Information for Community and Investigation

QAABKEE LOO BEDELI KARAA MAGACAAGA HADII AAD KU NOOSHAHAY UK?

On 12/1/2015 (IST)


    pInta badan Somalida ku nool wadanka UK waa dad si QAXOOTINIMO ah ku soo galay,iyadoo ay isticmaalaan magacyo aan ahayn kuwii ay ku dhasheen ama loo bixiyay,taasoo mararka qaarkood xiliga ay helaan sharciyada wadanka UK ama BAASBOORKA ay ku adagtahay in Caruurtooda la siiyo magac iyo isir aysan shaqo ku lahayn,nasiib wanaag waxaa jira qaab aad u fudud oo lacag yar ku baxda isla markaana MAGACAAGA,MAGACA AABAHAA,KAN AWOWGAA,KAN CARUURTA aad waqti 5 maalmood ka yar ku bedeli kartid,iyadoo sharciga UK na uu waafaqsan yahay.




   




    Waxaad bedeli kartaa magaca ku yaala DRIVING LICENCE - NATIONAL INSURANCE NUMBER - PASSPORT,BANGIGA,KUWA CARUURTA iyo wixii DUKUMENTI ah ee aad isticmaashid,adigoo u baahan oo keliya waraq la yiraahdo DEED POLL,oo dhamaan hay'adaha UK ay ictiraafsan yihiin.




    Wax dhib ah haba yaraatee kuu keeni mayso, magacii aad hore u isticmaali jirtayna halkaa ayuu ku dhamaanayaa.




    DEED POLL waxaad ka dalban kartaa ONLINE adigoo lagaa rabin wax XAQIIJINAYA magacaagii hore iyo sababta aad u bedeleysid,5 maalmood ka dib markii ay kuu soo dhacdo waraaqda DEED POLL,isla markaa waxaad u kala direysaa wasaaradaha UK ee qaabilsan wixii aad dooneysid in aad u bedeshid magacaaga cusub.




    Shirkada ugu caansan ee sameysa DEED POLL waaUK DEED POLL SERVICE  HALKAN RIIX




   

    Su'aalaha inta badan iman kara iyo jawaabtooda hoos ka aqri:




     




    1- CARUURTA aan dhalay magacooda ma bedeli karaa?




    Haa waad bedeli kartaa,hadii da'da ay ka yartahay 16 - waxaa loo baahan yahay in AABAHA iyo HOOYADA ay RAALI ka wada yihiin,hadii aysan isku meel joogin ama aanu is qabin,qofka maqan waa in laga helaa waraaq ogolaansho ah:




   




     




    2- Imisa jeer ayaan bedeli karaa magaceyga?




    Intii aad doontid ayaad bedeli kartaa magacaaga,adigoo mar walba buuxinaya FOOM cusub.




     




    FOOMKA is diiwan gelinta magac bedelka HALKAN RIIX




     




    Waraaqda DEED POLL waxaa laguu soo dirayaa waqti 5 MAALMOOD ah,waxaad codsan kartaa dhowr koobi,si aad ugu kala dirtid hay'adaha aad magacaaga ka bedelaysid




     




   




     




    Xiliga laguu soo diro waxaa loo baahan yahay in ay kugu hor saxiixaan laba qof oo MARQAATI ah si - waraaqda loo aqbalo.




     




    MUHIIM:




    Magaca hadii aad bedeshid - BAASBOOR CUSUB iyo wixii kale ee DUKUMENTI ah laguu soo diro,magacaagii hore waa MAMNUUC in aad isticmaashid,wax walba INVALID mise WAXAAN JIRIN ayaa laga dhigayaa,meel walbana waa laga masaxayaa,markaa ha is oran LABA MAGAC ayaad isla isticmaali kartaa.




    Wadanka UK,da'a lama bedeli karo,waxaa keliya uu bedeli kara MAXKAMADA SARE,iyadoo kaashaneysa DNA iyo RAAJADA ILKAHA,taasoo 100%85 sheegi karta da'da saxa ah.




     




    Qore: Abdinasir Ismail "Sola"




     




    Wixii macluumaad ah la xirir   info@solaportal.com