FAARAX XUSEEN OO KIM ABDI ISU BEDELAY, SOLA INVESTIGATES
On 3/25/2020
26671 Views
Bilowgii sanadka 2020 waxaan arkay qoraal ay soo gelisay barteeda Facebook Gabar Somali ah oo lagu magacaabo KIM ABDI oo ku nool caasimada wadanka Jarmalka magaalada Berlin, qoraalkaa oo sawir la socday wuxuu ahaa sidan: Ma doonayo in nin Somali ah Facebook friend kula noqdo ama kula ahaado, sidaa awgeed UNFRIEND iga dhiga idin dooni maayee"
WAA AYO UMMXABDULLAH? SOLA INVESTIGATES
On 6/19/2019
26862 Views
Ummxabdullah oo magaceeda rasmiga ah uu yahay Ruksana Ali iyo seygeeda hasanatofficial oo magaciisu uu yahay Abu Abdullah Hasanat waa laba shaqsi oo ku nool wadanka UK isla markaana caan ka ah baraha bulshada sida Youtube, Facebook, Twitter iyo Instgram, waxay marwalba soo badhigaan nolol maalmeedkooda qoys ahaan, iyagoo dad badan ay daba socdaan ama Followers ay u yihiin.
XOD-XODASHADA IYO AWR ISKU-KACSIGA ISAAQ IYO HAWIYE WAA SHAR DAB-GELIN KARA? QALINKII USTAAD MAXAMED BAASHE XAAJI XASAN
On 5/27/2019
5691 Views
Maxamed Ibraahim Cigaal. AHN, ayaa xilligii uu madaxweynaha ahaa waxa u yimi wefti Eritrean ah.
Waa berigii Cabdillaahi Yuusuf Axmed, AHN, iyo Maxamed Faarax Caydiid. AHN, ay xoogga ugu dagaallamayeem Koonfur.
Weftiga Eritrean-ka ahi waxa ay Cigaal u sheegeen in berigii ay jabhadda ahaayeen in ay Tigreega kiciyeen oo 1975 u hubeeyeen in ay ku taageereen in ay jabhad hubaysan samaystaan.
BEEN ABUURKA KUFSIGA LAGA SAMEEYAY FANAAN ISKILAAJI YAA KA DAMBEEYA? SOLA INVESTIGATES!
On 2/5/2019
10519 Views
Waxaa baraha bulshada lagu faafiyay qoraal la yiri wuxuu ka soo baxay jaraa'idka caanka ah ee Green Bay Press Gazette oo ka soo baxa Gobolka Wisconsin ee wadanka Mareykanka, joornaalka waxaa lagu daabacay qoraalkan: SOMALI MAN WANTED FOR RAPE,iyadoo taariikhda ku qoran ay tahay 28 Janaayo 2019, shaqsiyada qortayna la yiraahdo LAURA SMITH, shaqsiga la yiri waa FAKAD isla markaa lagu eeday kufi caruur waa fanaan Somaliyeed oo caan ah magaciisana la yiraahdo ABDIMAJID SAID laakiin inta badan loo yaqaano "SCHILLACI ama ISKILAAJI", arintan ayaa shabakada SolaPortal ay ku daba jirtay asbuucii la soo dhaafay taasoo dad aad u badan ay rumeysteen arintan in ay tahay mid sax ah oo jirta.
DAHIR CALLASOW AND HIS BLACKMAILING EMPIRE! SOLA INVESTIGATES
On 6/11/2018
20203 Views
Sida aad ku aragteen baraha SOCIAL MEDIA qaas ahaan FACEBOOK iyo YOUTUBE waxaa bisha barakeysan ee Ramadaanka afka furtay DAAHIR CALLASOW oo dadka inta badan ay u yaqaanaan Gudoomiyaha ELECTRONIC ISBAARO, kaasoo ABDINASIR ISMAIL "SOLA" maalin walba oo bisha barakeysan lagu jiro isaga iyo kuwa Magafe ka soo fakaday ay isku dayeen in sidii dadkii hore ugu BIIQSAN jireen ONLINE ay isku dayaan, laaakiin waxaa ka raacday fashil aad u weyn iyo iyagoo inta ay daaleen iska aamusay, laakiin su'aalaha ugu badan ee lays weeydiinayey waxay ahayd DAHIR CALLASOW MAXAA KA XANAAJIYAY oo waqtigiisa uu u geliyay shaqsi aan hal eray ku soo qorin SOCIAL MEDIA?
MUQDISHO CAASIMAD MA U QALANTAA? QORAALKII FAHAD YAASIIN EE 2003
On 4/12/2019
18395 Views
Qoraal aad u xiiso badan ayaa lagu daabacay shabakada SOMALITALK.COM sanadkii 2003 bishii Febraayo,kaasoo TITLE looga dhigay MUQDISHO CAASIMAD MA U QALANTAA? qoraalkan waxaa ku saxiixnaa EDITORKA oo ahaa Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo sanadadii ugu dambeeyay ahaa shaqsi siyaasada Somaliya mug weyn ku leh oo qabtay jagooyin muhiim ah, qoraalkan wuxuu ka hadlayaa waxyaabihii ka dhacay caasimada Somaliya xilliyadii kala duwanaa ee dagaalka sokeeye iyo dadkii magaca ku yeeshay.
ARINTA AXMED GEELLE, SOMALILAND, JABUUTI IYO FARANSIISKA - SOLA INVESTIGATES!
On 4/5/2019
8326 Views
Ganacsade AXMED CISMAAN GEELLE iyo qoyskiisa waa reer aad looga yaqaano geeska Afrika gaar ahaan Jabuuti iyo Somaliland. waxay maal gelin ku sameeyeen ganacsi kala duwan oo ay ka mid tahay warashada COCA-COLA oo uu ka hirgeliyay meel Hargeysa u jirta 35 km taasoo ku baxday aduun dhan 17 Malyuun Dollar, waxaa xariga ka jaray Madaxweyne Siilaanyo 22 Maajo 2012, shirkada SBI "Somaliland Beverages Industries" ayaa awood u yeelatay in ay hesho shatigan ay ku furtay warashada COCA -COLA oo ka hawl gashay Somaliland iyo Puntland.
FARSHAXANKA AMIIN CAAMIR MA RA'YIGIISAA MISE MEEL KALE AYUU KOOBI KA SOO SAMEEYAA? SOLA INVESTIGATES "UPDATED APRIL 2019
On 5/8/2016
66685 Views
Waagii berisamaadka waxaan Radio Muqdisho ka maqli jiray AMIIN CAAMIR iyo CALI MALEEXAAN oo dhanka farshaxanka ku gacan yaraystay,iyadoo inta badan lagu arki jiray caasimada Somaliya iyo gobolada qaarkood sawirro aad u qurux badan uu sameeyay AMIIN CAAMIR oo dowlada Somaliya iyo Xisbiga aad u amaani jirtay,burburkii ka dib AMIIN CAAMIR wuxuu ka mid noqday dadkii qurbaha u soo haajiray,isagoo dalka Jabuuti ka dib u soo gudbay wadanka KANADA oo iminka uu ku nool yahay,wuxuu aad uga faaloodaa isagoo isticmaalaya sawir gacameed siyaasada Somaliya iyo wadamada ku hareera oo iminka ciidamo farabadan ay wadanka ka joogaan.
QORAALKA XIISAHA BADAN EE ARIMAHA GEESKA AFRIKA UU QORAY CC SHAKUUR MALA SOO TARJUMAY MISE WAA ORIGINAL? SOLA INVESTIGATES!
On 11/15/2018
8500 Views
Qoraal aad u xiiso badan oo ka hadlaya xaaladaha isbedelaya ee arimaha geeska Afrika oo lagu faafiyay shabakadaha iyo baraha bulshada oo uu qoray siyaasi ABDIRAXMAAN ABDISHAKUUR ayaan si xiiso leh u aqriyay, runtii waxaan ku tilmaami karaa in uu ahaa mid si hufan oo baaritaan dheer ay ku jirto loo qoray, isagoo warbixin falanqeyn iyo nuxur leh uu ka bixiyay, laakiin markii aan dhameeyay waxaan maskaxdeyda ka bixi weyday meeshii aan ku arkay qeybo ka mid ah qoraalkan!, sidaa awgeed ayaan isku dayey in aan baaritaan ku sameeyo meesha uu ka yimid qoraalkan xiisaha badan.
SHAQSIGII SAWIRADA QARSOODIGA AH KA QAADAY FAHAD YAASIIN IYO QAABKA LOO OGAADAY “SOLA INVESTIGATES”
On 9/26/2018
8003 Views
Baraha bulshada ama Social media wuxuu isu bedelay goob qof walba uu doonayo in shaqsi kale uu is yiraahdo ku fadeexee, taasoo mararka qaar u keeni karta qofka is lahaa dhibaato gaarsii cid kale ay isaga ku soo laabato, shabakada SolaPortal waxay baaritaan ku sameysay arin dadkii aqriyay ay aad ula fajaceen taasoo ka dhacday 35000 ft ama diyaarad hawada ku jirto oo sawiro si qarsoodi ah looga qaaday Fahad Yaasiin oo ahaa ah taliye ku xigeenka hay'ada nabadsugida Somaliya "NISA", taasoo sababtay in shaqsiyo ay xabsi, musaafurin iyo shaqo lumis ay ku muteystaan.