Information for Community and Investigation

IS BEDELKA DRIVING LICENCE UK IYO SAAMAYNTA SOMALIDA!

On 12/1/2015 (IST)

dl10Laga bilaabo 8.6.2015 waxaa is bedel aad u weyn lagu sameeyay ruqsada baabuurta lagu wado ee DRIVING LICENCE ama Somalida ay u yaqaanaan BATANTE,kaasoo wadanka UK laga isticmaali jiray sanadadii ugu dambeysay mid SAWIR ku dhegan yahay iyo waraaq mar walba ay muhiiim ahayd in ay la socoto,taasoo loo yaqaano COUNTER PART oo la,aanteeda aan waxba kuu qabsami karin hadii loo eego dhanka BOOLIISKA,CAYMISKA iyo KIREYNTA GAWAARIDA ama CAR RENTAL.

Sharcigan cusub ee soo baxay ISNIIN 8.6.2015 wuxuu gebi ahaan ka tanaasulay in aan loo baahnayn DRIVING LICENSE waraaqda la socota oo lagu bedelay oo keliya kan sawirka uu saaran yahay,waxaa kale ooo lagu dhawaaqy in waxyaabihii hore ee loo isticmaali jiray WARQADA COUNTER PART, iminka ONLINE laga dhigay oo isticmaalaha si toos ah uu u eegi karo wixii macluumaad ah ee ka yaala WAKAALADA bixisa ruqsada gawaarida lagu wado.

ONLINE waxaa qasab ku ah cidii dooneysa in ay gaari kireysato "CAR RENTAL" ama BOOLIISKA uu yiraahdo hadii lagu istaajiyo waa in aad asbuuc gudaheeda la timaadaa Xerada booliiska, CAYMISKAAGA - DRIVING LICENSE iyo ROAD TAX ama canshuurta wadada lagu maro oo imink laga dhigay mid ONLINE ah.

Saameeynta ugu weyn waa dadka kireysta gawaarida UK iyo YURUB,iyadoo qasab looga dhigay in ay haystaan 8 NAMABAR ama KOOD oo ONLINE laga sameyn karo,KOODKAA la,aantii shirkadaha gawaarida kireysa "CAR RENTAL"  kuu ogolaan maayaan in  GAARI LAGAA KIREEYO.

Qaabka 8da NAMBAR lagu helo aad ayay u fududahay  -  waxa keliya oo aad u baahan tahay waa adigoo gala  LINKIGAN  Waxaad u baahan tahay:

 

NAMBARKA DRIVING LICENCE - NATIONAL INSURANCE NUMBER iyo POST CODEKA  xaafada uu DRIVING LICENKA ku diiwaan gashan yahay:

 

 

Markii aad riixdid VIEW NOW,waxaa isla markii soo baxaya wixii macluumaad ah ee DVLA oo ah wasaarada arimahan u qaabilsan ay kaa hayso,oo isugu jira xiliga aad qaadatay - DRIVING LICENSE in DHIBCO LAGAA JARAY,taasoo shirkadaha gawaarida kireysa inta badan ay u diidaan hadii 3 - 6 ama 12 DHIBIC lagaa jaray.

 

Waxaa kale oo ku soo baxaya - macluumaadka nooca GAARI ee laguu ogolyahay in aad wadi kartid:

Kan kale ee muhiimka ah oo ay doonayaan shirkadaha CAR RENTALKA waa inta dhibic ee DVLA ay kaa jartay:

Macluumaadka kale ee muhiimka ah waa kan ay la socdaan 8da NAMBAR ama KOOD,kaasoo la,aantii aadan heli karin shaqooyinka sida TAGAASIDA,MINI CAP - BLACK CAP - VAN DRIVER - CAR RENTAL iyo shaqooyinka qaarkood oo doonaya in aad leedahay "CLEAN DRIVING LICENSE ama BATANTE NADIIF AH oo aan DHIBCO LAGA JARIN:

 

 

Koodka sida aan ku aragno -sawirka dusha wuxuu dhacayaa 3 MAALMOOD ka dib ama 72 SAAC - iyadoo laguu ogolyahay oo keliya codsiga 5 KOOD 24tii saacba:

 

Macluumadka dusha yaala ma heli kartid adigoon hayn  - DRIVING LICENCE NUMBER -  NATIONAL INSURANCE NUMBER iyo POST CODEKA LICENKAAGA UU KU QORAN YAHAY:

 

Macluumaadka aad u baahan tahay ee DRIVING LICENCE NUMBER IYO NATIONAL INSURANCE NUMBER - WAXAAD KU ARKEYSAA FALAARAHA SAWIRADDA HOOSE:

 

ONLINEKAN cusub waxaa kale oo loo isticmaali karaa in wixii MACLUUMAAD ah aad ka bedeli kartid,sida CINWAAN CUSUB "NEW ADDRESS" ama MAGAC BEDELID "CHANGE OF NAME".

Saraakiisha waaxda DVLA waxay sheegeen in isbedelkan uu saameyn doono 45 ta MALYUUN ee wadata ruqsada wadida gawaarida kala duwan ee wadanka Boqortooyada UK,iyadoo lacagihii lagu codsan jiray hadii kan waraaqda ah uu kaa lumo iminka aan loo baahnayn,laakiin qofkii aan raacin sharcigan cusub ay la kulmi doonaan GANAAX aad u adag.

 

Qore: Abdinasir Ismail "SOLA"

Wixii macluumaad ah la xiriira:

info@solaportal.com