Information for Community and Investigation

SHAQSIGA GABDHAHA SOOMAALIYEED SAWIRADOODA SHABAKADO U SAMEYSTAY KUNA FADEEXEEYA "SPECIAL REPORTS"

On 12/1/2015 (IST)

kamShantii sano ee ugu dambeysay waxaa baraha INTERNETKA ku soo batay shabakado raqiis ah oo loogu tala galay in GOOGLE looga lacageysto,iyagoo shaqo ka dhigtay in wax dhaqanka ISLAAMKA iyo kan SOMALIDA ka baxsan ay ku soo qoraan,waxay isla markaa isticmaalaan SAWIRRO ay si tuugnimo ah uga xadeen gabdho Somaliyeed,waxyaabaha ay soo qorayaan aan shaqo ku lahayn,iyadoo arimahan ay ku dhaqaaqeen keentay dhibaatooyin fara badan oo soo gaarta gabdhaha sawiradooda la xaday iyo qoysaskooda.

Shabakada solagroups.com oo arday aad u tira badan oo Somali ah ay ka bartaan cilmiga ICTga ee Computerada ayaa waxay ka sameysay casharo ka digaya halista ay leedahay gelista shabadaha noocaas ah oo hadii aad riixdid qoraal ay soo qoraan kaa sameynaya lacag isla markaana VIRUS ku dhex qarsan kaa xadaya BAASWOORADA Facebooga iyo Emailadaada -

 

DAAWO LINKIGA HOOSE:

Hadaba baaritaan dheer oo aan ku sameynay dadka ama shaqsiyada ka dambeeya oo inta badan ku kala nool wadamada SOUTH AFRICA - MALAYSIA - iyo EAST AFRICA ayaa waxaan idin soo bandhigeynaa shaqsiga ugu weyn oo QASAARO iyo FADEEXAD ad u weyn gaarsiiyay GABDHAHA SOMALIYEED ee ku kala nool dalka gudihiisa iyo qurbaha.

Magaciisa waxaa la yiraahdaa ABDIRIZAK YUSUF ABDALLA oo ku magac dheer "ABDIRIZAK KAMPALA",wuxuu ku nool yahay magaalada CAPE TOWN ee dalka SOUTH AFRICA,isagoo yiri waxaa ahay WERIYE isla markaana sameystay 30 SHABAKAD oo sababta loo dhisay ay tahay in TAANOOYINKA GOOGLE uu lacag uga helo.

ABDIRIZAK KAMPALA oo isticmaala FACEBOOGAN ayaa wuxuu noqday shaqsiga ugu dhaqanka xun ee lagu arko SOMALIDA isticmaasha SOCIAL MEDIA iyo shabakadaha raqiiska ah ee lagu dhiso WORD-PRESS oo 5 daqiiqo lagu dhiso karo.

 

Ugu horeyn aan isla eegno boga uu ku leeyahay barta FACEBOOK - eeg sawirka hoose:

 

Waxa ugu horeeya ee indhahaaga ku dhacaya waa XAJARUL ASWAD ama KACBADA barakeysan ee ku taala magaalada UMMUL QURAA,taasoo qofkii arka isla markiiba oranaya waa shaqsi wanaagsan oo dhanka DIINTA ka diyaarsan,laakiin arintaa aad ayuu uga fogyahay,waxaa hubaal ah asxaabta faraha badan ee FACEBOOK uu ku leeyahay oo gabdho Somaliyeed u badan yihiin aysan ka warqabin dhaqanka ABDIRIZAK KAMPALA oo maalin walba SOCIAL MEDIYAHA ka soo xada sawiradda gabdhaha ka dibna u kala isticmaala shabakadihiisa,isagoo raacinaya qoraalo runtii qof MUSLIM ah aan aqrin karin.

 

ABDIRIZAK YUSUF ABDALLA oo ku magac dheer "ABDIRIZAK KAMPALA"

 

Shabakadaha ku diiwaan gashan magaciisa oo FADEEXADA iyo FUSQIGA uu lacagaha kaga sameeyo waa kuwan hoose:

 

Tan ugu foosha xun ee GABDHAHA Somaliyeed uu ku dhibaateeyo waa SIRHUFAN.COM, oo sida aad dusha ku aragtaan uu yahay milkiilaha magaciisa uu ku diiwaan gashan yahay,laakiin dhamaadkii bishan waxaa dhacday in uu magacii diiwaan gelinta ka bedelay ka dib markii CADAADIS xoog leh uu kaga yimid WIILAL la dhashay gabdhaha uu ku xumeeyay shabakadan: eeg sawirka hoose:

 

Laakiin KAMPAALA oo aqoontiisa cilmiga computeraadka ay aad u yartahay ayaa ilooway HOST ama meesha shabakada lagu keydiyo oo uu kaga tegay isla shirkadii magicii hore oo ah HOST MASTER kana dhisan wadanka DENMARK,sawirka dusha meesha ay ku qoran tahay UPDATED DATE waa 5 maalin ka hor waqtiga qoraalkan baarista ee shabakada SOLAPORTAL la qoray  24.9.2015

 

Iminka eeg qoraalada uu ABDIRIZAK KAMPAALA uu maalin walba soo geliyo shabakadan u ah MASTERKA!

 

Taariikhda waa KHAMIIS bisha SEPTEMPER 17 2015

Ka dib markii baaritaanka dheer aan ku sameynay! eeg isbedelka uu hore ka sameeyay,isagoo gebi ahaan ka saaray sawiradii gabdhaha Somaliyeed ee ku jiray SIRHUFAN!

 

KHAMIIS bisha SEPTEMPER 24 2015

 

 

OK Iminka aan eegno qaabka loo dhex galo ADMINKA ama meesha isaga u qaaska ah ee uu qoraaladan foosha xun uu ka soo geliyo!

 

Isku daya in aad gashaan shabakada SIRHUFAN - ka dibna aad aqrin kartaan ama furi kartaan linkiyada anshaxa xun - isla markiiba wuxuu kugu soo celinayaa SHABAKADA!

 

Iminka si fiican aan u barano ABDIRIZAK YUSUF ABDALLA  "ABDIRIZAK KAMPALA"  oo ku nool magaalada CAPE TOWN wuxuu ka qabto,gaariga uu wato,asxaabtiisa iyo nolol maalmeedkiisa,waayo waa shaqsiga sharafta iyo xushamada gabdhaha Somaliyeed dhowri waayey.

Waxaa muhiim ah in BANAANKA la soo dhigo,waxaan eegeynaa shabakadihiisa,emailada kala duwan ee uu isticmaalo iyo sida uu u doonayo in uu maran habaabiyo dadka aan cilmiga ICTga aqoon.

 

Ugu horeyn aan isla eegno INSTAGRAM iyo TWITTERKA uu isticmaalo.

 

In uu MUNAAFAQ yahay bal eeg sawirka hoose ee TWITTERKIISA,waxyaabaha uu isla waqti soo geliyay!

 

Waxaa laga yaabaa dad aad u fara badan oo FACEBOOK saaxiib kula ah oo u badan GABDHO in aysan ka warqabin - dhaqanka KAMPALA!

 

 

Waxaan iminka aragnaa in markii FILIMKIISA la ogaaday uu yara KULULAADEY!

 

 

 

 

EMAILAKA ugu badan ee ABDIRIZAK KAMPALA uu isticmaalo waa kambaala77@gmail.com,waxaa soo raaca wadanigaweb@gmail.com oo loo isticmaalo shabakad ka dhaqan xun tan SIRHUFAN oo la yiraahdo - wadaniga.net - eeg qoraalada uu soo geliyo.

 

Muhiimada iyo baarista qoraalkan waa in xiligan aan ku jirno aadan ku gaban karin qol yar iyo LAPTOP aad umadda aan wax kaa galabsan ku fadeexeysid,runtii shabakada SOLAPORTAL waxaa la soo xiriiray gabdho SOMALIYEED oo aad u murugeysan,ka dib markii sawiro qaas u ah uu shaqsigan u isticmaalay si qaldan oo sharciga diinta ka baxsan.

Tabcan ABDIRIZAK KAMPALA wuxuu xaq u leeyahay in uu soo qoro wixii uu doono oo ANSHAX XUMO AH,laakiin ma isticmaali karo SAWIR gabar SOMALI ay leedahay.

Hadii uu RAALI GELIN ka bixiyo qoraaladii iyo anshax xumadii uu kula dhaqmay gabdhaha Somaliyeed - waxaa macquul ah in TOOSHKA baarista SOLAPORTAL uu ka wareegsan doono - ka hor waxaa iminka lagu furay DACWAD shirkada bixisa HOST ama keydka shabakadihiisa oo ku taala wadanka DENMARK oo sharciga YURUB ee cusub lala tiigsanayo - kaasoo ah - REVERGE PORN.

Shabakada SOLAPORTAL waxay la xiriirtay - shirkada HOST MASTER oo laga xukumo wadanka DENMARK oo go,aan ka gaarta wixii sharci jebin ah ee lagu sameeyo HOST walba oo ka diiwaan gashan wadankooda.

 

Qore: ABDINASIR ISMAIL "SOLA"
 
Professor of Electrical Engineering and Computer Science
 
La xiriir: info@solaportal.com