Information for Community and Investigation

KENYA OO AAN LA SOO GELI KARIN VISA LA'AAN WIXII KA BILOWDA 1da SEPTEMPER 2015 "SPECIAL REPORT"

On 12/1/2015 (IST)

pvWadanka KENYA oo VISAHA uu bixiyo laga qaadan jiray GAROOMADA DIYAARADAHA ee wadankaas marka aad soo caga dhigatid ayaa gebi ahaan bedelay qaabkii hore,iyadoo iminka ay u gudbeen qaabka wadanka MAREYKANKA ee ah - ONLINE APPROVAL ama in aad codsi ka sameysid INTERNETKA,ka dibna laguu soo ogolaado,sida ay sheegeen waaxda socdaalka ee KENYA,qaabkan cusun ee VISAHA loo bixiyo wuxuu qaadan karaa 5 daqiiqo ama 5 maalmood.

Arintan waxay saameyn ku yeelaneysaa wadan walba oo ay ku jiraan SOMALIDA ka timaada wadanka SOMALIA iyo SOMALIDA qurba joogta ah ee wata BAASBOORADA ajanabiga wadankuu doona ha ahaadee.

Sababta ay arimahan cusub ugu dhawaaqeen  waa iyadoo lagu ilaalinayo AMNIGA wadanka,isla markaana la doonayo in la joojiyo qaab gacmeedkii "MANUAL VISA" ee madaarada KENYA looga qaadan jiray,taasoo lagu arkay in ay fududeyso MUSUQMAASUQA shaqaalaha waaxda socdaalka ee ka hawl gala wadankaas.

Qaabka loo dalban karo

Isla waaxda socdaalka KENYA waxay ku dhawaaqday in ilaa iyo dhamaadka bisha LUULYO 2015,ay u ogolaan doonaan dadka u soo socdaala wadanka KENYA in ay isticmaalaan qaabkii hore ee wadankooda lagu soo geli jiray,laakiin 1.9.2015 ay qasab ka dhigi doonaan.

 

ARINTAN WAXAY SAAMEEYNEYSAA BAASBOOR WALBA!

 

Ugu horeyn MACLUUMAADKA aad u baahan tahay - ka eeg sawirka hoose:

 

AF-SOMALI

 

SIDEE LOO DALBADAA?

Waxaad u baahan tahay 

 

1- In aad iska diwwan gelisid https://account.ecitizen.go.ke/register 

2- Xul diiwaan gelinta booqadaha

3-Markii aad geshid,xul Wakaalada Adeega Socdaalka

4- Gudbi FOOMKA aad buuxisay

5- Dooro VISAHA KENYA

6- Xul noocaha VISAHA aad rabtid,si fiican u aqri

7- Buuxi FOOMKA

8- Bixi lacagta VISAHA,adigoo isticmaalaya VISA - DEBIT ama MASTER CARD

9-Iminka waxaad sugtaa in laguu soo ogolaado VISAHA,EMAIL ahaan ayaa loo soo dirayaa, soo daabac adigoo isticmaalaya ACCOUNT aad hore u sameysay.

10-VISIHII aadsoo daabacday waa in aad la timaadaa xafiiska waaxda socdaalka,hadii ay ahaan lahayd CIR,DHUL ama BAD.

 

MUHIIM:

 

1- Lacagta VISAHA soo celin ma leh

2-FOOM sidii loogu tala galay aan loo buuxin, waa laguugu soo celinayaa

3-VISAHA lagu siiyay ma ahan in wadanka KENYA aad geli kartid, mar walba waxay ku xiran tahay go,aanka waaxda socdaalka

4-Ganacsi ama shaqo aadan u haysan RUQSAD hadii laguugu helo, sharciga ayaad jebisay.

5-Mar walba waxaad u baahan tahay VISA inta aadan gelin KENYA

6-VISAHA aad soo daabacday waa in aad la timaadaa meesha aad ka soo gelaysid KENYA.

7-Ilaa iyo laba maalin ayay qaadataa si VISAHA laguugu soo diro.

8-Qof walba oo QAAN-GAAR ah waa in uu weydistaa VISAHA KENYA,isagoo isticmaalaya ACCOUNT EVISA uu ka furtay,waalidka ayaa u dalbi kara caruurta iyagoo isticmaalaya isla ACCOUNTKOODA.

 

 

Qaabka aad u dalban kartid VISAHA KENYA waa sidan: ugu horeyn waa in aad iska diiwaan gelisaa shabakadan: https://account.ecitizen.go.ke/register  

 

 

Ka dib waa in aad buuxisaa FOOMKA hoose si - waaxda socdaalka ay kuugu soo dirto - MAGAC IYO PASSWORD aad ku dalbatid VISAHA:

Iminka fiiri EMAILKAAGA - si aad u xaqiijisid

 

Intaa ka dib sii buuxi FOOMKA si aad u heshid VISAHA,adigoo sugaya mudo gaaban,waxaa lagu soo dirayaa EMAIL ama aad ka arki kartaa ACCOUNTKA aad ka sameysay.

 

 

Dowlada KENYA waxay bixisaa dhowr nooc oo VISA ah  - 

  • Transit Visa ($50)
  • Single Journey Visa (Business/Holiday) ($50)
  • Multiple entry Visa ($100)
  • East Africa Tourist Visa (Kenya, Uganda and Rwanda) ($100)

 

 

Dhibka ugu weyn ee VISAHA cusub,waxaa laga dareemi doonaa SOMALIA iyo wadamada aan laga isticmaalin CREDIT ama DEBIT CARD,kaasoo dowlada KENYA ay ku dooneyso in ay ogaato qof walba oo wadankeeda soo gelaya meesha uu ka yimaaday iyo in wadanka dhanka nabad geliyada uu wax u dhimi doono,CREDIT CARD qof kale uu leeyahay tabcan waa la siticmaali karaa,laakiin xoogaa waa ka sii yara adag tahay.

 

Wixii macluumaad ah la xiriira SAFAARADAHA KENYA ee wadamada aad ku nooshihiin.

 

Qore: Abdinasir ismail "SOLA"

info@solaportal.com