Information for Community and Investigation

BAARLAMAANKA SOMALIYA OO MAMNUUCAY IN DHULKA EX BAARLAMAANKA LAGA IIBIYO UNIVERSAL TV "SPECIAL REPORT"

On 12/25/2015 (IST)

Bilowgii bisha Diseembar ee 2015 ayaa warbaahinta afka Somaliga ku hadasha waxaa lagu arkay in baarlaamnkii hore ee Somalia oo ku yaal faras magaalaha caasimada Somalia laga iibiyay AXMED ABUUBAKAR oo ah ganacsade qurba joog ah isla markaana ah milkiilaha telefishinka Universal oo xaruntiisa ay tahay magaalada London,iibka oo uu ka dambeeyay duqa cusub ee magaalada Muqdisho YUUSUF XUSEEN JIMCAALE oo dhowr bil ka hor lagu bedelay MUUNGAAB oo ahaa shaqsi shaqsigii bilaabay in hantida qaranka laga iibiyo dad ganacsato ah.

Arintan uu duqa magaalada ku dhawaaqay ayaa Somalida ku kala nool dalka iyo dibada ay aad ula yaabeen,iyadoo la ogyahay dhulka ku yaala degmada Boondheere uu yahay hanti qaran oo aan cidna laga iibin karin.

 

Tabcan KIRO iyo maal gelin waa lagu sameyn karaa dhulka buruburka ku dhacay tan iyo xiligii dagaalka sokeeye uu ka bilowday Somalia,waxaan tusaale u soo qaadan karnaa gegida diyaaradaha,dekada Muqdisho,cusbitaalka Digfeer,dugsiga farsamada iyo xarumo aad u fara badan oo shirkado ajinabi ah loo saxiixay in ay maal gelin ku sameeyaan,ka dibna wixii ka soo baxa ay wada qeyb sadaan shirkadahaa iyo qaranka Somalia.

 

Arinta EX BAARLAMAANKA waxay kaga duwan tahay,iyadoo warbaahinta laga arkay in goobta burbursan si rasmi ah loogu wareejiyay AXMED ABUUBAKAR oo ka dhisi doona jardiino dadka oo dhan u furan oo bilicda magaalada soo celin doonta.

Ugu horeyn duqa magaalada awood sharci ah uma leh in uu kireeeyo ama iibiyo hanti qaran,waxay ahayd is afgarad hoose oo la rabay in umadda lagu marin habaabiyo isla markaana la dhaco hantida qaranka.

 

Wadanka dowlad iyo baarlamaan ayaa ka dhisan,ma jirto meel looga hadlay ama lagu soo bandhigay qorshahan kirada ama iibka ee ex baarlamaanka,saa awgeed waa musuq-maasuq la rabay in Muqdisho iyo hantida wadanka lagu dhaco.

 

Warbaahinta qaar waxay ka hadleen in lacago 200'000 dollar oo laaluush ah lays weydaarsaday,laakiin shabakada SOLAPORTAL arintaa wax xaqiijinaya weli ma arkin,saa awgeed waxaan u aragnaa in ay jirto dano gaar ah oo duqa magaalada iyo Axmed Abuubakar ay wateen oo iminka sida lagu dhawaaqay fashilantay.

 

Waxaa kale oo magaalada Muqdisho naga soo gaaray warar sheegaya in heshiis hoosaad uu dhexmaray duqa magaalada iyo Universal TV,kaasoo ay ku heshiiyeen in diirada laga wareejiyo dowlada XASAN SHEEKH oo sanadka fooda inagu soo haya ee 2016 geli doonta doorashada soo socota.

Sida aan la socono waxaa dagaal hoosaad ka dhexeeyey UNIVERSAL TV iyo DOWLADA,kaasoo xiligii la tabiyay barnaamijkii DOOD-WANAAG ay dowlada xabsiga si sharci daro ah ugu taxaabtay wariye CAWIL DAAHIR iyo ABDULLAHI XIRSI KULMIYE.

Duqa magaalada Mr YUUSUF XUSEEN JIMCAALE oo si rasmi ahshaqada uu u siiyay madaxweynaha ayaa heshiiskan hoose la galay UNIVERSAL TV.

 

Muhiimada ugu weyn waa in muwaadin walba laga kireyn karo handtida qaranka hadii sharciga iyo dastuurka la raaco,AXMED ABUUBAKAR wuxuu ka mid yahay muwaadiniinta maal gelin karta wadanka hadii uu awoodo,laakiin si sharci dara ah hadii laysu af-garto waxaa hubaal ah in ayan ka duwaneyn kuwa isku qarxiya maatada ku nool Somalia oo isla markaa u arka in ay ku socdaan jidka XAQA ah.

Go'aanka ka soo baxay baarlamaanka Somalia waa mid shaqsi walba oo wadani ah uu ku farxo,awood iyo lacag walba oo aad leedahay kuma iibsan kartid hantida qaranka ee dhiiga Somaliyeed uu ku soo daatay,waxaana hubaal ah qofkii raba in wadanka wax u qabto ay jiraan meelo kale oo lacagtooda ay gashan karaan sida xeryaha dadka tabaaleysan iyo dib u dhiska wadooyinka iyo cusbitaalada Somalia,laakiin waxaa ka dhisayaa GARDEN lagu caweeyo dhulkii baarlamaanka oo ah astaantii Somalia waa "TIMIR LAF BAA KU JIRTA"

Waxaa hadalkeyga ku soo af-jarayaa in shaqsigan isku dayay maalin cad in uu iibiyo hantida qaranka lala tiigsado sharciga wadanka u yaala si qof walba uu u ogaado in wadanka uu ka dhexeeyo dhamaan dadka u dhashay.

 

Qore: Abdinasir Ismail "SOLA"

Investigative Journalist