QAABKA AY U QAADAN KARAAN DHALASHADA UK - SOMALIDA BAASABOORADA YURUB WADATA.
On 12/1/2015
4813 Views
Wadanka UK waxaa ku soo batay dad SOMALI ah oo wata BAASBOORADA YURUB,kuwaaoo ay ugu badan yihiin wadanka HOLLAND - NORWAY - TALYAANIGA - SWEDEN - JARMALKA - DENMARK iyo FINLAND,kuwaasoo inta badan ku dega wadanka boqortooyada Ingiriiska - BAASBOORADA ay wataan oo loo ogolyahay,laakiin wadanka Ingiriiska 5tii sano ee ugu dambeysay waxaa ka talinayey xisbi dhanka midig ah oo ay maamulka iskula jireen mid garabka bidix,iyagoo mar walba isku daya sidii sharciga wadanka ay wax uga bedeli lahaayeen.
IS BEDELKA CAYRTA UK IYO SAAMAYNTA QOYSASKA SOMALIDA! UPDATED 12.7.2015
On 12/1/2015
4795 Views
Wadanka Boqortooyada UK sanad walba waxaa dhaca is bedelo kala duwan ee dhanka GUNADA ama CAYRTA ay ku bixiso dadka danyarta ah ee ku nool wadamada isu tagay ee ENGLAND - SCOTLAND - WALES iyo NORTH IRELAND,shantii sanno ee ugu dambeysay wadanka waxaa isla maamulayey labada xisbi ee CONSERVATIVE oo garabka midig ah iyo LIBERAL DEMOCRATIC oo dhanka bidix ahaa,laakiin doorashooyinkii dhacay bisha MAAJO 2015,waxaa UK gebi ahaan ka dowlad ah xisbiga loo yaqaan TORY,kuwaasoo balan qaaday 10ka sanno ee soo socota in MIISAANIYADA wadanka wax ka bedeli doonaan.
KENYA OO AAN LA SOO GELI KARIN VISA LA'AAN WIXII KA BILOWDA 1da SEPTEMPER 2015 "SPECIAL REPORT"
On 12/1/2015
3899 Views
Wadanka KENYA oo VISAHA uu bixiyo laga qaadan jiray GAROOMADA DIYAARADAHA ee wadankaas marka aad soo caga dhigatid ayaa gebi ahaan bedelay qaabkii hore,iyadoo iminka ay u gudbeen qaabka wadanka MAREYKANKA ee ah - ONLINE APPROVAL ama in aad codsi ka sameysid INTERNETKA,ka dibna laguu soo ogolaado,sida ay sheegeen waaxda socdaalka ee KENYA,qaabkan cusun ee VISAHA loo bixiyo wuxuu qaadan karaa 5 daqiiqo ama 5 maalmood.
CUDURKA KAADI MACAANKA "DIABETES" MAXAA KEENA SIDA LOO DAAWEEYO IYO QAABKA LOOGA HORTAGO?
On 12/1/2015
13740 Views
Cudurkan halista ah ee KAADI MACAANKA,KAADI SOKOROOW ama DIABETES,wuxuu ka mid yahay cudurada loo yaqaan "Chronic Diseases" kuwaasoo ah cudurada aan daawo loo hayn laakiin gacan ku hayn ama contoll lagu sameyn karo,cudurkan waxaa loo kala saaray laba nooc oo kala ah - TYPE1 iyo TYPE2 oo ah NOOCA 1 iyo NOOCA 2aad.
WADANKA UK OO "BROADBAND IYO MOBILE CONTRACT" IS BEDEL WAYN LAGU SAMEEYAY
On 12/1/2015
3077 Views
Hadii aad tahay shaqsi ku nool wadanka UK,isla markaana isticmaala BROADBAND ama INTERNET "ISP" iyo telefoonka gacanta ee MOBILE PHONE,laga bilaabo 11.6.2015,is bedel aad u weyn oo dhanka HESHIINSKA "CONTRACT" ayaa lagu sameeyay,iyadoo tusaale ahaan shirkadaha INTERNETKA bixiya hadii aad u saxiixdid 1SANO, aysan kuu ogolaan in aad ka baxdid heshiiska ama contractka,hadii aad joojisana ay ku ganaaxayaan,shanka kale shirkadaha ugu waaweyn ee bixiya TELEFOONKA GACANTA sida - EE,T-MOBILE,3,VIRGIN,ORANGE iyo VADOFONE,ay inta badan saxiixaan 12 ama 24 bilooad,ayaa iminka lagu qasbay in ay u ogolaadaan macaamiishooda bedelida CONTRACT,waqtigii ay doonaan.
QAABKEE LOO BEDELI KARAA MAGACAAGA HADII AAD KU NOOSHAHAY UK?
On 12/1/2015
3795 Views
Inta badan Somalida ku nool wadanka UK waa dad si QAXOOTINIMO ah ku soo galay,iyadoo ay isticmaalaan magacyo aan ahayn kuwii ay ku dhasheen ama loo bixiyay,taasoo mararka qaarkood xiliga ay helaan sharciyada wadanka UK ama BAASBOORKA ay ku adagtahay in Caruurtooda la siiyo magac iyo isir aysan shaqo ku lahayn,nasiib wanaag waxaa jira qaab aad u fudud oo lacag yar ku baxda isla markaana MAGACAAGA,MAGACA AABAHAA,KAN AWOWGAA,KAN CARUURTA aad waqti 5 maalmood ka yar ku bedeli kartid,iyadoo sharciga UK na uu waafaqsan yahay.
IS BEDELKA DRIVING LICENCE UK IYO SAAMAYNTA SOMALIDA!
On 12/1/2015
3996 Views
Laga bilaabo 8.6.2015 waxaa is bedel aad u weyn lagu sameeyay ruqsada baabuurta lagu wado ee DRIVING LICENCE ama Somalida ay u yaqaanaan BATANTE,kaasoo wadanka UK laga isticmaali jiray sanadadii ugu dambeysay mid SAWIR ku dhegan yahay iyo waraaq mar walba ay muhiiim ahayd in ay la socoto,taasoo loo yaqaano COUNTER PART oo la,aanteeda aan waxba kuu qabsami karin hadii loo eego dhanka BOOLIISKA,CAYMISKA iyo KIREYNTA GAWAARIDA ama CAR RENTAL.