Information for Community and Investigation

FARSHAXANKA AMIIN CAAMIR MA RA'YIGIISAA MISE MEEL KALE AYUU KOOBI KA SOO SAMEEYAA? SOLA INVESTIGATES "UPDATED OCTOBER 2018

On 5/8/2016

41769 Views

Waagii berisamaadka waxaan Radio Muqdisho ka maqli jiray AMIIN CAAMIR iyo CALI MALEEXAAN oo dhanka farshaxanka ku gacan yaraystay,iyadoo inta badan lagu arki jiray caasimada Somaliya iyo gobolada qaarkood sawirro aad u qurux badan uu sameeyay AMIIN CAAMIR oo dowlada Somaliya iyo Xisbiga aad u amaani jirtay,burburkii ka dib AMIIN CAAMIR wuxuu ka mid noqday dadkii qurbaha u soo haajiray,isagoo dalka Jabuuti ka dib u soo gudbay wadanka KANADA oo iminka uu ku nool yahay,wuxuu aad uga faaloodaa isagoo isticmaalaya sawir gacameed siyaasada Somaliya iyo wadamada ku hareera oo iminka ciidamo farabadan ay wadanka ka joogaan.

Aqri qoraalka »

WAA KUMA ABDIHAKIM OSMAN NUUR OO ISBAARO FACEBOOK SAMEYSTAY? UPDATED AUGUST 2018

On 4/9/2016

38996 Views

 

 Waxaa beryahan ku soo batay FACEBOOK dad isbaarooyinkii Somaliya oo ELECTRONIC ah ka sameystay INTERNETKA,iyagoo qof walba oo ay ka dareemaan in uu dhibaato yar yahay ka daba qaata ilaa ay ka gaaraan danta ay ka leeyihiin oo waxa luqadda Ingiriiska lagu yiraahdo BLACKMAIL,baad ayay ka qaadaan qof walba oo ay is leeyihiin wax waa ka socon karaan,hadii qofka ay baadayaan uu ka hor yimaado,waxay FACEBOOK soo geliyaan af-lagaado aan hore loogu arkin dhaqanka Islaamka iyo kan Somalida,shaqsiyada noocan ah ma ahan in laga baqo ama laga aamuso,waa in banaanka la soo dhigaa si umadda ay u aragto.

Aqri qoraalka »

DAHIR CALLASOW MAXAA KA XANAAJIYAY? SOLA INVESTIGATES

On 6/11/2018

10992 Views

 Sida aad ku aragteen baraha SOCIAL MEDIA qaas ahaan FACEBOOK iyo YOUTUBE waxaa bisha barakeysan ee Ramadaanka afka furtay DAAHIR CALLASOW oo dadka inta badan ay u yaqaanaan Gudoomiyaha ELECTRONIC ISBAARO, kaasoo ABDINASIR ISMAIL "SOLA" maalin walba oo bisha barakeysan lagu jiro isaga iyo kuwa Magafe ka soo fakaday ay isku dayeen in sidii dadkii hore  ugu BIIQSAN jireen ONLINE ay isku dayaan, laaakiin waxaa ka raacday fashil aad u weyn iyo iyagoo inta ay daaleen iska aamusay, laakiin su'aalaha ugu badan ee lays weeydiinayey waxay ahayd DAHIR CALLASOW MAXAA KA XANAAJIYAY oo waqtigiisa uu u geliyay shaqsi aan hal eray ku soo qorin SOCIAL MEDIA?

Aqri qoraalka »

GABADHA TIRI NINKEYGA IYO SAAXIIBKII OO IS KHANIISAYA AYAAN GURIGEYGA UGU IMID MAXAA KA JIRA? SOLA INVESTIGATES!

On 9/3/2018

54120 Views

Maalin walba baraha bulshada waxaan ku aragnaa waxyaabo dadka isticmaalayaasha ka yaabiya,FACEBOOK LIVE ayaa noqotay meel qof walba inta uu soo galo wuxuu doono si TOOS ah bulshada ugu soo gudbiyo, arintii ugu yaabka badnayd ee SOMALIDA FACEBOOK ay daawadaan dhamaadkii AGOOSTO 2018 waxay ahayd Gabar Somaliyeed oo VIDEO LIVE ah ku sheegtay arimo dad aad u farabadan oo SolaPortal ay ka mid tahay ka argagaxay, arintan ay ka hadashay hore looma daawan loomana maqlin,sidaa awgeed baaritaan dheer oo shabakada ay sameysay ayaanu la qeybsan doonaa aqristayaasha.

Aqri qoraalka »

SHAQSIGII SAWIRADA QARSOODIGA AH KA QAADAY FAHAD YAASIIN IYO QAABKA LOO OGAADAY “SOLA INVESTIGATES”

On 9/26/2018

4004 Views

 

Baraha bulshada ama Social media wuxuu isu bedelay goob qof walba uu doonayo in shaqsi kale uu is yiraahdo ku fadeexee, taasoo mararka qaar u keeni karta qofka is lahaa dhibaato gaarsii cid kale ay isaga ku soo laabato, shabakada SolaPortal waxay baaritaan ku sameysay arin dadkii aqriyay ay aad ula fajaceen taasoo ka dhacday 35000 ft ama diyaarad hawada ku jirto oo sawiro si qarsoodi ah looga qaaday Fahad Yaasiin oo ahaa ah taliye ku xigeenka hay'ada nabadsugida Somaliya "NISA", taasoo sababtay in shaqsiyo ay xabsi, musaafurin iyo shaqo lumis ay ku muteystaan.

Aqri qoraalka »

WARBIXINTII MICHAEL KEATING EE QARAMADA MIDOOBAY "UN" IYO XAALADA SOMALIYA AY KU SUGAN TAHAY, ENGLISH IYO SOMALI.

On 9/14/2018

2899 Views

Shabakada SolaPortal waxay idin soo bandhigeysaa warbixnta guud ee MICHAEL KEATING uu u gudbiyay QARAMADA MIDOOBAY oo ku saabsan xaalada guud ee Somaliya iyo isbedeladii dhacay tan iyo intii loo doortay in uu noqdo ergeyga qaaska ah ee Somaliya u qaabilsan qaramada midoobay, Mr KEATING oo bilaabay shaqadan JANAAYO 2016 ayaa wuxuu si faah-faahsan ugu qeexay fadhigii qaramada mdoobay ee arimaha Somaliya 13 SPETEMBER 2018, SolaPortal waxay idin soo bandhigeysaa iyadoo SOMALI aan ku tarjunay iyo kan INGIIRSKA oo ah warbixintii uu gudbiyay.

Aqri qoraalka »

CABAAS JAAKEYE MAXAA KU KALIFAY IN UU ISBAARO ONLINE AH U DHIGTO GABDHAHA SOMALIYEED? SOLA INVESTIGATES.

On 8/23/2018

12624 Views

Waxaa laga yaabaa in aad is tiraahdaan waa ayo CABAAS JAAKEYE? runtii SolaPortal aqoon uma lahayn ka hor inta aanu arkin sawirada foosha xun ee PHOTOSHOPKA uu Facebuugiisa ka soo geliyay gabar Somaliyeed oo sharaf badan isla markaana ah wariye caan ah oo la yaqaano, waxaa cajiib ah in shaqsigan uu Yurub soo galay 2015 isla markaana uu qaxooti sharci la'aan ah uu ku yahay magaalada ESSEN oo ku taala Galbeedka Jarmalka, isagoo har iyo habeen shaqo ka dhigtay in gabar Somaliyeed oo aan waxba ka galabsan ka daba qaato, sidaa awgeed SolaPortal waxay aqristayaasha us oo bandhigeysaa sababta keentay in wiilkan yar uu fadeexeeyo qof aan wax dhibato ah u geysan.

Aqri qoraalka »

MAXAA KA JIRA CODKA SIRTA AH EE LA YIRI WAXAA LAGA DUUBAY XUSEEN SHIRE? SOLA INVESTIGATES!

On 9/11/2018

6311 Views

Shabakadaha farahabadan iyo baraha bulshada uu leeyahay Gudoomiyaha ELECTRONIC ISBAARO DAHIR CALLASOW ayaa waxaa lagu arkay arin dad aad u farabadan ay la yaabeen, ka dib markii uu yiri waxaan soo bandhigay COD SIR ah oo laga duubay ABWAAN XUSEEN SHIRE isagoo la telefoon kula hadlaya gabar Somaliyeed oo sawirkeeda uu dul saaray, iyadoo dadka aqrista ama daawada CALLASOW inta badan aan rumeysan wuxuu soo geliyo barihiisa bulshada ee farabadan ayaa shabakada SOLAPORTAL waxay idin soo bandhigeysaa baaritaan dheer oo ay ku sameysay siday wax u jiraan iyo maxaa ku qasbay CALLASOW in uu isku dayo FADEEXAYNTA shaqsi ay aad isugu dhoweeyaan waqti aad u dheer.

Aqri qoraalka »

QAABKEE LOO ADKEEYAA FACEBOOK SI AAN LOO JABSAN?

On 9/1/2018

1819 Views

Shabakada SolaPortal waxay idin soo bandhigeysaa qaabka ugu fudud ee looga hortago jabsiga Facebook, waxaa baraha bulshada ku soo batay jabsiga Social media oo Facebook ugu horeeyo, tusaale ahaan maalintii waxaa laga yaabaa in dhowr jeer aad ka soo kala geshid Computerkaga guriga yaala, laptopka, telefoonka gacanta ama Computerka shaqada oo laga yaabo mararka qaarkood in aad ilowdid oo aadan oran LOGOUT,qaabka iyo sawirada la socda qoraalka hadii aad raacdid waxaa hubaal ah in aad ka hortegi kartid jabsiga ama la wareegida FACEBOOK.

Aqri qoraalka »

CALI YARE CALI IYO FARIIMAHA SOCIAL MEDIYAHA EE BAASBOORADA FAHAD YAASIIN MAXAA KA JIRA? SOLA INVESTIGATES!

On 8/22/2018

2877 Views

Maalmihii la soo dhaafay waxaa lagu arkay baraha bulshada fariimo ay la socdaan sawirro dukumentiyo kala duwan oo uu leeyahay Agaasimhii hore ee madaxtooyada Mr Fahad Yasin, waxay isugu jireen Baasboor Somali, Kenyati iyo macluumaado kale oo u qaas ah taliye ku xigeenka nabad sugida Somaliya, arimahaan waxaa ka hadlay warbaahinta Somaliya iyo kuwa Kenya, iyadoo la sheegay in baaritaano kala duwan ay socdaan si loo ogaado yaa ka dambeeyay in dukumentiyadan qaaska ah la faafiyo isla markaana la ogaado sababta uu Mr Fahad Yasin ku qaatay Baasboor Kenyati ah isagoo xilal muhiim ah ka haya Somaliya.

Aqri qoraalka »