Information for Community and Investigation

QAABKA AY U QAADAN KARAAN DHALASHADA UK - SOMALIDA BAASABOORADA YURUB WADATA.

On 12/1/2015 (IST)

eu3Wadanka UK waxaa ku soo batay dad SOMALI ah oo wata BAASBOORADA YURUB,kuwaaoo ay ugu badan yihiin wadanka HOLLAND - NORWAY - TALYAANIGA - SWEDEN - JARMALKA - DENMARK iyo FINLAND,kuwaasoo inta badan ku dega wadanka boqortooyada Ingiriiska - BAASBOORADA ay wataan oo loo ogolyahay,laakiin wadanka Ingiriiska 5tii sano ee ugu dambeysay waxaa ka talinayey xisbi dhanka midig ah oo ay maamulka iskula jireen mid garabka bidix,iyagoo mar walba isku daya sidii sharciga wadanka ay wax uga bedeli lahaayeen.

Sanadkan 2015 waxaa maamulkii si rasmi ah ula wareegay xisbiga siyaasadiisa adag tahay ee CONSERVATIVE PARTY o ku balan qaaday in ay wax ka bedeli doonaan,qaabka ajaaniibta ka yimaada banaanka EU "MIDOWGA YURUB iyo kuwa kale ee EUROPEAN UNION BAASBOORKOODA haysta.

Hadaba SOMALIDA ku nool UK siday arimahan u saameeyn kartaa? ugu horeyn muhiimada ugu weyn waa in aad  bedeshaa dhalashadaada hadii aad is leedahay waxaad ku sii noolaan doontaa wadanka UK,tan xigta qaabka loo bedelo waa mid aan sahlaneyn oo inta badan la aqbalin,sidaa awgeed shabakada SOLAPORTAL waxay idin soo bandhigeysaa sida ugu fudud ee loo qaadan karo dhalasho iyo BAASBOOR BRITISH ah.
 

Wadamada YURUB waxaa loo kala saaray laba nooc oo kala ah:

 

Ugu horeyn waa in aad xaqiijisaa in laguu ogol yahay ku noolaanshaha wadanak UK,adigoo ah qof haysta BAASABOOR EU ah.

Waxaa loo baahan yahay is diiwaan gelin iyo kaarka aqoonsiga degenaanshaha wadanka UK.

 

FOOMKA waraaqda degenaanshaha UK hoos ka Download garee:

 

Download Garee11

 

 

 

 

 

Qof walba oo sameynaya dalabka waraaqda aqoonsiga degenaanta UK waxaa looga baahan yahay:

 

BAASBOORKIISA

2 SAWIR BAASBOOR OO MIDABLE AH

QOYSKAAGA BAASBOORKOODA AMA WARAAQDA DEGENAANSHAHA WADAN EU AH

ASTAANTA Biometric,WAXAA LAGU SAMEYN KARAA BOOSTADA,IYADOO UU KU BAXAYO QARASH AH £ 19.20

SAWIR INDHAHA IYO FARAHA AYAA LAGAA QAADAYAA

WAA IN AAD SAXIIXDAA

CARUURTA DA'DOODU AY KA YAR TAHAY 16 WAA IN WAALID AMA QOF MAS'UUL AH UU LA SOCDAA

CARUURTA DA'DOODU AY KA YAR TAHAY 6 UMA BAAHNA IN GACMAHA LAGA SAWIRO,SAWIR CAADI AH OO KELIYA AYAA LAGA QAADAYAA

LACAGTA LAGU DALBAN KARO QOFKIIBA WAA £ 65.

 

5 SANO hadii aad ku nooleyd wadanka UK,adigoo u yimid SHAQO,GANACSI,ARDEYNIMO isla markaana ah qof isku filan oo CAYRTA wadanka aan u baahnayn,sharciga wadanka boqortooyada BRITIAN wuxuu kuu ogol yahay in aad si rasmi ah ugu noolaatid "permanent resident" wadanka ka dibna aad JINSIYADA qaadatid " later for British Citizenship."


Shaqsiga dalbanaya dhalashada wadanka UK waa in uu ahaada qof DABCI wanaagsan oo wax dembi ah aan hore u gelin, hadii ay ahaan lahayd wadanka uu ka yimid ee YURUB iyo dalka UK,taasoo hadii laguugu helo dib u dhigeyso helida dhalashada iyo degenaanta, sida aan la socono YURUB waxaa ka wada dhexeeya DATABASE.

Sharciga wadanka UK waxa kale uu dhigayaa in shaqsi kasta oo aan wadankan ku dhalan laga celin karo BAASBOOR hore loo siiyay, waqtiguu doono ha qaatee,waxaa ka mid ah.

JEBITA KHAYAANADA iyo KU HELIDA BAASBOORKA si aan DAACAD AHAYN, tusaale hadii laguugu helo dembi ah in DANTA wadanka UK aad ka soo horjeedo ama dagaal  looga soo horjeedo boqortooyda Ingiriiska si fudud ayaa Jinsiyada lagaaga celinayaa: tusaale aqri qoraalka hoose:

Mahdi Hashi: How easy is it to lose British citizenship?

 


Waxaa kale oo iminka soo baxday in loo diido cusbooneysiinta BAASBOORKA,shaqsiyo mudo aad u dheer ahaa MUWAADIN,kuwaasoo la soo ogaadey in ay si BEEN ABUUR ah ku qaateen: aqri qoraalka hoose:

Immigration: Home Office refusal to renew British passports

 

Waxaa kale oo xusuus mudan in wadanka UK laguu ogolyahay Dual citizenship oo ah isla haysashada laba dhalasho,sida UK iyo SWEDEN ama wadamada kale ee YURUB,laakiin dowlada Ingirriska gacan kuma siin karto hadii aad laba dhalasho aad isla leedahay,tusaale ahaan, hadii aad BRITISH iyo BAASBOOR KENYAATI aad leedahay oo wadanka KENYA laguugu xiro, safaarada ama dowlada Ingiriiska waxba kuu qaban meyso.

Wixii macluumaad ah ee la xiriira qaabka loo dalban karo dhalashada wadanka UK,hadii aad tahay shaqsi wata BAASBOOR YURUB ah,fadlan si fiican u aqri qoraalka hoose:

 

EU EEA

 

 

Qore: Abdinasir Ismail "SOLA"

Wixii macluumaad ah fadlan la xiriir EMAILKA HOOSE:

info@solaportal.com