Information for Community and Investigation

WADANKA UK OO "BROADBAND IYO MOBILE CONTRACT" IS BEDEL WAYN LAGU SAMEEYAY

On 12/1/2015 (IST)

networksHadii aad tahay shaqsi ku nool wadanka UK,isla markaana isticmaala BROADBAND ama INTERNET "ISP" iyo telefoonka gacanta ee MOBILE PHONE,laga bilaabo 11.6.2015,is bedel aad u weyn oo dhanka HESHIINSKA "CONTRACT" ayaa lagu sameeyay,iyadoo tusaale ahaan shirkadaha INTERNETKA bixiya hadii aad u saxiixdid 1SANO, aysan kuu ogolaan in aad ka baxdid heshiiska ama contractka,hadii aad joojisana ay ku ganaaxayaan,shanka kale shirkadaha ugu waaweyn ee bixiya TELEFOONKA GACANTA sida - EE,T-MOBILE,3,VIRGIN,ORANGE iyo VADOFONE,ay inta badan saxiixaan 12 ama 24 bilooad,ayaa iminka lagu qasbay in ay u ogolaadaan macaamiishooda bedelida CONTRACT,waqtigii ay doonaan.

 

Tusaale ahaa hadii INTERNETKAAGA uu daciif yahay ama sidii la rabay uunu shaqeyn,waxaad ku wareegi kartaa shirkad kale adigoo wax ganaax ah haba yaraatee aan kugu dhicin.

Dhanka MOBILEKA wuxuu bilaabanayaa bisha soo socota ee LUULYO,iyadoo lagu qasbay in ay joojiyaan CONTRACT aan laga bixi karin,isla markaana lagu wareegi karin PROVIDER kale,waxaa kale oo shirkadaha bixiya MOBILE CONTRACT lagu qasbay in ay joojiyaan lagacaha ay ka qaadaan isticmaalayaasha xiliga ay doonayaan UNLOCK si ay ugu biiraan shirkad kale,taasoo ah lacag u dhexeysa 20 ilaa iyo 40 POUND,iyadoo xiliga la sugo uu ku dhowaa 28 maalmood,iminka waxaa loo bedelay 2 saac in isticmaalaha uu ku wareegi karo ama SWITCH ku sameyn karo.

Waxaa kale oo isticmaalaha INTERNET -BROADBAND iyo TELEFOONKA guriga loo ogolyahay in uu ka bixi karo xiliga uu doono CONTRACT,hadii shirkadaha bixiya shaqooyinkan sida  - BT,EE,SKY,VIRGIN ama TALKTALK ay ka soo bixi waayaan wixii ay balan qaadeen xiligii loo saxiixay CONTRACTIGA.

 

Waxyaabaha ugu dhibka badan ee isticmaalayaasha BROADBAND - INTERNET iyo MOBILE PHONE ay la kulmaan waxaa ka mid:

 

1- Contractiga waqtigii aan dhamaan hadii la joojiyo:

Tusaale ahaan hadii aad saxiixday CONTRACT ah £30 bishii oo LIX BIL ah,£ 180 ayay kaa qaadayaan hadii aad is tiraahdid waqti hore ka bax HESHIISKA.

 

2-Unlocking oo ah KOOD ay ku siinayaan hadii aad u wareegaysid shirkad kale:

Shirkadaha qaarkood hadii aad ka codsatid UNLOCKING si aadugu wareegtid PROVIDER kale,waxay ku weydiinayaan lacago kala duwan iyo 28 maalmood oo aad sugtid.

 

3-Delay ama Dib u dhac xiritaanka BROADBAND-INTERNET

Si aad uga wareegtid shirkada aad ka isticmaashid BROADBAND iyo TELEPHONE SERVICE waxaad u baahan tahay MAC KOOD,oo kuu sahlaya in shirkada cusub ay kuu furto ACCOUNT cusub,shirkadaha qaarkood DIB U DHAC ama DELAY ayay kugu sameynayaan si aad ula joogtid.

 

4- Shirkadee ugu xun dhanka TELEFOONKA GURIGA iyo BROADBAND?

EE iyo TALKTALK waxaa la ogaaday in ay yihiin kuwa ugu shaqada xun hadii loo eego shirkadaha kale ee bixiya SERVICEKA noocaan ah.

 

5- Shirkadee ugu xun dhanka MOBILEKA?

VODAFONE ayaa laysku raacay in ay tahay tan ugu xun,hadii loo eego CONTRACT,SERVICE iyo CUSTOMER SERVICE.

 

TIP: Si aad u heshid CONTRACT ama DEAL fiican,xiliga uu dhamaado heshiiska,mar walba u sheeg in aadan ku faraxsanayn qaabka cusbooneysiinta CONTRAAGA cusub,oo aad rabtid in aad shirkad kale u wareegtid,waxay kuu gudbinayaan "Retention Department" iyagoo aad ka heli kartid CONTRACT RAQIIS ah.

 

Qore: Abdinasir Ismail "SOLA"

Wixii macluumaad ah la xiriir: info@solaportal.com