aabahay ayaa i KUFSADAY oo iminka leh DAROOGA ayaa la i siiyey ee waa BEEN waxba kama jiraan!

 

Qore: Abdinasir Ismail "SOLA"

 

Investigative Journalist

 

La xiriir: info@solaportal.com