Information for Community and Investigation

IS BEDELKA CAYRTA UK IYO SAAMAYNTA QOYSASKA SOMALIDA! UPDATED 12.7.2015

On 12/1/2015 (IST)

money 

 

Wadanka Boqortooyada UK sanad walba waxaa dhaca is bedelo kala duwan ee dhanka GUNADA ama CAYRTA ay ku bixiso dadka danyarta ah ee ku nool wadamada isu tagay ee ENGLAND - SCOTLAND - WALES iyo NORTH IRELAND,shantii sanno ee ugu dambeysay wadanka waxaa isla maamulayey labada xisbi ee CONSERVATIVE oo garabka midig ah iyo LIBERAL DEMOCRATIC oo dhanka bidix ahaa,laakiin doorashooyinkii dhacay bisha MAAJO 2015,waxaa UK gebi ahaan ka dowlad ah xisbiga loo yaqaan TORY,kuwaasoo balan qaaday 10ka sanno ee soo socota in MIISAANIYADA wadanka wax ka bedeli doonaan.

Miisaaniyada cusub ee sandkan 2015 waxaa lagu dhawaaqay bilowgii bisha LUULYO,iyadoo isbedelo cusub la soo saaray,kuwaaoo waxyaabo badan ka bedeli doona qaabka CAYRTA wadanka UK loo siiyo dadka dan'yarta ah iyo kuwa aan shaqeyn karin ee naafada ah:

 

Waxyaabaha cusub waxaa ka mid ah?

1- QOYS WALBA IN AAN LA SIIN KARIN LACAG KA BADAN £385 ASBUUCII, HADII AY KU NOOL YIHIIN MEEL LONDON KA BAXSAN

QOYSASKA LONDON WAXAA LOO OGOLYAHAY IN LA SIIYO £442 KELIYA. TAASOO KA DHIGEYSA IN QOYS WALBA LOO OGOLYAHAY OO KELIYA £23.000 SANADKII HADII UU KU NOOLYAHAY LONDON,£20.000 BANAANKA LONDON.

2- WAXAA KALE OO ISBEDEL LAGU SAMEEYAY CAYRTA LA YIRAAHDO CHILD TAX CREDIT,OO QOYS WALBA 2 CARUUR OO KELIYA LA SIIN DOONO,TUSAALE AHAAN HADII AAD DHASHAY 10 CARUUR WAXAAD HELEYSAA OO KELIYA LABA CARUUR CAYRTOODA.

3- WAXAA KALE OO LA BEDELAY WORKING FAMILY TAX CREDIT, OO LA SIIN JIRAY QOYSKA SHAQEEYO SI LOO KABO LACAGTA AY HELI KARAAN,IMINKA WAXAA LA KORDHINAYAA MUSHAARKA LA SIIYO QOFKA KA SHAQEEYO QOYSKA,SI AAN DOWLADA LACAG U SIIN.

 

 

Hadaba arimaha CAYRTA iyo GUNADA guryaha siday u saameyn doontaa - jaaliyadda Somaliyeed ee ku dhaqan wadanka UK?dhamaadkii bisha MAAJO 2015 waxaa la furay BAARLAMAANKA cusub ee 2015/2020 waxaana QUDBAD dheer oo qaabka ay u shaqeyn doonaan soo jeediyay boqorada UK,waxyaabaha qoysaska Somaliyeed saamayn kara ayaa halkan ku soo bandhigi doonaa.

 

 SANADKA 2016/2017 DOWLADA WAXAY JOOJIN DOONTAA MUDDO 2 SANNO AH QAAR KA MID AH GUNADA LA SIIYO DADKA SHAQEYN KARA EE SHAQA LA'AANTA AH,SIDA GUNADA GURYAHA,TAN CARUURTA IWM.

 

 SANADKA 2016/2017 WAXAA SI RASMI AH LOO JOOJIN DOONAA GUNADA GURYAHA "HOUSING BENEFIT" EE LA SIIYO DADKA DA'DOODA AY DHEXEYSA  18-21 JIR - OO GOONI U DEGAYA

 

Wadanka UK xisaab xirka sanadka wuxuu dhacaa 31 ABRIIL,iyadoo sanad walba dowlada ay bixisa qarashka ku baxaya ilaa sanadka dambe "BUDGET",dadka gunada cayrta qaata mar walba isbedelo kala duwan ayaa ku dhaca,hadii ay ahaan lahayd lacagaha guryaha,kuwa caruurta,kuwa shaqada.canshuurta dowlada hoose "COUCIL TAX" iyo kuwa kale.

Waaxda u qaabilsan lacag bixinta ee Department for Work and Pensions waxay HESHIIS "CONTRACT" ay la gashay shirkad laga leeyahay wadanka Mareykanka si ay u eegto qaladaadka lacagaha faraha badan ku lumay isla markaana u soo celiso,waxaa awood loo siiyay in ay la xiriiri karto BANGIYADA si ay u ogaato lacagaha dadka qaarkood u soo dhaca,hadii ay noqon lahayd kuwa shaqada ama cayrta.

Shirkadan oo magaceeda la yiraahdo  CONCENTRIX- waxay bilowday in waraaqo aad u fara badan ay u dirto dadka CAYR QAATA,SHAQEEYA,AMA SINGLE AHAAN ay u qoran tahay laakiin ay yihiin QOYS isla nool,waraaqaha waa noocyo kala duwan,qaar waxay ku soo weydiinayaan inta saac ee aad shaqeysid iyo lacagaha ku soo gala,kuwa kalena markii ay soo ogaadaan in aadan SINGLE ahayn ama qof keligii nool - isla markiiba CAYRTA ayay kaa joojinayaan,ka dibna MAXKAMAD ayaa kuu soo dhaceysa.

Waraaqda hoos waxaan ku aragnaa in ay tahay mid ay kugu soo weydiinayan inta saac ee aad shaqeysid - wadanka UK si aad uga kaaftoonto CAYRTA waa in aad shaqeysaa ugu yaraan 24 saac,iyadoo gunada guryaha ay kuu kabayaan:

 

 

Qaabka ay ku soo ogaadaan in QOYS BUUXA ay isla nool yihiin waa iyagoo inta badan eega lacagta Bangiga ugu soo dhacda AABAHA oo 100/85 ah kan sheegta in uu SEPARATE ka noqday XAASKIISA,meelaha laga isticmaalay,Boostada u soo dhacda,meelaha uu ka dukaameysto "SHOPPING",meelaha uu BATROOLKA kaga shubto,saxiixa iskuulka hadii uu caruurta geeyo ama ka keeno iyo waxyaabo kale oo aad u fara badan.

Shirkadan waxay aad ula dagaalantaa dadka ajaaniibta ah sida Somalida ee YURUB sharci ama PASSPORT ku leh oo labada meel isku mar ka wada dalbada CAYRTA iyo GUNADA GURYAHA,taasoo lagu qabtay dad badan oo SOMALI ah - RIIX HALKAN

Dadka Somalida ah ee ugu badan oo CAYRTA lagu qabto,waa kuwa YURUB ka soo guuray oo qaabka uu SYSTEMKA wadanka UK u shaqeeya aan aqoon,oo dadka ay kusoo degaan ama asxaabtooda ka dhaadhiciya,qaabka loo dhaco wadankan,taasoo marka dambe inta la daba galo maxkamad la soo saaro ka dibna ay galaan CRIMINAL RECORD - RIIX HALKAN

Waxaa kale oo SOMALIDA ku cusub wadanka UK,laga dhaadhiciyaa in ay FAKE ID "AQOONSI BEEN ABUUR AH sameystaan si  CAYR kala duwan ay u qaataan,taasna waa qaabka ugu fudud ee lagu ogaado,iyadoo ganaax ama xabsi aad u dheer lagu muteysan karo RIIX HALKAN.

Ugu dambeyn hadii aad waraaq ka heshid CONCENTRIX waxay ku siinayaan oo keliya 30 MAALMOOD,waa muhiim  in aad ka jawaabtid,dhanka kale hadii ay kuu soo diraan waraaq ay ku qoran tahay - ADIGA iyo NINKAAGA waad isla nooshihiin,ha inkirin - waayo xiliga waraaqda ay kuu soo dhacdo baaritaan aad u weyn ayay kugu sameeyeen oo MAXKAMAD bey kula tiigsanayaan.

 

 

Qore: Abdinasir Ismail "SOLA"

Wixii macluumaad ah fadlan la xiriir EMAILKA HOOSE:

info@solaportal.com