Information for Community and Investigation

YAA LUNSADAY LACAGIHII LAGU DAAWAYN LAHAA MAXAMED SOMALI? "SPECIAL INVESTIGATION"

On 1/1/2016 (IST)

Maxamed Axmed Jeylaani waa wiil 10 jir ah oo ku noolaan jiray caasimada wadanka Somalia ee Muqdisho,waxaa lugta midig ka soo gaaray dhaawac halis ah,ka dib markii uu gaari ku jiiray isagoo ka yimid dugsi quraan,qoyska uu Maxamed ka dhashay waa dad sabool ah oo quutal yoonka maalinlaha ah aan heli karin,sidaa awgeed ayaa qaar ka mid ah warbaahinta Somaliya ay faafiyeen xaaladiisa liitada,iyagoo ka codsaday qurba joogta in ay usoo gurmadaan Maxamed Yare oo markii dambe loo bixiyay Maxamed Somali.

 

 

Xaalka Maxamed ayaa maalin walba ka soo darayey,iyadoo markii dambe loo helay cusbitaal ku yaala caasimada wadanka Malaysia magaalada Kuala Lumpur oo lagu magacaabo TAWAKAL si dhaawacan halista ah ee jirkiisa inta kale ku faafey loo dabiibo.

Warbaahinta Somaliya aad ayay ula socdeen,gaar ahaan telefiishinka SOMALI CABLE oo ka soo gudbiyay xaaladaha caafimaad ee MAXAMED SOMALI iyo noloshiisa Malaysia.


Dad Somali ah oo isugu jira qurba joog iyo kuwa ku nool wadanka ayaa isu xil saaray in ay lacago u ururiyaan MAXAMED SOMALI,si arimihiisa caafimaad wax looga qabto.

Magaca inta badan aan ka aragnay warbaahinta waa gabar Somali ah oo ku nool wadanka Ingiriiska oo magaceeda la yiraahdo

KEYF AADAN CILMI,AXMED DAA'UUD oo ah agaasimaha SOMNEWS TV iyo MAXAMED AMIIN CUMAR oo markii ugu horeysay aan ku aragnay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho xiligii MAXAMED loo soo dhoofinayey MALAYSIA.

 

DAAWO VIDIYOWGA HOOSE:


 

Sida warbaahinta la socda arimaha MAXAMED SOMALI ay qoreen KEYF waxay hormuud u ahayd lacag uruurinta iyo safarka wiilka dhibaateysan,iyadoo bishii SEPTEMPER 20 - 2015, barteeda FACEBOOK ay soo gelisay sawirro iyo qoraal muujinaya xaalada iyo isbedelka MAXAMED SOMALI:


Sawirka hoose eeg:

 

 

 

Sida aan ku aragno qoraalka iyo sawirrada ay soo dirtay MRS KEYF ADEN ELMI,waxay ku xaqiijisay in xaalka MAXAMED uu yahay mid aad u wanaagsan,qaliin ayaa lagu sameeyay waxa keliya ee iminka u haray waa SOCOD BARAD oo lagu sameeyo physiotherapy,kaasoo sida ay sheegtay uu ku sii jiri doono cusbitaalka ilaa wax walba ay hagaagaan,isagoo wax lacag ah looga baahnayn.

 Hadalka xiisaha leh ee ay ku soo geba-gabeysay waa "CAAFIMAADKIISA WAX QARASH DAMBE AH OO LAGA RABANA MA JIRAAN,NIYADA QEYR U SHEEGA,WARARKA WAREEGAYA UJEEDO GAAR AH OO LACAG LAGU RADINAYO WAAYE,WAXAASE ANAGA NAMA QUSEEYAAN", runtii qoraalka hadalka waxaa laga dareemayaa in ay xarguf soo dhex gashay dadkii loo xil saaray in ay maamulaan lacagaha lagu qiyaasay 28,000 oo DOLLAR.

 

Tabcan cid ku eedeysa ma jirto in KEYF iyo agasimaha SOMNEWS TV Mr AXMED DAA'UUD ay lunsadeen lacagaha MAXAMED SOMALI,laakiin waxaa hubaal ah in uu qilaaf aad u weyn soo kala dhex galay dadkii isu xil saaray arimaha wiilka iyo aabihii.

 

Iminka nala daawada wareysi Mrs KEYF ay siisay telefishinka KALSAN,dhamaadkii bisha AGOOSTO 2015,iyadoo ka warameysa wixii qarash ah ee baxay iyo xaalada MAXAMED SOMALI.

 

 

 

Dadka qaarkood waxay leeyihiin eeda kama maqna aabaha dhalay MAXAMED SOMALI ee JEYLAANI,waayo VIDIYOWGA dusha waxaan ku aragnay lacagihii baxay oo KEYF ay soo gudbisay,iyadoo JEYLAANI uu joogay,waxaa dhici karta in qaabka lacagaha loo isticmaalay oo ay ka mid tahay TIKITYADA,CUNTADA iyo HOTEELADA laysku af-garan waayey.

 

 

 MRS KEYF ADEN ELMI

 

 

 

Mr AXMED DAA'UUD

 

Iyadoo xaalku sidaa yahay oo 7 bilood ay ka soo wareegtay xiligii MAXAMED SOMALI la keenay wadanka MALAYSIA ayaa dhamaadkii bisha DECEMBER 2015,waxaa wareysi aad u dheer ka qaaday Mr JEYLAANI AXMED oo ah aabihii dhalay MAXAMED,weriyaha SOMALI CABLE Mr AHMED AZHARI barnaamijiisa KALFADHI,kaasoo dadkii daawaday ay ku reebtay amkaag iyo naxdin aan la fileyn.

Qof walba oo xaalkiisa kala socday warbaahinta iyo baraha SOCIAL MEDIA waxay is lahaayeen MAXAMED xaalkiisa waa OK ee Somaliya ayuu ku laaban doonaa.

 

Daawo wareysiga:

 

 

Wareysigan wuxuu ahaa mid runtii xanuun badan oo MAXAMED iyo AABIHII ay soo food saartay nolol xumo gaartay in ay heli kari waayaan quutul yoonkii,taasoo ku qasabtay in ay ku dawarsadaan "tuugsadaan" xaafadaha ay Somalida ka degan yihiin Kuala Lumpur.

Waxaan aragnay Mr Jeylaani oo eed dusha ka saaray dadkii lunsaday lacagihii lagu daaweyn lahaa wiilkiisa oo dhamaan magacyadooda soo bandhigay,isagoo runtii ay ka muuqato murugo iyo rafaad.

 

Wariyaha barnaamijka KALFADHI ee SOAMLI CABLE Mr AXMED AZHARI:

 

 

Ka dib markii la soo bandhigay  barnaamijkan lagu wareystay Mr Jeylaani Axmed,ayaa Mrs KEYF ADEN ELMI ay gebi ahaan bedeshay magaceedii ay ku lahayd barta FACEBOOK:

 

BOGGII HORE OO WATA MAGACA LA BEDELAY EE KEYF ADEN ELMI

 

 

 

 

 

BOGGA CUSUB OO WATA MAGACA CUSUB EE FADUMO ELMI

 

 

 

 

Waxaa waajib ah in xiliga uu socdo baaritaan noocan ah,xiriir lala sameeyo shaqsi walba oo ay quseyso arintan umadda Somaliyeed argagaxa ku abuurtay,waxaan isku daynay in aan la xiriirno

"Mrs Keyf aden elmi - Fadumo Elmi" laakiin wax jawaab ah weli kama helin.

 

 

 

1-1-2016 FADUMO ELMI GEBI AHAAN WAXAY MASAXDAY ACCOUNT AY KU LAHAYD BARTA FACEBOOK,TAASOO IMINKA KA DHIGEYSA ARINTAN MID MADAX XANUUN KU ABUURI DOONTA QOF WALBA OO LA SOCDAY!

 

Xaalka MAXAMED SOMALI iminka wuxuu marayaa meel halis ah,waxaa muhiim ah in loo gurmado,sida keliya ee lacag loogu diro karo waa aabihii dhalay,waayo waxaan aragnay in wixii lacag ahaa ee loogu tala galay in lagu daaweeyo afka la marsaday.

 

 

 

Arintan waxay aad u taabatay dhamaan asxaabtii sida aadka ah ula socotay xaalada murugeysan ee MAXAMED SOMALI uu ku sugan yahay,hoos ka aqri qoraaladii aan ka soo xulay barta FACEBOOK oo lagu hadal hayey arinta wiilkan Somaliyeed iyo qoyskiisa oo ku tabaaleysan MALAYSIA.

 

 

Shabakada baarista iyo macluumaadka jaaliyada ee SOLAPORTAL markii ay ka hadashay arimahan MAXAMED SOMALI,waxaa la soo xiriiray dad aad uga xumaaday wixii ku dhacay wiilkan yar,iyagoo eeda saaraya dhamaan dadkii isu xil saaray oo aabihii uu ku jiro,waxay doonayaan in lacag ay diraan,laakiin meel ay ku hagaajiyaan ama qof ay aaminaan ayay la'yihiin.

Fanaanada FARTUUN CUMAR ayaa habeenkii ugu dambeeyay sanadka 2015 soo duubtay VIDEO ka hadlaya wixii dhacay:

 

 

 

UPDATE: 5.1.2016  Wariyaha SOMALI CABLE Mr AZHARI oo gacan wey ka geystay arimaha MAXAMED SOMALI ayaa lacago si toos ah loogu soo diray u gidbiyay isla markaana wareysi ka qaaday:DAAWO:

 

 

Qore: Abdinasir Ismail "SOLA"

Investigative Journalist