CUDURKA KAADI MACAANKA "DIABETES" MAXAA KEENA SIDA LOO DAAWEEYO IYO QAABKA LOOGA HORTAGO?
On 12/1/2015 (IST)
Cudurkan halista ah ee KAADI MACAANKA,KAADI SOKOROOW ama DIABETES,wuxuu ka mid yahay cudurada loo yaqaan "Chronic Diseases" kuwaasoo ah cudurada aan daawo loo hayn laakiin gacan ku hayn ama contoll lagu sameyn karo,cudurkan waxaa loo kala saaray laba nooc oo kala ah - TYPE1 iyo TYPE2 oo ah NOOCA 1 iyo NOOCA 2aad.
TYPE1 wuxuu yimaadaa marka BEERYARADA ama PANCREAS aan soo saarin INSULIN ama daawo jirka ku filan.
TYPE 2 wuxuu yimaadaa marka BEERYARADA ama PANCREAS aan soo saarin INSULIN ku filan jiraka ama xubnaha jirka aan qaadan INSULINKA.
WAA MUHIIM IN CUDURKA KAADI MACAANKA HORE LAGA OGAADO,WAAYO WAA CUDUR PROGRESSIVE AH AMA IS TARE AH,HADII AAN LA DAAWYNA UU KA SII DARAYO!.
ASTAAMAHA LAGU GARTO IN UU KAADI MACAAN KU HAYO WAXAA KA MID AH:
Oon mar walba ku haya - kaadida oo aan kala istaagin,inta badan habeenkii - daal mar walba ku haya - Indhaha oo ceeriyaamo kaa saaran - culeyskaaga oo isu dhima si lama filaan ah .
Cudurka kaadi macaanka nooca TYPE 1 wuxuu ku dhici karaa da'a walba,inta badan waxaa lagu arkaa dadka da'dooda ay ka yartahay 40,iyadoo caruurta ay ugu badan tahay, boqolkiiba 10 dadka qaba kaadi macaanka waa nooca TYPE1,iyadoo mararka qaarkood loogu yeero CHILDHOOD DIABETES ama KAADI MACAANKII CARUURTA.
Cudurka kaadi macaanka nooca TYPE 2 wuxuu ku dhici karaa qof walba,laakiin boqolkiiba 90 dadka waaweyn ee cudurkan haya waa TYPE 2,inta badan waxay ku dhacdaa dadka da'dooda ay ka weyn tahay 40.
Noocan TYPE2 dadka ugu badan ee ay ku dhacdo waa dadka asalkooda ka soo jeeda AFRIKA iyo AASIYA,waxaa soo raaca boqolkiiba 5 oo ah dadka cadaanka ah ee miisaankooda jirka uu aad u weyn yahay.
SAWIRKA HOOSE WAA WAXYAABAHA KEENA CUDURKA KAADI MACAANKA!
Cudurkan kaadi macaanka hadii aan hore loo ogaan waxyaabaha uu keeni karo waxaa ka mid ah.
STROKE "maskaxda dhiigii u gudbi jiray oo yara hakada, qofkana curyaan hal dhinac oo jirka ka dhiga"
HEART ATTACK "wadnaha oo istaaga" - BLINDNESS "indhoolanimo" - AMPUTATION "lug lagaa jaro" dadka ugu badan ee lugaha laga jaro waxaa keena kaadi macaanka oo aan waqti aad u dheer daawayn lagu sameyn.
SAWIRADAN HOOSE WAXAAN KU ARAGNAA - DAD QABAY KAADI MACAAN OO DAAWOOYINKII LOO SOO QORAY AAN ISTICMAALIN ka dibna INFECTION LUGAHA AY KA GALEEN - TAASOO QASAB NOQOTAY IN LAGA JARO!
MAXAA KEENA KAADI MACAANKA?
Waxyaabo kala duwan sida "GENETIC MAKEUP" ama HIDAHAAGA MEESHA UU KA SOO JEEDO, QOYSKAAGA TAARIIKDIISA CAAFIMAAD,QOWMIYADAADA "ETHNICITY", ama DEEGAANKA AAD KU NOOSHAHAY.
Waxyaabaha kale ee dabiiciga ah oo TYPE 2 kaadi macaan soo dedejiya ama kuu keena waxaa ka mid ah:
1- CAYILKA "kan ugu daran waa kan CALOOSHA MEESHA SUUNKA LAGA XIRTO KU BATA" "Sawirka hoos eeg"
2- Cuntada iyo waqtiga " cunto culus hadii aad ku quudatid wixii ka dambeeya 8PM oo aad la jiifatid waa halis!
3- Da'da markii ay sii weynaato isla markaana cuntadii aad ku noolayd aan wax ka bedelin,mar walba halis ayaad ku jirtaa,waxaa muhiim ah in la ogaado cudurka KAADI MACAANKA ma leh wax XANUUN ah haba yaraatee,taasoo qofka qaba mar walba ku fikira hadii xanuun aan jirin wax ku haya ma leh.
Cunada ugu wanaagsan ee dadka KAADI MACAANKA qaba ay cuni karaan waxaa ka mid ah:
HALKAN ka download garee buug PDF ah oo ay ku jiraan macluumaad dhanka cuntada
CABIRKA SOKORTA JIRKA EE DADKA QABA KAADI MACAAN IYO KUWA AAN QABIN!
UNITED KINGDOM
UNITED STATES
Kaadi macaanka hadii uu KOR U KACO, aan laga warqabin ama daawada laguu soo qorayn aadan isticmaalin maxaa dhacaya?
Waxaa qofka KAADI MACAANKA qaba ku dhacaya "HYPERGLYCAEMIA ama SOKORTA JIRKA EE KACDA" oo timaada hadii SOKORTA JIRKAAGA ay si aan caadi ahayn kor ugu kacdo,taa oo inta badan ka timaada: CUNTO BADAN OO LA CUNO,JIRO KALE HADII AY KU HAYSO iyo ADIGOON QAADAN INSULIN ama DAAWO LAGUU SOO QORAY!.
Hadii aan la daaweyn "HYPERGLYCAEMIA ama SOKORTA JIRKA OO KACDA" wuxuu isu bedelayaa "DIABETOC KETOACIDOSIS" Kaasoo isticmaala BARUURTA jirka oo ah tabartii uu ku shaqeyn lahaa,ka dib markii uu waayo - GLUCOSE ama macaankii uu sida caadiga ahaa ugu shaqeyn lahaa,taasoo keenta in DHIIGA uu ku bato AASHITO "ACID" la yiraahdo KETONES oo halis ah.
Shaqsiga marka uu jirkiisa ku bato KETONES waxaa lagu garanayaa NEEFTIISA oo isu besesha sidii MIRAHA ama FRUITKA oo laga dareemayo qol uu seexday ama hadii uu kugu neefsado,qofkaa waa in dhaqtar si DEG-DEG ah loo geeyaa
Kaadi macaanka hadii uu HOOS U DHACDO, aan laga warqabin ama daawada laguu soo qorayna aadan isticmaalin maxaa dhacaya?
Waxaa dhacaya HYPOGLYCAEMIA oo ah hadii SOKORTA JIRKAAGA ku jirta ay HOOS u dhacdo,taasoo isla markaa keenta in aad SUUXDID ama JAHAWAREER uu kugu dhaco,adigoo kala garan waaya meesha aad ku sugan tahay.
Kaadi macaaanka ma leh DAAWO kaa bogsiisa,laakiin waxaa jirta kuwa la qaato si ay uga hortagaan isbedel ku dhaca jirka shaqsiga qaba,dadka qaarkood waxay maalin walba isku mudaan CIRBAD oo iminka 2015 sida lagu wado la bedeli doono,waxaa kale oo jira KANIINIYO kala duwan oo SOKORTA JIRKA hoos u dhiga,xiliga cuntada ka dib iyo waxyaabo kale oo SOKORTA kor u qaada sida "FIKIRKA BADAN iyo CUDUR KALE OO AAN AHAYN KAADI MACAAN.
Daawooyinka ugu caansan ee loo qaato KAADI MACAANKA waxaa ka mid ah:
TYPE1:
- Biguanide
- Sulphonylureas
- Alpha glucosidase inhibitor
- Prandial glucose regulators
- Thiazolidinediones (glitazones)
- Incretin mimetics
- DPP-4 inhibitors (gliptins).
- SGLT2 inhibitors
TYPE 2:
- metformin-alogliptin (Kazano)
- metformin-canagliflozin (Invokamet)
- metformin-glipizide
- metformin-glyburide (Glucovance)
- metformin-linagliptin (Jentadueto)
- metformin-pioglitazone (Actoplus)
- metformin-repaglinide (PrandiMet)
- metformin-rosiglitazone (Avandamet)
- metformin-saxagliptin (Kombiglyze XR)
- metformin-sitagliptin (Janumet)
- glyburide-metformin (Glucovance)
KAADI MACAANKA MA LA DAAWAYN KARAA?
Ilaa iyo hada DAAWO SOKOROWGA lagu daawayn karo ma jiro,waxaa jira in baaritaano aad u fara badan ay socdaan kuwaasoo sida ay sheegeen heli doona DAAWO 10ka sano ee soo socota,laakiin waxaa jirta qaab la yiraahdo - Reversing Type 2 Diabetes oo ah in jirkaaga lagu celiyo siduu ahaa inta aan KAADI MACAANKA nooca TYPE2 aan kugu dhicin.
Baaritaanka waxaa sameeyay isla markaana ku guuleystay PROF ROY TAYLOR oo ah, professor of medicine and metabolism at Newcastle University oo ku taala wadanka Ingiriiska,ayaa baaritaan waqti dheer socday ka dib soo saaray nooc gebi ahaan jirkaaga KAADI MACAANKA looga saaro:
Baaritaanka oo luqadda Ingiriiska ah halkan ka Download garee:
Waxyaabaha ugu muhiimsan iyo qaabka loo isticmaalo waxaa ka mid ah?
1- IN AAD CUNTID 800 CALORIES MAALINTII (sida caadad ah qofka LABTA AH (NIN) waxaa loogu tala galay maalintii in uu cuno 2500 CALORIES, Baakadaha ka aqri cunta walba inta CALORIE ee ku jirta.
2- Jooji gebi ahaan SOKOR iyo wax SOKOR ay ku jiro - sida cabitaanka,XALWADA,BUSKUDKA iyo dhamaan waxyaabaha la qaso.
3- Cun keliya QUDAAR cagaar ah ama la shiiday sida MARAQA.
4- Ha cunin - HILIB,DIGAAG,KALUUN,BARADHADA iyo wixii laga sameeyay.
5- Ha cunin MIRAHA "FRUIT" ay ku jiraan NATURAL SWEET ama macaanka dabiiciga ah,sida MOOSKA,TUFAAXA,LIINTA MACAAN iwm
6- Cab biyaha DHALADA ku jira "CAAGA ha cabin" kuwa caadiga ah ama gaaska uu ku jiro.
7- 4 asbuuc ama 1 bil maalin walba 10 daqiiqo OROD ama 30 daqiiqo socod.
8- Cuntadan qafiifka ah wixii ka dambeeya 8PM ha cunin,calooshaada oo eber ah seexo.
9- Iska ilaali FIKIR iyo qaylo
10 - 7 maalmood isku day in aad DABAALATID, 15 daqiiqo maalintii.
Tijaabadan waxaa sameeyay shaqsi u dhashay wadanka UK oo la yiraahdo Richard Doughty,isagoo markii uu ku guuleystay wareysi aad u dheer siiyay warbaahinta wadanka Ingiriiska: HALKAN KA QARI
RICHARD waxay ku qaadatay 11 maalmood in gebi ahaan jirkiisa ka saaro KAADI MACAANKA,iyadoo uu ku dhiira geliyay dadka in ay raacaan qaabkii uu u sameeyay.
Mar walba waxaa muhiim ah in aad kala tashatid DHAQTARKAAGA oo ah qofka ugu horeeya ee ogaan kara qaabka uu jirkaaga u saameeyay KAADI MACAANKA.
Waxaa jira shabakado aad u farabadan oo aad ka heli kartaan macluumaad dhanka KAADI MACAANKA
Ugu dambeyn xiliga qoraalka la diyaariyay waxaa fooda inagu soo haysa BISHII BARAKEYSNAYD EE RAMADAANKA,THE MUSLIM COUNCIL OF BRITAN oo ah hay'ada ugu wayn dhanka MUSLIMIINTA ku nool wadanka UK,waxay soo saartay qoraal la yiraahdo "RAMADAN AND DIABETES" oo ay kaga hadlayaan waxa looga baahan yahay qofka MUSLIMKA ah ee KAADI MACAANKA qaba - HALKAN RIIX:
Qore: Abdinasir Ismail "Sola"
Wixii macluumaad ah la xiriir: info@solaportal.com